SIYAASI AXMED XASAN CARWO IYO OLOLIHIISA UU KU BURBURINAYO TAAGEERAYAASHA XISBIGA KULMIYE EE CARIGA INGIRIISKA (UK) AdminAug 23, 2016SOMALI NEWS0LIKE

0
345

SIYAASI AXMED XASAN CARWO IYO OLOLIHIISA UU KU BURBURINAYO TAAGEERAYAASHA XISBIGA KULMIYE EE CARIGA INGIRIISKA (UK)
AdminAug 23, 2016SOMALI NEWS0LIKE

Hargeysa, (WSN) -Baadhitaan qoto dheer oo ay samaysayeen suxufiyiin madax banaani ayaa daaha ka fayday olole balaadhan oo uu ka dhan ah taageerada xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ka haysto wadanka ingiriiska, ololahaas oo uu dabada ka riixayo mid ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga Kulmiye isla markaana ah masuul ka tirsan dawlada uu gadhwadeenka ka yahay Madaxwayne Axmed Siilaanyo.

Ololehan la doonayo in lagu wiiqo laguna burburinayo taageerayaasha xisbil xaakimka Kulmiye ee wadanka Ingiriiska, Gaar ahaan gobolada Wales iyo Manchester ayaa waxa gadhwadeen ka ah siyaasiga lagu magacaabo Axmed Xasan Carwo, oo ku magacaaban La Taliyaha Madaxwaynaha ee Arrimaha Dhaqaalaha isla markaana dagan carriga Ingiriiska.

Masuuliyiin sar sare oo ka tirsan xisbiga Kulmiye xaruntiisa Hargeysa ayaa iyaguna sidoo kale noo xaqiijiyay in hogaanka xisbiga Kulmiye ka warhayo ololaha ka dhanka ah xisbiga ee uu Axmed Xasan Carwo ka wado cariga Ingiriiska, gaar ahaan gobolada Wales iyo Manchester oo xisbiga Kulmiye ku leeyahay taageerayaasha ugu badan marka la barbar dhigo labada xisbi ee kale.

Olalahan uu ku foogan yahay siyaasigani ayaa u muuqda kuwo uu iskaga horkeenayo islamarkaana uu doonayo inuu khilaaf iyo isqabqabsi ka dhex abuuro hogaanka iyo taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee gobolada Wales iyo Manchester.

Siyaasigan oo dhawaanahanba ku sugnaa caasimada Somaliland ee Hargaysa ayaa waxa cadayn marag madoon ah u ah olalahan uu wado siyaasigani fal uu maalmihii la soo dhaafay ku kacay masuulkani kaas oo abuuri gaadhay khilaaf iyo isqabqabsi maamul oo soo dhex gala taagerayaasha xisbiga ee wadanka Ingiriiska gaar ahaan gobolada Wales.

Falkan uu ku kacay masuulkani ayaa ahayd inuu maalmihii la soo dhaafay uu bada keenay isla markaana uu sahlay inuu waraysi ka qaado TV ga qaranka Somaliland nin lagu magacaabo Cali Ciise oo sheegtay inuu yahay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee gobolada Wales ee wadanka Ingiriiska, iyadoo uu Hargaysa ku sugan yahay gudoomiyihii dhabta ahaa ee dhawaan la doortay, Mahdi Ibraahim Xasan Dalab (Biso).

Waraysiga gudoomiyahan been abuurka ah oo TVga Qaranka lagu soo daray baahintiisii warka ee maalintii Khamiistii ee usbuuci la soo dhaafay (18 august 2016) ayaa isla habeenkaa laga saaray baahintii warka 8 da fiidnimo ee TV ga qaranka iyo shabakada Youtube ka kadib markii ay ka war heleen Hogaanka sare ee xisbiga Kulmiye.

Sababaha keenay in siyaasigani ku dhaqaaqo ololahan taageero wiiqista ah eek a dhanka ah xisbiga Kulmiye iyo musharaxa madaxwaynaha ee xisbiga, Mudane Muuse Biixi ayaa ka dhalatay cadho iyo hinaase uu siyaasigani ka qaaday waayitaankii uu waayay inuu ka mid noqdo xubnahii loo xulayay inay kamid noqdaan golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye isla markaana lagu doortay shirkii golaha dhexe ee xisbiga sanadkii la soo dhaafay.

Waxa kale oo ilo xogogaal ahi noo xaqiijiyeen inuu ololihiisani uu salka ku hayo hinaase iyo ku xumayn ku aadan Marwo Canab Cumar Ileeye oo ay isku raas yihiin isla makaana ahayd shakhsigii hogaanka sare ee xisbigu inay ka mid noqoto xubnaha golaha dhexe ee xisbiga, shirkii golaha dhexe ee xisbiga sanadki la soo dhaafay.

Labada xubnood ee golaha dhexe ee xisbiga kulmiye ugu jira raaska uu ka soo jeedo siyaasi Axmed Xasan Carwo ayaa kala ah Wasiirad Samsam Cabdi Adam iyo Canab Cumar Ileeye.

Maaha markii u horaysay ee uu siyaasigani soo maleego olole ka dhan ah labadan xubnood ee raaskiisa ugu jira golaha dhexe ee xisbul xaakimka.

Waxay ahayd dhamaadkii sanadkii hore markii uu siyaasigani warar borobogaando ah ku baahiyay shabakada wararka iyo jaraaidada taas oo uu ku sheegay in lagu badali doono wasiirka maaliyada marwo Samsam Cabdi Adan oo ay isku raas yihiin isaga taas oo markii dambe beenowday.

Kadib markii ay beenowday barobogaandadaa uu ku doonayay kursiga wasiir Samsam ayaa waxa uu Axmed Xasan Carwo dib ugu laabtay cariga ingiriiska kaas oo ka bilaabay olole uu kaga soo horjeedo gudida fulinta iyo gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee cariga ingiiriiska Mr. Xariir, taas oo uu doonayay isagoo wata koox tiro yar oo la mabda ah inuu xilka ku qabsado gudoomiye Xariir isla markaana uu boosaska gudoomiyayaasha Gobolada Wales iyo Manchester iyo Cardiff ee xisbiga ugu magacaabi lahaa xubno ka tirsan kooxdaa uu watay, taas oo fashilantay gabi ahaanteedba.

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee Gobolada Wales ee cariga UK Mahdi Ibrahim Xasan Dalab ee uu dhawaanta ka been abuuray ninka uu dabada ka riixayay siyaasigani ayaa waxa bishii April ee sanadkan Golaha dhexe ee xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ee wadanka Ingiriiska (UK) ugu doorteen xilkaa gudoomiyenimo.