Siyaasiga Kaliya Ee Guddoomiye Cirro Kula Tartamaya Musharaxnimada Waddani Oo Tilmaamay Godoloolooyinka Xisbiga Ka Muuqda, Cirrana Ugu Baaqay Inuu Tanaasulo

0
401

Siyaasiga Kaliya Ee Guddoomiye Cirro Kula Tartamaya Musharaxnimada Waddani Oo Tilmaamay Godoloolooyinka Xisbiga Ka Muuqda, Cirrana Ugu Baaqay Inuu Tanaasulo

Saluugaygu waliba maanta maalin uu ka xoog weyn yahay ma jiro waayo? Waxaan doonayaa in hoggaankayga siyaasadeed noqdo mid hufan

Hargysa(Warsugan) Siyaasiga Maxamed Xiri Guuleed oo ah musharaxa kaliya ee illaa hadda shaaciyay inuu jagada musharaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani kula tartamayo guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, ayaa ka dayriyay hannaanka hoggaanka xisbigaasi wax u wado, isagoo ku dooday in talo la’aan iyo cunsuriyaddi ka dhex jirto xisbigaasi. Waxa kale oo uu guddoomiye Cirro ugu baaqay inuu uga tanaasulo musharaxnimada maadaama uu muddo dheer soo shaqaynayay.
Maxamed Xirsi Guuleed, waxa uu ahaa guddoomiyihii urur siyaasadeedkii Daljir eek u hadhay tartankii 2012-kii, waxaanu sheegay in isaga iyo ururkiisu cududooda ku biiriyeen xisbiga Waddani. Waxa uu sheegay inaanay Guddoomiye Cirro kala qoran wax heshiis ah, iyadoo la waydiiyay in caqabad ay ku noqon doonto musharaxnimadiisa golaha dhexe ee xisbigaasi oo aanu ka mid ahayn “Su’aashaas marka loo eego ninka Rajiimka ah, ama jecel muddi-muddi ku taagtu, wuu odhan karaa oo gole dhexe wuu ku wareegaalaysan karaa, xisbiga qaadhaan ma bixiyay-buu odhan karaa¬¬…. laakiin anigu ma qabo inay jiraan wax iska kay hortaagaya musharaxnimadayda maadaama aan ahay nin muwaadin ah, nin siyaasi ah oo aqoon yahan ah,” ayuu yidhi Siyaasi Maxamed.

Musharaxan xisbiga Waddani oo u waramayay telefishanka Bulsh waxa kale oo uu sheegay inaanu carqaladaynayn guddoomiye Cirro balse uu xaq u leeyahay musharaxnimadiisa “Waxa laga yaabaa in dad badani u qaataan inaan canka mudayo oo dirqiyayo, ma dirqiyayo ee waxani waa xisbi qaran, xeer buu leeyahay, ama wuxuu noqonayaa xisbi koox yari haysato oo ay la hadho oo qayrkii iyo qayr ku xigihiiba ay hoos mariso ama wuxuu noqonayaa xisbi bulka tuura oo bulshadoo dhan u furan, oo reer Somaliland oo dhan ka dhex muuqdo oo qof walba hankiisa iyo damaciisa uu gaadhsiisto,” ayuu yidhi Maxamed.

Maxamed Xirsi Guuleed waxa kale oo uu sheegay inuu saluug ka qabo miisaanka xisbiga Waddani oo uu rumaysan yahay inuu yahay mid cid gaar ahi isku koobtay “Dabcan, waxaa la yidhaa bal waxaas eeg, waxa ka sokeeyana eeg. Saluugaygu waliba maanta maalin uu ka xoog weyn yahay ma jiro waayo? Waxaan doonayaa in hoggaankayga siyaasadeed noqdo mid hufan oo raali galiya bulshada oo dhan. Anigu Waddani sidan si ka fiican oo ka casrisan baan u hoggaamin lahaa, waxaaban ku sii guulaysan lahaa iyadoon tartan ba la gaadhin,” ayuu yidhi Maxamed Xirsi.

Waxa uu intaasi raaciyay in cunsuriyad uu kala kulmay xisbiga Waddani “Anigu xisbiga Waddani waa bilaa talo ayaan qabaa oo talo la’aan baa haysa, cudurka ugu weyn ee hayaa waa bilaa talo. Anigu intaas aan imika musharaxa ahaa maalina la ima odhan Maxamedow maxaa jira maanta, bal noo kaalay, markaa waad arkaysaa in cunsuriyaddi jirto, cunsuriyad baa ku dhex jirta. Waxaan qabaa arrintaasna waxa samaynaya in khaas ah, waligeedna way dhacdaa xeer beegti meel fadhidaa wada ama way heshaa ama way seegtaa.”

Ugu dambeyn wuxuu guddoomiye Cirro ugu baaqay inuu uga tanaasulo musharaxnimada maadaama uu dawladdii Somalia safiir uga soo ahaa dalka weyn ee Ruushka, sidoo kalena dhawr iyo toban sanno guddoomiye baarlamaan ka ahaa Somaliland “Waan hubaa Cabdiraxmaan daal badan baa ku jira, aniguse Daray baan ahay, markaa saaxiibkay Cabdiraxmaan mar labaad baan leeyahay ii tanaasul, anigaa maanta cusub, anigaa xisbiga meel gaadhsiin kara, adna wax wanaagsan baad soo qabatay oo dhidibo fiican baad noo taagtaye,” ayuu yidhi Maxamed.