Siyaasi Madax Banaan Oo Odorasay Saadaasha Ay Siyaasadda Somaliland Ku Socoto

0
395
OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Siyaasi Madax Banaan Oo Odorasay Saadaasha Ay Siyaasadda Somaliland Ku Socoto

Laba Sano ka dib hadii boqorku qadaro, Doorashadda Madaxweynenimo iyo Tan barlamanka oo isku lamaan ayaa ka qorsheysan in dalka ay ka qabsoomaan, Doorashada horteed Waxa la rajeynayaa ama la filan karaa Duufano kacsan oo siyasaadeed in Somaliland ku soo wajahan yihiin, Kuwaas oo Intooda ugu culus dhex mari karto murasharaxinta madaxweynenimo ee xisbiyadda tartamaya dhexdooda ah.

Maanta lama cadeyn karo, Laguma dhaaran karo saddexda murashaxa ee u taagan jagada madaxweynenimo walow muddo aan ka hadhsan tahay Doorashadu,Ilaahey baa ah Caalimul Qeyb ah, Biniaadamku se waxbuu fishaa ama saadaaliyaa iyadoo laga qiyaas qaadanayo wax maanta jooga, Balse taasna lagu kala aragti duwanan karo.

Sadaalin ahaan waxaa suurogal ah in ay dhici karaan arrimahan aan xaga hoose ku falaqeyn doona doorashada horteed anigoo u kala qaadaya Saddexda xisbi qaran.

Xisbi Kulmiye:

Xisbiga #KULMIYE doorashada horteed maryo dhiig leh bey ku kala furan doonaan u tartamida labada kursi oo kala ah, Kursiga murashaxa madaxweyne iyo kan Gudoomiyenimadda xisbiga kulmiye, Waxa ku dhici doona gudaha xisbiga dhanbalan kala qeybin doona madaxda golaha guud iyo taageerasha xisbiga.

dhib weyn ayaa soo gaadhi doona xisbiga, waayo gari laba nin kama wada qosliso, qolada guuleysata mooyee kuwa kale si dhib yar ugama dhaqaaqi doonaan ama ugama sii tirsanaan doonaan xisbiga dhexdiisa hagardaamo mooyee. waxaa uu xisbigu waayi doonaa siyaasiyiin badan oo haraatida khilaafka tartanku galaafan doono.

Kuma koobnaan doono khilaafku xisbiga dhexdiisa, waxaa naafo noqon doona golaha xukuumadda oo ku dhex hafan doona duufaanta xisbi xaakimka hadheysey, Wasiiro golaha xukuumadda ka tirsan ayaa isku sharixi doono labada kursiba ( Madaxweynenimada iyo gudoomiyenimad xisbiga ) taas laftarkeedu waxay halis galin doontaa horumarka dalka iyadoo kharash badan iyo miisaniyad xadhaaf ahi kaga burburin doonto dalkan soo koraya.

Wey dhici karta waana suurogal in khilaafka kulmiye maxkamadda sarre la iskula tago marka loo caali heli waayo, waana suurogal in xeer jajab lagu xaliyo oo nabaro hoosta ka buka dushooda la dhayo.
OLYMPUS DIGITAL CAMERA

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Kama danbeystii, Xisbiga Kulmiye waxaa uu doorashada gali doonaa isagoo boqolkiiba lixdan 60% dhaawac culus qaba, Murashaxa madaxweynaha iyo xisbiguna aaney haba yaraatee isku xidhneyn,murashaxuna si gooni ah u ololeysan doono.

Xisbiga WADANI

Xisbiga #WADANI waa xisbi curdin ah oo aan khibrad, dareen iyo damqasho badan u laheyn Saaxadda siyaasada, Xisbigani waxaa la aasaasey wakhti cid walba ku taameysey in ay xisbi hesho, Gudoomiyaha xisbiga WADANI Cabdirahman maxamed Cabdilahi ( Cirro) Ayaa noqdey gudoonshaha xisbiga ka dib wakhti uu u samri kari waayey xisbiga UCID oo uu dhaxal suge ka ahaa muddo dheer, khilaaf ka dhex qarxeyna dibada u saaray gudoomiye cirro.

Xisbiga dhexdiisa ilaa hada kama dhex muuqdaan cid han madaxweynenimo leh oo la odhan karo culeys bey saari kartaa himilada Gudomiye Cirro. Balse marka la gaadho shirweynaha lagu dooranayo murashaxa madaxweynenimo waa suurogal in lagula tartamo Cirro booska uu naawilayo.

Dabarka isku haya Xubnaha iyo taageerayaasha Xisbiga WADANI oo adkeyn awgeed, waa xisbi u nugul khilaaf hor leh iyo burbur ka dhex dilaaca, kaas oo saameyn taban ku yeelan kara doorashada horteed.

Xisbiga UCID

Xisbiga #UCID waa xisbiga ugu faca weyn asxaabta qaranka Somaliland, waxaa lagu tiriyaa in u yahay xisbiga ugu waayo aragsan asxaabta qaran ururo siyasadadeed oo hadhay iyo Xisbiga WADANIba ka farcameen, saas oo ay tahay waa xisbiga manta la odhan karo wuu ugu awood yaryahay marka loo eego labada xisbi ee kale, taas waxaa dheer sadaasha laga bixin karo wey adagtahay madaama wax kasta laga filan karo oo aanu sal dhigneyn, Waxaa kale oo iyana xusid mudan in isbedelka ku dhaca xisbiga KULMIYE saameyn muuqata ku yeelan doono xisbiga UCID siiba murashaxa madaxweynaha ee xisbiga kulmiye ka soo bixi doona.

Waxaa kale oo iyana meesha taal awooda Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng faysal cali waraabe oo taladiisa iyo goaanadiisuna meeshada yaalaan, taas oo xisbiga UCID u nugleysey in goor walba laga fisho isbedel duleed oo ku dhaca.

Guud Ahaan, Somaliland waxaa ku soo fool leh isbedelo siyaasadeed oo feejignaantoda leh, una baahan in dareen gaar ah la siiyo lana dhayalsan, Isbedeladaasi dhacay ayaa saameyn toos ah ku yeelanaya doorashada inagu soo fooda leh ee 2017ka, waxayna gabi ahaan meesha ka bixi doona isbaheysiyadii hore ee ay ku dhisnaayeen asxaabta qaranku, dhiig cusub ayaa saaxadda siyaasadda soo gali doona kuwaas oo carcartooda iyo firfircoonaantooda qaba.

Fouad Abdisalam

SiyaasiMadaxbanaan

fuad.salam@yahoo.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here