Somaliya iyo Somaliland: Somaliya ayaa ku Dhaqanka Sharciga inooga Dhaw!!!.

0
660

Somaliya iyo Somaliland: Somaliya ayaa ku Dhaqanka Sharciga inooga Dhaw!!!.

Inkasta oo tan iyo intii dawladii dhexe ee xukumi jirtay dhul waynihii laysku odhan jiray Dawlada Dimuqraadiga Somaliya ay dhacday, aanay somaliyada koonfureed ‘Somaaliya” ka hana qaadin ama ka hana qaadin dawlad awood leh,oo kala danbayta iyo sharciga ilaalisaa,oo ay jahawareer uun ku jirtay, ilaa hadana aanay si fiican uga soo kaban oo dawlada hada ka talisaa tahay mid aan cago adag ku taagnay oo amaankeedaba ciidamo shiisheeye ilaaliyaan,Somaliland na ay mudodaasi marka laga reebo dhawrkii sano ee u horeeyay, ay ka jirtay dawlad adag oo taabo qaaday,shacbiguna kalsoonida siiyay,hadana madaxda somaliya, tan somaliland dabaqaada iyo ilaalinta ku dhaqanka sharciga ba waa ay uga dhaw yihiin, oo waa ay ixtiraamaan, islamarkaana ku dhaqmaan sharciga ay dhigteen.

Somaliland, laamaha dawlada ama hay’adaha kale duwan ee qaranka, marka uu muran ka dhex aloosmo ee uu ka dhex qarxo,badanaa waxa lagu xaliyaa dhex dhexaadin, sharcigana gees ayaa layska dhigaa, oo waa layska indho tiraa,badanaana ma dhacdo in cidda gardaran runta loo sheego oo khaladkiisa farta loo saaro, ee waxa lagu xaliyaa in mililka korka laga dhayo oo aan eelka la gaadhin,oo waxa si cad loo yidhaahdaa “Wixii daantaana daad ha qaado waxii daantana daad ha qaado”, taasi oo macnaceedu yahay in aan gar la qaadin ee marba kii dan la moodo lagu ciiro.

Balse somaliya, yaanay nabadda iyo nidaamkeeda dawladnimo cago adag ku taagnaan bee,arintu sidaasi waa ka duwan tahay, oo badanaa marka lays qabto waxaad arkaysaa ayadoo dhinacyada is hayaa ay dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaala ee u degsan isu adeegsanayaan,oo dhinac walbaaba doodiisa qodobo sharci uu u cuskanaayo.

Bal eeg baarlamaanka Soomaliya, mooshinka xilka xayuubinta Madaxweynaha ah, ee ay isku hayaan, waxa dhinaca soo jeediyay ay doodooda sal uga dhigeen dastuurka ku meel gaadhka ah ee hada somaliya u degsan oo waxay taxeen qodoba sharci oo dastuurka ah.

Si doodoodu u noqoto mid af sharci ku qoran, kuna baxaysana waxay qabsadeen oo ay kaalmaysteen qareena sharci oo afkooda ku hadla,maanta markii shirgudoonka goluhu ku dhawaaqay in uu mooshinkii laalayna , dhinacii mooshinka keenay may qaylin mana buuqin ee warbaahinta waxay u sheegeen in ay sharciga mari doonaan, oo ay qareenadoodu, iyagoo iyaga matalaaya ay qaadi doonaan, islamarkaana kaga fal celin doonaan talaabada sharci ee ku haboon.

Cajiib, halka maanta dawladeena nidaamkeeda dawladnimo dhawr iyo labaatan jirsaday, aanay golayaasheeda sharci dejinta iyo fulinta midina aanu sharciga hoos u eegin, ee mid walbaa ka qaado waxa ay isaga la noqoto.

Bal eeg mushkilada haamaha shidaalka ee ina jahawareerisay, baarlamaankeenu muxaafid iyo mucaarad ba,midina doodiisa sharci kuma salaynin ee dhamaantood xaalkoodu waa qarjajac iyo is muruq taabad, waxaanu xaalku gaadhay in markii sharcigii dhinac layska dhigay uu shirgudoonkii dhamaa ee goluhu is feedh feedho.

waayo, meelnaba sharciga kagama jirto in goluhu cod u qaadi karo arin aan wali dhicin oo aan laba horkeenin.balse hadii la galo oo la horkeeni waayo, waxay awood u leeyihiin inay waaxda fulinta oo madaxwaynuhu ugu sareeyo amraan in waxii ay heshiis galaan golaha horkeenaan, iyadoo hadii amarkaasi loo hogaansami waayana ay awood u leeyihiin in ay madaxwaynaha oo ah xubinta ugu saraysa waaxda fulinta,iyagoo cuskanaaya in madaxwaynuhu u hogaansami waayay dastuurkii oo uu dastuur jabin ku kacay ay maamuus ka xayuubin ku soo oogaan.

Sidaasi si lamida marka aynu eegno maanta habdhaqanka waaxdeena fulintana, waxa aad arkaysaa in waaxda fulintu aanay danba ka lahayn jirintaanka iyo jiritaan la’aanta sharciga, oo ay iskugu mid u tahay.

