Sudan Oo Dib Ula Soo Noqotay Safiirkii U Joogay Addis Ababa, Maxay Ka Cadhootay??

0
343

Xukuumada Sudan ayaa ka cadhootay diidmada xukuumada Itoobiya oo qaadacday codsi ka yimid Khartuum oo ahaa in Sudan dhex dhexaadiso dagaalka ka socda gobalka Tigray ee waddanka Itoobiya.

Raysal wasaaraha Sudan Hamdok ayaa sheegay in Sudan oo hadda ah Madaxa Urur goballeedka IGAD ay soo bandhigtay inay waan waan ka bilowdo Tigray si dagaalkaasi loo xaliyo, hase yeeshee waxaa diiday Xukuumadda Itoobiya.

Cabdalla Hamdok Raysal wasaaraha Sudan ayaa shalay khadka Telefoonka kula hadlay Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka Antony Blinknen oo ay ka wadahadleen dagaalka sii xumaanaya ee ka socda Waqooyiga Itoobiya.

Itoobiya iyo Sudan oo jaar ah ayaa hore waxa uga dhaxeeyey xiisado la xadhiidha dhulka ay isku heystaan ee xaduuda iyo dhismaha Biyo-Xidheenka Itoobiya ka dhistay wabiga Nile, balse Sudan ayaa ku dooday in dhankooda doonayeen in xal waara laga gaaro dagaalka u dhaxeeya xoogaga Tigray iyo Xukuumadda Federaalka Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here