Somaliland Oo Ka Qayb-gashay Madal Kulmisay Waddamada Dunida Ugu Awooda Badan

0
286

 

Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Taiwan Maxamed Xaaji Maxamuud ayaa sheegay in calanka Jamhuuriyadda Somaliland si weyn u ga muuqdaa dariiqyada waaweyn ee dalkaasi  isaga oo ka dhinac babanaaya calamada dawladaha waaweyn sida Maraykanka, Midowga Yurub, Faransiiska, Kanada iyo dalal badan oo kale.

Maxamed Xaaji Maxamuud ayaa in sheegay in safaarad ahaan ay ku dadaleen sidii dunidu fahmi lahayd Somaliland “Waxa aan ku dedaalnay in adduunyadu si fiican noo la fahamto ahmiyadda Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal dimuqraaddi ah, xasilloon oo ku yaal meel aad u xaasaasi ah oo weliba istaraatiijik u ah nabadda, siyaadda iyo dhaqaalaha caalamka” ayuu yidhi

Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Taiwan Maxamed Xaaji Maxamuud ayaa sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay marba marka ka dambaysa noqoneysaa cadceed ay adag tahay in sacabka lagu qariyo, gaar ahaan ahmiyadda amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo juqraafiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here