Waxa Wasiirka Wasaarada Ganacsigu isagoo ka hadlaaya shir jaraa’id oo uu qabtay, oo ka hadlaaya arimaha haamaha shidaalka yidhi ” Dastuurka ayaa noo ogol in aanu hantida qaranka iibino, kirayno ama hibayno”. Cajiib, taloow qodobkaasi u ogolaanaaya inay sidii hantida gaarka ah, ee shakhsigu leeyahay ay hibayn karaan “Haamaha” halku ku yaalaa, isagaa ina tusi, balse ka garyaqaan ahaan waxaan cadaynayaa in aanay dastuurka meelnaba kaga jirin qodob sidaasi uu u dhigay iyo si u dhaw toona u hadlayaa oo u dhigani ku jirin.

Waxa waxaasi ka sii la yaab badnaa intii aan doodaha dhinacyada dhagaysanaayay, waxa Wasiirka Xidhiidhka Goloyaasha oo isna hadlay yidhi ” Dawladu iyadaa awood u leh arimaha haamaha oo dastuurka ayaa noo ogol oo Go’aan Gole iyo Xeer toona nagama hor istaagi karo”. Af kala qaad, oo hadaan xeerba qabanayn muxuu wasiir inoogu yahay, mise arintu waa awood awood, cajiib, oo markaasina miyaanay runtu ahayn dawlad dimuqraadiya oo codka shacabka iyo xeerarka tixgelisaa inooma dhisna, ee nidaam kaligii talis ah oo aan siyaad bare ka so kayn ayaa inoo dhisan. Allaw sahal amuuraha.

Hada bal eeg, waaxdeena fulinta, ka u hadlaaba, inuu hanjabo iyo inuu qarda jeexo mooyee, ma jiro mid ka hadlay sababta ay xukuumadu u rabto in ay haamaha shidaalka wareejiso, oo qanciyay shacabka ,ileen gacan ku haynta hantida qaranku waa sababta dawladi u jirto, ee loo samaystaye,sidoo kale hantida qaranku maaha wax markii la doonana la wareejiyo, markii la doonana la soo celiyo, ee waa in la sababeeyaa, oo ay dawladu sheegtaa sababta ku kaliftay in ay doonto wareejinta hantida ay rabto in ay markaasi wareejiso, waana in wareejintu markasta noqotaa mid sharciga loo raacay, islamarkaasina noqotaa mid loo yeelay danta shacabka,lagana qarmi waayay,oo ay dawladu wayday tab iyo xeelad kale oo taasi ay kaga baaqato ama kaga fursato samaynteeda.

Intaasiba marka laga yimaado,waxa waxaasi oo dhan ka daran, oo aanay jirin meel laga maraaba, ilaa hadda qarankeenaasi jiritaanka nidaamkiisa dawladnimo ku dhaw yahay sodonka sano, malaha xeerkii lagu maamuli lahaa iibinta ama kiraynta hantida qaranka, ee dhigaayay qaabka ay xukuumadu marka ay dan u aragto wareejinta hantida qaranka ay raaci lahayd, waxaana xeerkaasi samayntiisa si cad u waajibinaaya qodobka 12aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland, waana qodobka ay markasta u cuskato xukuumadu doodeeda wareejinta haamaha shidaalka. Cajiib, taloow ma waanay akhriyin,mise xaalkoodu waa is indho tir iyo badheedh sida u yaala.

Sidaasi darteed waaba xaaraan in xukuumadu ku fikirto ama soo hadal qaado wareejinta haamaha shidaalka, iyadoo aanu jirin xeerkii tusmayn lahaa jidka loo raacayo wareejinta hantida qaranka, waana in ay xukuumadu kuwii hore ee ay wareejisay sida Warshadaha Laydhka ee Hargaysa iyo Berbera, sida ugu dhakhsaha badan dib ugu soo celisaa gacanta dawlada. haday taasi dhici waydana, waa ta danbee, ama ay imika wareejiyso haamaha shidaalka, arintu waxay isu bedelaysaa dastuur jabin uu madaxwaynuhu ku kacay, waxaana Golaha Sharci Dejinta oo ah kan shacabka metela ee ka wakiilka ah, ee loo doortay ku ilaalinta xukuumada xuduuda sharciga; in uu madaxwaynaha sida uu dhigaayo Qod: 96 (2) aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland,ku soo oogo dastuur jabin.

Guntii iyo Gebobo Gebadii Golayaasheena sharci dajinta iyo fulintuba, waa in ay sharciga dhawraaan oo ay u hogaansamaan,kana qajilaan iyadoo jiritaanka nidaamkeena dawlanimo ku dhawyay sodon sano, islmarkaasina sheeganayna qaran dimuqraadiya, in somaliya oo ilaa hadda aanu nidaam dawladnimo oo cago adag ku taagani ka jirin,innagu dhaanto dabaqaada sharciga iyo ixtiraamkiisa.

Allaa Mahad Leh.

Qalinkii: Garyaqaan Jamaal Xuseen Axmed ( Mandella)
Qareen iyo Udoode Xuquuqda Aadamaha.
Telefoon:4122290
Email: Sharmaarke_66@yahoo.com
Kala xidhiidh: www.cadaaladdoon.blogspot.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here