Taariikh nololeedkii iyo maansooyinkii C\Laahi Suldaan “Timacade

0
1115

Qalinkii – Boobe Yuusuf Ducaale   soo jeden yaasir br yare

Cabdillaahi Suldaan Maxamed oo ku caan-baxay (Timacadde),wuxuu ku dhashay Galoolley, oo ku
taal duleedka magaalada Gabiley,sida in badan oo taqaanay rumaysan tahay,isla markaana uu ii
xaqiijiyay Isaaq Cismaan Maxamed oo ay Timacadde ilma-adeer ahaayeen.Hooyadii waxay ahayd
Xabiiba Seed Guuleed.C/laahi Suldaan markuu geeriyooday 1973-kii, wuxuu ahaa 53-jir, sidaa
darteedna wuxuu dhashay 1920-kii.
C/laahi Suldaan wuxuu ka dhashay qoys beeralay ah, waxaanu ahaa madi.Wuxuu ku koray
degmada Galoolley oo ay beer ku lahayeen, halkaas ayaanu ka galay malcaamad-qur’aan.C/laahi Suldaan,
isagoo weli dhallinyaro ah ayuu tegay dalka Itoobiya,waxaanuinta badan ku noolaa magaalooyinka Adari
(Harar) iyo Diridhabe.Timacadde wuxuu Itoobiya ku tegay farriin uga timid ina-adeerkii Maxamed
Dugsiiye Maxamed oo ciidamadii Talyaaniga ka tirsanaa.C/laahi Suldan waxay isa sii raaceen laba kale
oo ay ilma-adeer ahaayeen.Markii ay muddo joogeen magaalada Adari, ayuu Maxamed Dugsiiye u yimid.
Tima-cadde wuxuu ku daray malcaamad uu qur’aanka iyo diinta ka barto.Maxamed Dugsiiye dib
ayuu u noqday oo wuxuu sii raacay ciidamadii Talyaaniga ee uu ka tirsanaa. Waxoogaa markuu maqnaa,
isagoo ku sugnaa magaalada Jimma, ayuu ciidamo ka soo noqday farriin soo faray ahayd in ay C/laahi
Suldaan soo kaxeeyaan markay soo noqonayaan. Halkii ayuu Timacadde ugu tegay Maxamed Dugsiiye, isagoo
ka mid noqday ciidamadii Talyaaniga oo ay MaxamedDugsiiye isku ‘Batalyan’ noqdeen.
Ku sinnaan 1938-kii ayuu Tima-cadde ka soo baxay ciidamadii Talyaaniga
oo uu degay magaalada Diridhabe oo uu waxoogaa ku noolaa. 1940-kii ayuu C/laahi u soo wareegay
magaalada Jabuuti oo uu ku noolaa ilaa 1949-kii. C/laahi Suldaan intii anu Jabuuti ka imanba wuxuu
noqday gabayaa laga yaqaan golayaasha iyo fagarayaasha lagu kulmo, gaar ahaan aroosyada oo uu aad uga
gabyi jiray.Sannadihii uu ku sugnaa Jabuuti iyo markuu ka soo wareegayba, C/laahi Suldaan gabayo bulsho
oo kaftan iyo xifaaleba lahaa ayuu la wadaagi jiray hal-abuurkii ay isku da’da ahaayeen, kuwaas oo
dadku aad u xiisayn jiray.
C/laahi Suldaan markii uu Jabuuti tegay, halkaa waxay ku kulmeen Barni Jimcaale oo kal-gacal
xoog lihi u galay, tix uu u tiriyayna laga hayo halku-dhegga ah;

“Barni ina Jimcaalaan helee, sow bar dahab maaha.”

C/laahi Suldaan iyo Barni Jimcaale, waxay ku aqal-galeen Galoolley 1952-kii. Barni Jimcaale, 1954-kii
ayay Maryan ku curatay.Guurkaa Tima-cadde iyo Barni Jimcaale ma raagin, waxaanay ku kala tageen
magaalada Jabuuti 1957-kii.C/laahi Suldaan wuxuu si rasmiya uga soo wareegay Jabuuti 1949-kii,isagoo
degay Galoolley oo ay beertoodu ku taal. 1959-kii ayuu C/laahi mar labaadkii ku guursaday Galoolley
Ardo Qallinle Cige oo u dhashay afar hablood iyo wiil, kuwaas oo kala ahaa:

Xaliimo C/Laahi Suldaan
Maxamed C/Laahi Suldaan
Mako C/Laahi Suldaan
Iyo Nimco C/Laahi Suldaan.

