Soo Cararka Wasiir Maxamed Biixi + Fara Badhnaanta Golaha Dhaxe ee Xisbiga Kulmiye+ Taageerada Muuse Biixi…..

0
380

Soo Cararka Wasiir Maxamed Biixi + Fara Badhnaanta Golaha Dhaxe ee Xisbiga Kulmiye+ Taageerada Muuse Biixi…..

Loolanka Xisbiga Kulmiye ee musharaxnimada Golaha Dhaxe ee Xisbiga ayaa ah mid aad loogu gacan sareeyo wasiir Biixi iyo garabka uu hogaaminaayo, tirada golaha dhaxe ee xisbiga Kulmiye oo gaadhaya ku dhawaad boqolaal ayaa wasiir Biixi iyo Wasiir Xirsi oo isku dhinac ahi ay haystaan tiro midhadh ah oo gaadhaya 10-neeyo cod, halka garabka kale ee uu hogaaminaayo mujaahid Muuse Biixi Cabdi ahna Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE uu haysto aqlabiyada Golaha Dhaxe ee xisbiga Kulmiye 90%.

Shirweynaha Xisbiga Kulmiye ee loo balansan yahay 10 Bisha November 2015 ayaa lagu dooranayaa musharaxa xisbiga Kulmiye, Gudoomiyaha Xisbi, kadib markuu madaxweyne Axmed Siilaanyo uu ka tanaasulo musharaxnimada Xisbiga Kulmiye ee Term-kiisa Labaad.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo maalmihii u dambeesay aad loogu taageerayay dhamaan gobolada Somaliland iyadoo masuuliyiinta golaha wasiirada ee xakuumada, xildhibaanada iyo golaha dhaxe ee xisbiga Kulmiye ay cod aqlabiyad ah ku taageerayeen musharaxnimada Gud. Xisbiga Kulmiye Aqoonyahan Muuse Biixi Cabdi.

Halka dhanka kale wasiir Biixi iyo garabkiisu ay fara madhan ay ka jooga dhamaan Golaha Dhaxe ee Xisbiga Kulmiye iyadoo wasiir Biixi uu ka soo cararay shaqadii uu qaranka u hayay, mar uu madaxweyne Axmed Siilaanyo uu ku jiro socdaal hawleed oo uu ugu baxay dar dargalinta hawlaha ictiraaf raadinta qarankan JSL , wasiirka Arimaha Dibada Mr. Biixi waxa uu gabi ahaan ka soo cararay shaqada uu u hayay qaranka, halka uu madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo waftigii uu hogaaminaayay ay wali ku sugan yihiin wadanka UK oo ay kawadaan hawlo shaqo oo qarankeena u muhiim ah.

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis oo wali isku dayaaya siduu u taageero uga heli lahaa Golaha Dhaxe ee xisbiga Kulmiye isagoo adeegsanaaya shilimaad ayaa ilaa imika faro badhan ka taagan hanashada kalsoonida golaha Dhaxe ee Xisbiga Kulmiye, halka uu Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo ay si niyadsan in ka badan 90%ay ku taageerayn dhamaan Golaha Dhaxe ee Xisbiga Kulmiye, dhanka kale wasiir maxamed Biixi Yoonis oo ilaa imika fara madhan ka taagan Golaha Dhaxe ee Xisbiga Kulmiye ayaa khaasatan aan haysan xubnaha Golaha Dhaxe ee ay isku haybta yihiin, kuwaas oo dhamaantood raacay ama kalsoonida siiyay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi kadib marka ay isku qanciyeen in uu Muuse Biixi ka mudan yahay Maanta Maxamed Biixi

Saxafi abdallemuuse

abdallemuuse143@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here