Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Caasimada Magaalada Hargeysa….

0
413

Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Caasimada Magaalada Hargeysa….

Hargeysa(Warsugannews) Suldaanka Guud ee Beelaha Habar Jeclo oo si weyn magaalada Hargeysa loogu soo dhaweeyay, suldaanka oo safar Caafimaad u joogay dalka Imaaraadka Carabta ayaa waxa garoonka Caalamiga ah ee Cigaal ku soo dhaweeyay Salaadiin, Boqoro, Ugaasyo, Aqoonyahan, Siyaasiyiin, Gudoomiyaha Wakiilada ahna Gudoomiyaha Xisbiga Waddani, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Musharaxa Xisbiga Kulmiye, iyo ku xigeenka Kowaad ee xisbiga Kulmiye, Xubno ka mid ah Golaha wasiirada iyo wax garad aad u tiro badan oo dhamaantood ku soo dhaweeyay suldaanka garoonka caalamiga ah ee Cigaal.

Suldaanka oo ka waramay safarkiisa dalka Imaaraadka Carabta ayaa ku dheeraaday in uu halkaa kula kulmay bulsho Somaliland ah oo jecel waddankooda, isaga suldaanku aad ugu mahad naqay dhamaan dadkii kala duwanaa ee ku soo dhaweeyay madaarka cigaal.
suldaan cabdilaahi Suldaan cali oo bogaadiyay masuuliyiintii goobtaa ku soo dhaweesay.

Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali ayaa ah salaadiinta fara ku tiriska ah ee gayiga Soomaaliyeed meel ay joogaanba aad looga qadariyo, isaga oo suldaanku ka soo jeeda qoys dhanka sandaladoodu facwayntay.
Cabdilaahi Suldaan Cali suldaanka Guud ee Beelaha Habar Jeclo ayaa kadib munaasibadii soo dhaweynta loo galbiyay guriga uu ku leeyahay Caasimada magaalada Hargeysa.
maxamuddhh

maxamuud33

maxamuudd

maxamuudd-690x377

maxamuudyy

suldaanaa1

suldaanaa22

suldaanaa333

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here