Siyaasiga Soomaaliyeed Yaanu Noqon Mudane Bulshadiisa U Haloosiya Been Aan Wax Qabad Lahayn Ama Cusbaan Malab Ka Dhigayaa.W/Q Hamze Hassan Gurre(Hgurre)

0
892

Siyaasiga Soomaaliyeed Yaanu Noqon Mudane Bulshadiisa U Haloosiya Been Aan Wax Qabad Lahayn Ama Cusbaan Malab Ka Dhigayaa.W/Q Hamze Hassan Gurre(Hgurre)

Siyaasadda africanka ama soomaalidda waxa aad moodda hadii aad Daruuriyaadka bulshada oo si mugleh loo qiimeeya waxa ay qayb libaax ka qaadataa horumarka uu waddan hiigsan karo.Aduunka aynu ku noolahay ama qarnigan aynu joognaa waa qarnigii iskaashiga mideynta caqliga iyo aqoonta. Waa casrigii qarnigii ay shaqayn lahayd aqoon iyo daacadnimo is waafaqsan oo isla falgelikaraa. Bulshaddu waxa ay u baahantahay qaab horumar loogu sameeyo kana imanayaa(Political leadership action plan/Qorshe dejinta qaab siyaasadeedka hogaaminta).Qofka/ruuxa siyaasiga ah waxa looga baahanyey in uu lahaaddo damac iyo karti shaqsiyadeed uu bulshadiisa ku horumarin karo,Yeeshana ku dhac aan ka gabasho iyo ka gaabin midna laheyn.

Siyaasadda africanka ama soomaalidda waxa aad moodda hadii aad ugu fiirsato in ay meel ka wakineysoo oo ka

wiiqantahay. Sababaha loo aaneeyo inta badan waxa kow ka ah,Qabyaallada,Faquuqa,Takoorka,Danaha shaqsiyadeed,Caddaalad la’aan iyo ummada oo aan laheyn ahmiyad iyo hammi meel looga soo wada jooddo. Inta ay xaalladahan oo dhami jiraana ha u fadhin in Siyaasadda soomaallida loo caal helo ama ay cago adag ku istaagto.Had iyo jeeraalle Siyaasadda soomaalidda waxa lagu sheegaa in ay tahay mid aan loogu hagar bixin sidii ay mudneyd.Waa qaab deelqaaf iyo kala lullasho lagu kala hulleelo oo aan qumaneyn.

Waa hagar daamo iyo haloosin beenna afka baarkiisa uun laga yeedhiyo oo run la moodo xaqiiqadana baal marsan.Waxa suura gal ah oo la maleyn karaa in siyaasadda soomaalidda qaab xumaanteedda ama kacaa kufkeedda,ay masuuliyadeedda leeyihiin siyaasiyiinta soomaalidda.Baadhitaanadda lagu sameeyey siyaasadda soomaalidda waxa lagu ogaaday in ay,Ragaadinteedda horseed u yihiin shaqsiyaad siyaasiyiin ah oo aan laheyn karti iyo aqoon buuxda kana maqantahay dareenka mabda wadaniyadda qof ahaaneed.

Khibrad koobnaanta siyaasiyiinta quruunta soomaali ku abtirsada malaha gorfe qaab nolloleed quman oo ay ku hanuunin karaan bulshadda ay hogaanka u yihiin.Intaa weliba waxa u sii dheer in ay gacan shisheeye daaha dabadiisa ka hullaaqeyso oo dabka ka hurrineysoo.Ummadaha reer galbeedka ama siyaasaddoodu waa mid ku jahaysan qaabkii iyo qorshihii ay fadhiid kaga dhigi lahaayeen Siyaasadda Africa gaar ahaan Soomaalidda.

Hase ahaatee weli leysma gaadhin farina kama qodna,Dhabadda waa la soo hayaa wana lagu soo jiraa goor qumaati loosoo gaadhaba Africa ama Geeska Africa.Wakhtigan hada xaadirka qaababka ay reer galbeedku siyaasadda soomaalida ku qudhmiyaan waxa uu yahay,Qaab afkaar iyo fekero ay ku soo gudbiyaan qaabab badan oo kala jaadjaad ah. Welise maaha qaab toosa ama gacan ku heyn mugleh cudud ciidan iyo hujuun dhameys tiran.

Wax yaabaha lagu burburinaayo ee la rabo in siyaasadda soomaalida diga xaadhka lagu mariyo waa afkaar iyo dano laga leeyahay u jeedooyin dahsoon kuna saleysan mustaqbal dhow ee iman doona,Waa qaab aynaan ilaa hada ka yeellan feker iyo rogrog aqooneed sareeya oo heemmaalin kara ammuuraha qaab nolloleedka siyaasadda.Siyaasiga soomaaliyeed yaanu noqon nin ama mudane,bulshadiisa u haloosiya been aan wax qabad lahayn ama cusbo ayaa malab laga dhigayaa.

Waxa loo baahnyey run qeexan cad oo banaanka taalla.Hadii aan ahmiyadaha qaranimadda iyo wadaniyadda laga mideysnayn leyskuna waafaqsaneyn waa bulqaas ham iyo degle ah. Waxa la rabaa oo loo baahanyey in laysla garto waxii qaran lagu dhisan karo, Siyaasaddaha soomaalidda ha lagu kala maqnaaddo ama ha lagu kala go’o.Hase ahaatee hadii taasi lawaayey oo ay luntey hashii maan-deeq ninba halkiisa raali ha ku ahaaddo hana isku horumarsho. Iskaashi dawlado soomaaliyeed oo geeska geyga geeska Africa ka hirgalaa waxa ay isku ahaan doonaan mustaqbal,Dawladdo iyo cududo iskaashan kara oo iska caabin karaan, Caddaawadaha daneysiga iyo gacan shisheeye..

Contact Inform

Cell-phone

0014153294683

Email:
hgurre.madaale@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here