Suldaanimo Iyo Jabhadeysi Isma Qabtaan

0
1075

Suldaanimo Iyo Jabhadeysi Isma Qabtaan

Caleema saarkii iyo xafladdii loo sameeyey ee salaadiinta , cuqaasha, siyaasiinta, waxgaradka, dhalinyarada iyo dowladda, dadweynaha, iyo qabaailka Somaliland ka soo qaybgaleen, waxay ahaayeen waxan wali lagu arag Gadabuursi dhexdiisa iyo Somalidaba. Wali waxa igu sii dheer oo an maskaxdeyda ka bixin muuqaalkii xafladii Qulujeed iyo maqaabkii la gaadhsiiyey Wabar. Waxa kale oo wali an arkaa dadkii isdaba joogey min Borama ilaa Qulujeed. Wixii loo doortay waxay ahayd in Jibriil Yoonis u u noqdo hogaamiye dhaqameed qiima ku leh Jibriil Yoonis dhexdiisa, Gadabuursi, iyo qabaailka kale ee dariska ah, iskuna hayo Jibriil Yoonis oo u walaaleeyo, kana difaaco wixii sumcada Jibriil Yoonis wax u dhimaya. Jibriill Yoonis, Gadabuursiga intiisa kale, iyo soomaaliduba way u hanwaynaayeen. Dadkii ka soo qaybgalay iyo intii daawatay xafaldiiba way u wada khusuuceen. Jibriil Yoonis maalintaas waxay islahaayeen waxad gaadheen guul, oo Wabar wuxuu idiin hogaamindoona barwaaqo, nabad, iyo iskaashi.

Suldaan iyo Jabhad la isma garabdhigi karo. Mid walba shaqadiisu waa gaar, waana la wad yaqaana, ummana baahna in la idiin fasiro. Waxa laga yaabaa in Wabar riyooday, oo u riyadii rumaystay waayo isagoon tala waydiin Jibriil Yoonis salaadiintiisa, waxgaradkiisa, siyaasigiisa, iyo caamahaan Gadabuursi ayuu xadka ka talaabay oo u ku dhawaaqay Jabhad u ku sheegey: Jabhadda Xoreynta Awdal. Isma waydiin cidda diratay, ciduu xoraynaayo, ciduu ka xoraynaayo. Gadabuursi horeynna looma gumaysan, dhulkiisana lama qabsan oo waa kii Ingiriiisiga u diiday in u ku dhalo Awdal.

Markii Gadabuursi diiday ayuu cadhadii kula dhacay Baacyacmushtarka Jibriil Yoonis. Taasi waxay abuurtay in Jibriil Yoonis kala shikiyo oo maanta ay ay isweydiistaan MAGDOW. Wuxuu soo kordhiyey in qabaailka Gadabuursi dhamaantood farta ku wada fiiqaan REER AXAMAD oo ay u aaneeyaan falka Wabar.

Maanta Wabar Gadabuursi uu ka irdhoobay, Jibriil Yoonisna ma masilo, Reer Axamadna cidloo dhigay. Wabar Hadoo isleeyey Maraykanbaad tahay oo lagu soo gaadhi mayo, waa in u ogaada in u aduunku koobanyahay oo Sali lagu wada fadhiyo, maalin an maanta ahayna lagala xisaabtami doono dilkii, dhaawacii, iyo boobkii hantida dadweynaha.

Qore: Deeq Mowliid, Boorama

Muwaadin mowliid

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here