Somaliland Oo Caalamka Uga Digtay In Doorashooyinka Somalia Lagu Xidhiidhiyo.

0
409

{war sugan }Hargesa}  Jamhuuriyada Somaliland ayaa si adag u beenisay ina qeyb ka tahay nidaamka doorashooyinka Soomaaliya, oo maalmaha ay baahinayeen UNSOM iyo Wakiilka Xoghayaha QM Mr. Keating,

kana digay inaan la abuurin colaado iyo qalalaase gaadha gobolka iyo Caalamka.

Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamka Dr. Sacad Cali Shire oo soo saaray qoraal digniin ah, uu ku socodsiiyey xafiisyada safaaradaha iyo Hay’adaha dalka jooga dhamaantood, oo mareegta Somalilandspan heshay ayaa lagu sheegay in warbixinaha lagu faafiyey baraha bulshadu ku kulanto aanay bedeli Karin xaqaa’iqa gudaha Somaliland ka jira.

Qoraalka Dr. Sacad Cali Shire ayaa soo baxay ka dib markii labadii maalmood ugu dambeeyey xafiiska UNSOM iyo Wakiilka Xoghayaha QM u qaabilsan Soomaaliya Mr. M Keating faafinayeen warbixin ay ku dhiirigelinayeen hanaanka doorashooyinka Soomaaliya iyo abuuritaanka baarlamaanka iyo Aqalka sare ee Federaalku u socdaan, isla markaana ku sheegeen in Somaliland qeyb ka tahay, waxaanu u dhignaa sidan:

“Waxa maalmahan lagu baahiyey warbaahinta, gaar ahaan baraha bulshada ku kulmaan, in Somaliland qeyb ka tahay nidaamka lagu samaynayo Baarlamaan Federaal iyo Aqal sare Soomaaliya yeelato. Taasi, xaqiiqdii waa mid runta ka fog. Dunida, Somaliland waa dal madaxbanaan, la aqoonsan yahay, ama ku socda, oon qeyb ka ahayn geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya. Somaliland waxay ka baxday midnimadii 25 sannadood horteed.”

jjj

Dr. Sacad Cali Shire ayaa ugu baaqay bulshada caalamka inay aqbasho xaqiiqada dhabta ah, oo qiraan inaan Somaliland qeyb ka ahayn qaab dhismeedka Federaalka, waxaanu yidhi,

“Xaqiiqada in dadka ka soo jeedo Somaliland jagooyinka ka qabteen dawladda Federaalka, macnaheedu maaha in ay matalaan Somaliland. taageerida iyo buunbuuninta fikirkaasi ma caawin doono Soomaaliya, Somaliland ama gobolka. Sheegashadaasi waxa laga yaaba inay u wanaagsan tahay dhamaytirka warbixinada shaqsiyaad ama waajibaad hay’adeed, laakiin waxay abuuraysaa colaado iyo masiibooyin gaadha gobolka iyo meelo ka baxsan.”

Qoraalka Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Dr. Sacad ayaa lagu soo xidhay talooyinkan soo socda,

“Waxa caawin kara Soomaaliya, Somaliland iyo guud ahaan gobolka waa in bulshada caalamku aqbasho xaqiiqada dhabta ah ee dhulka, oo qiraan inaan Somaliland qayb ahayn qaab dhismeedka Federaalka, taageeraan doorashooyinka dimuqraadiga dhabta ah ee Somaliland oo kaalin ku yeeshaan wadahadalada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.