SWEDAN: Boqoradda dalka Swedan oo sheegtay in qasriga Drottningholm ay kula nooshahay reer aakhiraad

0
363

Boqorada Sweden Silvia ayaa aaminsan in guriga oqortooyada ay joogaan reer aaqiraad, sida uu sheegaydekumantari laga sameeyay oo telefishinka laga sii daynayo maalinta khamiista.

Waxay sheegtay inay la degan tahay guriga boqortooyada ee Drottningholm “saxiibo reer aaqiraad ah.”
“Waa wax fiican. Laakiin cabsi ma jirto” ayay sheegtay.

Guriga oo u dhow Stockholm oo la dhisay qarnigii 17-aad, ayaa waxaa degan boqorada iyo ninkeeda boqorka Carl XVI Gustaf.

Dokumentariga Drottningholm, guriga boqortooyada, waxaa sameeyay telefishinka Sweden ee SVT.
“Mararka qaarkood waxaad dareemaysaa inaadan kaligaa ahayn” ayay boqorada u sheegtay filin qaadayaasha, iyadoo ku adkaysanaysa in reer aaqiraadka la nool ay yihiin “saaxiibo fiican”.

Boqorada Silvia, 73, ayaa guursatay Boqorka Carl 40 sano ka hor, waana boqoradii ugu waqtiga dheereed ee Sweden. Waxaa iska dhalay Aabe ganacsade Jarmal ah iyo hooyo reer Brazil ah.