Suldaanka Guud Ee Beesha Bariga Hargeysa Oo Xaal Ka Bixiyey Hadaladii Sul.Xiirey, Wasiir Warancade-na U Soo Jeediyey Inuu Sharciga Mariyo Sul.Yuusuf Xiirey

0
323

Suldaanka Guud Ee Beesha Bariga Hargeysa Oo Xaal Ka Bixiyey Hadaladii Sul.Xiirey, Wasiir Warancade-na U Soo Jeediyey Inuu Sharciga Mariyo Sul.Yuusuf Xiirey

Hargeysa(Warsugannews)- Suldaanka Guud Ee Beesha Bariga Hargeysa Suldaan C/raxiim Saxardiid Kaahin ayaa Qaranka Somaliland xaal ka siiyey hadalo kasoo yeedhay Suldaan Yuusuf Xiirey oo kasoojeeda bariga Hargeysa, isagoo isla marlaasina Wasiir Warancade usoo Jeediyey Inuu Xabsiga u taxaabo Sul.Yuusuf Xiirey hadii aanu la ogayn sidan uu ku dhawaaqay Suldaan Yuusuf Xiirey

Suldaanka Guud ee Beesha Bariga Hargeysa Suldaan C/raxiim Saxardiid Kaahin oo isagoo ku sugan magaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyada Djabuuti saxaafada la hadlay ayaa waxa uu sheegay inuu aad uga xunyey hadalada sal-fudaydka iyo masuuliyad daradu ka muuqato ee kasooyeedhay ninka isku magacaabay inuu yahau Afhayeenka Salaadiinta Somaliland kaas oo aan la ogayn meel loogu caleemasaaray xilka afhayeen-nimada Salaadiinta oo runtii ah xil masuuliyadiisu aad u culus tahay

Suldaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu Wasiirka Arimaha Gudaha usoojeediyey inuu sida ugu dhaqsaha badan sharciga u mariyo Suldaan Xiiray oo uu sheeegay inay iskusii jufo hoose yihiin Wasiir Warancade,Suldaanka oo arimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi”Anigoo ah Suldaanka Guud Ee Beesha Bariga Hargeysa Suldaan C/raxiim Saxardiid Kaahin waxaan halkan ka xaal-marinayaa dhamaan qaybaha kala duwan ee bulsho-weynta reer Somaliland gaar ahaan madax-dhameedka Somaliland hadalka kasoo yeedhay ninka sheegta afhayeenka Salaadiinta Somaliland kaas oo aan u aragno inuu yahay gef iyo meelka dhac-weyn oo ninkaasi kula kacay Qaran-nimada Somaliland taas oo aan halkan ka cadaynaayo in aanaan la qabin ee ay tahay arin ku kooban xiirey oo qudha taas oo ay tahay inuu bulshada u cadeeyo halka ay salka ku hayso iyo halka uu ka keenayba”

Dhinaca kale Suldaanka Guud Ee Beesha Bariga Hargeysa Suldaan C/raxiim Saxardiid Kaahin waxa uu xukuumada iyo Qaranka Somaliland usoojeediyey in sida ugu dhaqsaha badan sharciga loo horkeeno Suldaan Xiirey”mar labaadka waxan halkan hawada u marinayaa xukuumada Somaliland ,gaar ahaan Wasiir Warancade waxan leeyahay oo intii uu xilka hayey Salaadiin badan si gef ah ugu xad-gudbay oo u xidhxidhay kaas oo aan leeyahay Wasiirka waa digii salaadiinta kale ee bilaa danbi ah sida gefka ah u xidhxidhi jiraye ,maanta gurigaaga agtiisa ayey ka bilaaban taye waa inaad sida ugu dhaqsaha badan talaabo sharci ah uga qaadaa Suldaan Xiirey,hadii kale waxan u aragnaa in hadalka Suldaan Xiirey aad kula socotid oo aad tidhaahdeen noo dhe adigu”