Sudan Oo Ciidan Dhoobtay Xuduudda Itoobiya Kadib Weerar Lagu Soo Qaaday

0
332

Sudan ayaa millatari u dirtay xuduudda Itoobiya, waxaa sidaas sheegtay warbaahinta dowladda, maalmo kadib markii ciidammada ay halkaas kusoo weerareen ciidammo Itoobiyaan ah.

Askarta ayaa waxaa lagu daadgureeyey xuduudda bari ee magaalada Al-Fashaqa, halkaasi oo ah goobta ay isku dhacyada ka dhaceen, islamarkaana ah dhul ay sheegato Sudan balse ay haystaan beeraley Itoobiyaan ah.

Goobtan ayaa sidoo kale xuduud la leh gobolka Tigray oo dhowaan ay ka dhaceen dagaal u dhaxeeyey ciidamada dowladda Itoobiya iyo kooxda TPLF.

“Ciidamada Sudan waxay kusii siqayaan jiidda hore ee Al-Fashaqa si ay dib ugu qabsadaan dhulka la xaday, islamarkaana fadhiisimo uga dhigtaan khadadka caalamiga ah,” waxaa sidaas tidhi wakaaladda wararka Sudan ee SUNA.

Ciidamada Sudan ayaa sheegay in askartood ay habeenkii salaasadii soo weerareen ciidamada iyo maleeshiyo Itoobiyaan ah oo ku sugan dhulka Sudan.

Warbaahinta Sudan ayaa sheegay in afar askari lagu dilay islamarkaana 27 kale lagu dhaawacay weerarka, inkasta oo ciidamada ayna xaqiijin warbixintan.

Raysal Wasaaraha Sudan Abdalla Hamdok, oo toddobaadkii tegay booqday Addis Ababa, ayaa dhiggiisa Ethiopia Abiy Ahmed kala hadlay calaameynta xuduudda labada waddan.

Addis Ababa ayaa isku dayday inay yareyso ahmiyadda isku dhacan, waxayna sheegtay in dhacdadan ayna helis ku aheyn xidhiidhka labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here