Taariikh nolloleedkii Wasiir Ku Xigeenkii Hore ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland. (AHUN Dr. Axmed Jaamac Samatar)

0
722

Taariikh nolloleedkii Wasiir Ku Xigeenkii Hore ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland. (AHUN Dr. Axmed Jaamac Samatar )

Allaah ha u naxariistee wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Marxuum Dr.Axmed Jaamac Samatar (WHO) ayaa ku geeriyooday Cusbitaalka Degmada Gabilay ee Gobolka Maroodi-jeex, maanta duhurnimaddii oo ay taariikhdu tahay 14-kii bishii 1-aad sannadkii 2019-ka.

Allaah ha u naxariistee waxa uu ahaa aqoonyahan ku xeel-dheeraa cilmiga daaweynta cudurada ku dhaca maskaxda ee qulubka loo yaqaan, waxaanu ku dhashay Degmada Jigjiga ee Gobolka ismaamulka soomaalida ee Dalka Ethiopia, sannadkii 1947-kii, yaraantiisii waxa uu ku soo qaatay waxbarashadiisii dugsiga Jigjiga, ka dib markii uu dhammaystay dugsigaasi, waxa uu wax barasho u tagay jaamac ku taalay dalka Ruushka oo uu ku soo bartay cilmiga daaweynta cudurada dhimirka ee loo yaqaano afka qalaad (DPM psychosocial, MD psychiatrist expert ).

Allaah ha u naxariistee, waxa uu ka hawl-galay Cusbitaalka waalida ee florina mental Hospital ee ku yaalay magaaladda Xamar, ka dib, markii ay Jamhuuriyadda Somaliland la soo noqotay madax-banaanideedii, waxa uu ka hawl-galay qeybta waalida ee Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, sannadkii 1995-kii illaa iyo sannadkii 2002-kii.

Ka dib, waxa loo magacaabay xilka jagada wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta caafimaadka oo wakhtigaas la odhan jiray Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqada taariikhdu markay ahayd 5-tii bishii 7-aad sannadkii 2003-dii, waxaanu xilkaasi hayey illaa iyo 5-tii Bishii 8-aad sannadkii 2006-dii, isagoo xilkaasi wasiirnimo haya, haddana waxa uu ka hawl-gali jiray cusbitaalka dhimirka ee cusbitaalka guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka.

Allaah ha u naxariistee marxuunkaasi waxa uu guursaday laba dumar ah, waxaanu ifka kaga tagay 2-wiil iyo gabadh, waxaana maanta lagu aasay marxuunkan xabaalaha ku yaala Degmada Gabilay ee Gobolka Maroodi-jeex ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Annigoo ku hadlaaya Magacayga iyo bahda caafimaadka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaan tacsi u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo ehelkii uu ka baxay marxuun Dr. Axmed Jamac Samatar in uu Eebe samir iyo iimaan inaga siiyo dhamaan idilkeenba, waxa kale oo Alle (SWT) ugaga baryaynaa in uu geeyo Janatul Fardowsa. Aamiin. Aamiin. Aamiin.

Maxamed Faarax Qoti
Madaxa Adeegyada Xidh-mooyinka Caafimaadka
Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka