Suldaanka maqaar saarka ah ee Beelaha Subeer Awal oo lagamaacay Maxamed Axmed Suldaan Cabdiraxmaan oo fariin adag u diray somaliya kanna hadlay xaalada dalka.

0
424

Suldaanka maqaar saarka ah ee Beelaha Subeer Awal oo lagamaacay Maxamed Axmed Suldaan Cabdiraxmaan oo fariin adag u diray somaliya kanna hadlay xaalada dalka.

HARGEYSA:(warsugannews)-Suldaanka guud ee beelaha SUBEER AWAL suldaan Maxamed Axmed Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye , ayaa ka hadlay arrimo dhawr ah oo ay kamid yihiin gardarrada maamulka Xamar ku hayo qaddiyadda iyo jiritaanka Somaliland iyo waliba farriimo wax ku ool ah oo uu diray shacabka reer Somaliland.

Suldaan Maxamed oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa ugu horrayn si adag uga hadlay gacan-togaalaynta Somaliland kaga socota dhinaca maamulka Xamar, waxana uu hoosta ka xarriiqay inaanay Somaliland ahayn wax lagu xuuxiyo Somalia, “Dalkii la odhan jirey Somaliya waxad mooddaa in beryahan dambe ay dawladoodu meherad ka dhigato midnimada umadda somalilyeed baa muqadas ah ama Somaliland baa qayb ka ah wixii Somaliya loo samaynayo. Qoddobkaas anigoo carrabka ku adkaynaya waxan leeyahay waar Somaliland iyo Somaliya laba dal bay kala ahaayeen, Ingiriis baa Somaliland gumaysan jirey, Koongurtana talyaani baa gumaysan jirey, laba maamul oo xuduud mucayin ah kala leh baynu kala ahayn, “ ayuu yidhi Suldaan Maxamed Axmed Suldaan Cabdiraxmaan.

Suldaanka oo hadalkiisa sii wata, ayaa hogo tusaaleeyey sidii ay Somaliland xorriyadeeda u qaadatay xilli Somalia ay ahayd maamul gacanta ugu jirey dawladda Talyaaniga, waxana uu yidhi,“wixii aan jirin in la isku maaweeliyo ma aha, xorriyadda markii ay Somaliland qaadatay 26-kii June,1960. Dalal badan oo caalamka ka mid ah baa aqoonsaday, kadibna 1-dii bishii jully bay Konfurtuna ku timi inaynu mar wax wada dhisanno, tiina way suurtoobi weyday”

Suldaan Maxamed ayaa macne waafi ah u sameeyey Soomaalinimada oo koonfurtu ku sheegeen midnimada Somaliland iyo Somalia, waxana uu yidhi,“Soomaalinimadu ma aha Xamar iyo Hargeysa oo dawlad wada dhista’e Soomaalinimadu waa qoomiyad, waa dhaqan, waa luuqad, waana wax intaas oo dhan ka ballaadhan, Soomaaliga manta NFD jooga iyo midka Djibouti joogaaba way inaga xigaan afrika inteeda kale. Markaa dee haddii aynu kala danaysanay oo dantayadii aanu dib u yab-yabanay dulmi ka dhacay midnimadii awgeed oo ay Somaliland qaran noqotay Koonfurna uu wali dhiig ku qubanayo, wallaalayaal annagu samihiinaanu jecelahay oo inaad wax wada noqotaan baanu jecelahaye riyadan aan soconinin haku daalina oo dantiina garta.”

Suldaanku waxa uu si kal iyo laab ah u bogaadiyey tanaasulkii uu madaxweyne Siilaanyo kaga hadhay tartanka madaxtinimada Somaliland oo uu sharciyan xaq u lahaa, waxana uu tilmaamay inay tahay taariikh dahabi ah, “Madaxweynaha Somaliland waxan uga mahadnaqayaa tanaasulkii uu sameeyey ee isagoo shan sano xilka hayey uu yidhi madaxda kale ee xisbigaygaan aq siinayaa waana wax adduunka nadir ku ah oo aan afrika ka dhicin, waxana aan leeyahay Axmed Siilaanyo dhigay waa mid dhaxal gal ah oo lama ilaawaan ah.” Ayuu yidhi Suldaan Maxamed.

Suldaanka oo farriin qiime leh u diraya shacabka reer Somaliland, ayaa waxa uu yidhi,“umadda waxan ku guubaabinayaa inay dhulka wax kala soo baxaan, gacantaada wixii aad kula soo baxdo ayuun baa wax kuu ah, imikana wakhtigii wax soo saarka ayaa la taagan yahaye, ninkii cagaf heli karayaa waa inuu cagaftiisa wax ku qotaa, kii dibi heli karayaana uu dibigiisa isticmaalo, kii aan labadaba helaynina uu beertiisa miigaysto iyo sagariisa.”

Sidoo kale waxa uu suldaanku si weyn u ammaanay waxqabadka guddidii abaaraha ee dhawaan madaxweyne Siilaanyo magacaabay, waxana uu sheegay inay sameeyeen tallaabooyin wax ku ool ah.“qoladii guddida abaaraha ee madaxweynuhu magacaabay runtii qaranka wax weyn bay tareen umadda intii maalkooda abaartaas ku bixisayna waan u mahad naqayaa, waxana aan leeyahay xasaanad badan baad shaqaysateen, dadkiina iyo dalkiinana abaal badan baad gashateen.”