Siyaasi Duur Oo Shir Madaxweyne Siilaanyo Burco Kaga Qayb Galay Ku Sifeeyey Mid Dhaawacay Sharafta Madaxweynaha Qaranka

0
323

waaxa qoreya yaasir br

Siyaasi Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI sida oo kale na hore u ahaan jiray wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, ayaa si adag u dhalliilay kulan beelaysan oo Madaxweyne Siilaanyo beel ka mid ah beelaha bariga Burco uu cod ugu weydiinaayey
Murashaxa KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, waxaana uu kulankaas ku tilmaamay mid qorsheysnaa oo loo maleegay Madaxweyne Siilaanyo isla mar ahaantaana cid ismuujinaysaa ay ku wiiqeysay haybadda iyo sharafta Madaxweynaha Qaranka Somaliland.
Md.Maxamed Nuur Caraale (Duur), ayaa sidan ku sheegay qoraal kooban oo uu soo dhigay barta Internetka ee uu ku lee yahay Facebook, waxaana uu sida oo kale

dhalliilay nidaamka Gaashaanbuuraysiga ah ee Madaxweynahu codka ugu doonaayey Muuse Biixi isaga oo carabka ku dhuftay in Madaxweynaha aanay beel gaari u codeyn balse ay u codeeyeen dhammaan ba beelaha dega Somaliland isla mar haantaana aanay mudneyn in Madaxweynahu uu abaalkooda dafiro.

Qoraalka Maxamed Nuur Caraale (Duur), ayaa waxa uu u dhignaa sidan:
Maaha milgihii madaxweyne !
Madaxweyne waa masuulka qaranka ugu sareeya waa mideeyaha ummada guud ahaan mid doortay iyo midaan dooran , waxa xilkaasi fuulay ka dib markii uu ka guulaystay cidii tartankaa la gashay.
Axmed waa madaxweyne waayeel ah oo aan filaayay in ay ku filantahay in uu taariikh nololeed dahabi ah uu ku gunaanadi doono sharaf iyo in uu ka tago dal iyo dad midaysan , sidii madaxweynayaashii isaga ka horeeyayba asteeyen ! .
Mudane madaxweyne waa la soo maleegay shirkaa adna waa lagugu shaanbadeeyay allowse sharaftaadii ma dileen.
Madaxweyne waxaan muran ku jirin in dhamaan ummada reer somaliland bulshada degtaa aanu jirin reer ama qabiil ama ardaa habayaraate aanad cod ka helini , markaa maanta ma qabataa qof kula soo halgamay kuu codeeyay ood codkiisii madaxweyne ku noqotay inaad ku sagootido waxaa i doortay Gaashaanbuur ama Is-bahaysi laba reer ah? oo abaalkaana aad u lingaxdo cid magacaaban.
madaxweyne maanta waxaa safarka kugu weheliyay masuuliyiin aan ahayn Isbahaysiga aad sumaday oo kula wadaaga aragtida kulmiye iyo in muuse lagu dhiso xisbinimo , hadaad ka faqdeen oo faqu ahaa beelo ama reero ma qabataa inaad ka raacdo adigoo odaygii qaranka ahaa ood ka qarsato ? Waabay dhacdee hadii faq qabiil ahayd maxaad ufaafiseen ?
Madaxweyne waad ka tegaysaa xilka qaranka oo xil la wada leeyahay oo la wadaago ceeb uma arko inaad cod u raadiso masharaxa kulmiye saxiibkayo Muuse, milgaha iyo masuuliyada aad u hayso mucaarad iyo muxaafadba sidee ayaad ugu cadayn kartaa inaad qabanayso doorasho xor ah oo xalaal ah ama sidee qaran mid ah oo la yidhaahdo somaliland adiga dabadaa loo heli karaa ?
Madaxweyne waxaan ahay intii kula soo shaqaysay intii kula soo martay mucaarad waxaan kula wadaaga taariikh wanaagsan iyo mid xun , allah ma qadaro taa xune inta kula wadaagta magacaa maantana qoraalkani waa iga magac dhawr maaha mucaarad anoo ah xisbi mucaarad ah . Waa tudhaale aan u muuqan mid is muujin iyo jawaab u isticmaalaya haybada madaxweyne oo cid iga sheegan kartaa aanay jirin .