Soomaaliya Oo Sheegtay Inay Qabatay Lacag Badan Oo Ka Timid Imaaraadka Carabta Iyo Raggii Waday

0
277

Saraakiisha Ciidammada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan xuduuda u dhaxeyso Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen rag siday lacag ay sheegeen in laga keenay dalka Imaraadka Carabta.

Saraakiisha Ciidammada Dowladda ayaa tirada dadka la qabtay ku sheegay inay ahaayeen laba nin iyo lacag ay wateen, inkastoo aysan sheegin tirada lacagta gacanta lagu dhigay.

Taliyaha saldhigga booliska degmada Beled-Xaawo oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ee fadhigeedu yahay Muqdisho oo ay Somalilandtoday soo xigatay ayaa sheegay in lacagtaan la doonayay in lagu carqaladeeyo doorashooyinka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Sarkaalkaas oo lagu magacaabo Cabdullahi Cabdi ayaa sheegay in heegan buuxa ay ku jiraan ciidamada ammaanka ee ka howlgala dhulka xuduuda ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, isla markaana ay diyaar u yihiin in ay ka hortagaan wax walba oo khal khal gelinaya amniga dalka.

Ma jiro illo wareedyo madax banaan oo xaqiijinayo sheegashada saraakiisha Ciidammada Dowladda ee ku sugan Xuduuda Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale, dowladda Imaaraadka Carabta weli kama aysan hadlin sheegashada kasoo yeedhay Dowladda Soomaaliya iyo waxa ka jira lacagtaan la sheegay in gacanta lagu dhigay.

Ilo-wareedyo ka tirsan maamulka Jubaland ayaa sheegay in sheegashada ay qeyb ka tahay isku day shacabka lagu kicinayo, iyada oo laga faa’iideysanyo naceybka ay u hayaan Imaaraadka, taasi oo qeyb ka ah ololaha doorashada madaxweyne Farmaajo.

Dowladda Soomaaliya sidaan oo kale sheegtay in bishii April ee sanadkii 2018-kii ay gacanta ku dhigtay lacag ay Dowladda Imaaraadka Carabta kasoo dajisay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, taas oo keentay inuu xumaado xidhiidhka labada dalka, waxayna Imaaraadka Carabta joojisay tababaradii ay siin jirtay Ciidamada Soomaaliya, ayada sidoo kale xidhay cisbitaal si lacag la’aan ah dadka loogu daweyn jiray oo ku yaallay magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here