SOMALILAND:WASIIRKA MACDANTA OO QEYBIYEY DEEQ RAASHIN IYO BIYO AY BIXISAY SHIRKADA GENEL ENERGY

0
569

SOMALILAND: WASIIRKA MACDANTA OO QEYBIYEY DEEQ RAASHIN IYO BIYO AY BIXISAY SHIRKADA GENEL ENERGY
Mohamoud WalaaleeyeNov 16, 2016Wararkii U Dambeeyey0LIKE

Hargeysa(WSN)Waridaad-Somalilandspan.com Wasiirka Macdanta & Biyaha Eng. Xuseen cabdi Ducaale ayaa gaadhsiiyey raashin iyo biyo ay ku deeqeen shirkada sahaminta Batroolka Genel Energy deegaanada dhibaatooyinka abaarahu saameeyeen.

Qoysas gaadhaya kun iyo lix boqol oo loo qeybiyey deeqdan raashinka iyo biyaha oo ku nool deegaanada hoos yimaada degmooyinka Waridaad iyo Balli Caraale oo ka tirsan gobolka Saraar ayaa si weyn u soo dhoweeyey.

Wasiirka Macdanta Eng. Xuseen Cabdi Ducaale oo ka hadlay goobtii qoysaska dhibaatooyinku saameeyeen loogu qeybiyey deeqda ay soo gaadhsiisay shirkada baadhista shidaalka ee Genel Energy ayaa yidhi,

“Umaanu iman halkan keliya inaan qeybino deeqdan raashinka iyo biyaha, laakiin, sidoo kale xog-ogaal u noqono saamaynta abaaraha.” Isagoo raaciyey, “Dhibaatada abaarahu waxay saameeyee gobolo dalka ka tirsan, taasoo aanu kaga codsanay shirkada Genel Energy iyo saddex shirkadood oo fadhigoodu yahay dalka inay innaga caawiyaan, Ilaahay mahadii, deeqdii u horeysay oo cunto iyo lixdan booyadood biyo ah ayaan u qeybinaynaa kun iyo lix boqol qoys deegaanada waridaad iyo Balli-caraale..”

Mr. Cabdi Biin Xasan (Janaale), wakiilka shirkada sahaminta shidaalka GENEL Energy ee Somaliland oo goobtan lagu qeybinayey deeqda ay bixiyeen ka hadlay ayaa yidhi,

“ka dib markuu naga soo gaadhay baaq degdeg ah oo gurmadka abaaraha Wasiirka Macdanta Eng Xuseen Cabdi, la xidhiidha dhibaatooyinka ba’an ee abaarahu ku yeesheen dadkii iyo duunyadii, ayaan go’aansanay inaan ka soo jawaabno.”

Arrintan deeqda Genel Energy ayuu sidoo kale qeyb libaax ka qaatay baadi-doonkeedii iyo gaadhsiinta dadkii u baahnaa Maareeyaha Gobolada Barriga ee shirkada Genel Ibraahim Maxamed Xasan.

Sidoo kale, Cabdiqani Saleebaan, maayorka degmada Waridaad iyo Cali Maxamed Faarax oo metelayey qoysaska loo qeybiyey deeqda ayaa uga mahadceliyey shirkada Genel Energy deeqda raashinka iyo biyaha iyo wasaarada macdanta iyo Wasiirkeeda Eng. Xuseen Cabdi kaalinta ay ka qaateen.

Deeqdan shirkada Genel Energy oo noqonaysa tii koowaad ee shirkada hawlaha baadhista shidaalka ka qabta dalka ka geysato gargaarka dhibaatooyinka abaarahu u geysteen dadka iyo duunyada, ayaa noqon doona abaal bulshada Somaliland u xusuusnaadaan inay u hureen xilligii adkaa, isla markaana uu bogaadin gaar ah ku leeyahay Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Eng. Xuseen Cabdi Ducaale oo muujiyey dedaal dheeraad oo dhigiisa Wasiiradu weli u hollan, ayaa tusaale ku dayasho lehna ugu sugan tahay shirkadaha kale dhigooda iyo guud ahaan shirkadaha kala duwan ee gaarka loo leeyahay iyo guud ahaan shacabka Somaliland inta aan ka qeybgelin kaalin muuqata ka qaataan.