C/laahi Suldaan, markuu dalka soo degayba wuxuu ka qaybgalay halgankii gobonimo-doonka ahaa
ee dalka ka hana-qaaday.Wuxuu markiiba ku biiray ururkii SNL oo ay xaruntiisu ahayd Hargeysa, halkaas
oo ay kasoo baxeen gabayadii ugu badnaa ee Timacadde ee marxaladdaa ku beegnaa. 1960-kii kadib, markii
gobonimada la qaatay ee la isku daray labadii gobol ee Soomaaliyeed, lana sameeyay Jamhuuriyadda
Soomaaliyeed, Tima-cadde wuxuu ka tirsanaan jiray xisbigii la odhan jiray SDU, loona yaqaanay Calan-Cas.
Wuxuu ahaa xisbi fekerkiisu bidix ahaa ama u janjeedhay dhinaca hanti-wadaaga. Beryihii dambe ilaa
doorashadii 1969-kii,Xisbina kama uu tirsanayn, waayo markuu arkay sidii wax loo waday iyo siday
Xisbiyadii u noqdeen wax lagu danaysto, wuu ka aamin-baxay. 1969-kii, markay ciidamadii qalabka siday
taladii dalka kula wareegeen inqilaabka, C/laahi Suldaan dadweynaha Soomaaliyeed ayuu la qaybsaday
dareenkii wanaagsanaa ee lagu soo dhoweeyay, iyadoo maamulkii madaniga ahaa laga khatoobay, isla
markaana laga rajo-dhigay, shacbigu way u heellanaayeen is-beddel dhaca.
Ididiiladii iyo rajadii dadweynaha gashay waxay ahayd in wax is-beddeli doonaan oo weliba
sida ugu roon isu beddeli doonaan. Mar saddexaadkii ayuu C/laahi Suldaan magaalada Hargeysa ku
guursaday Ardo Tukaale 1971-kii,waxaanay u dhashy Samsam C/laahi Suldaan oo keliya. Carruurtii
Tima-cadde dhalay oo ahayd toddoba gabdhood iyo wiil, waxa maanta ka nool Maryan,Nimco iyo Sam-sam
oo keliya oo xaasas ah. 1971-kii, C/laahi Suldaan waxa kusii xumaaday xanuun kaga dhacay cunaha.
Markay xaaladdiisii caafimaad ka soo rayn weyday ayay xukuumaddii militeriga ahayd 1972-kii u dirtay
dalka Kenya.
Tima-cadde waxa la dhigay ‘Kenyatta Hospital’, oo Nayroobi ku yaal. C/laahi Suldaan wax badan
ma joogin halkaas, muddo kooban kadibna waxa lagu soo celiyay Somaliya. C/laahi Suldaan wuxuu ku
dambeeyay gurigiisii Galoolley ku yaalay, halkas oo ay ku haysay Ardo Qallinle Cige oo xaaskiisa ahayd.
Noloshiisii intii ka hadhsanayd inteedii badnaydna halkaas ayuu degenaa.
C/laahi Suldaan, 7/12/1972-kii, ayaa laga soo qaaday Galoolley oo la geeyay Kala-baydh, halkaas
oo uu ku dhintay 6/2/1973-kii. Bishii February 7dii,1973-kii, subaxnimadii ayaa meydkii Tima-cadde laga
soo qaaday Kala-baydh,iyadoo si wanaagsan loo sii gelbiyayna, waxa lagu aasay Gebilay,
naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo’e

KAANA SIIB KANNA SAAR    Dib U laabo

Waa gabayga hoos ku qoran oon odhan karno waa gabayga ugu muhiimsan gabayyada somaliland.
Wax kasta gabayaaga somaliland way ka gabyeen,adduunayada waxa looga yaqaana inay yihiin
gabayaa aan lala tartami karin. Ilaaahay naxariisti janno ha ka waraabiyee, Maalintii
Somaliland Gobanimada ay qaadatay 26kii juun 1960 ayuu gabaygan qiimaha leh ka tiriyay
meeshii laysugu yimid ee lagu dajinayay Calinkii Ingriiska. Gagadaasoo dad aad u badan ay
isugu yimaadeen. Gabayaaga maalintaa goob jooga ahaa wax ka mid ahaa Qaasim iyo Cabdi
Idaan oo iyaguna ka tiriyay tixo gabayaal ah oo kala gadisan.
Cabdilaaahi Suldaan “timacade”, isagoo ka hadlaya qiimaha xorriyadda iyo calanku leeyahay,
dhibaatooyinkii loo soo maray iyo meesha uu kaga yaallo umadda somaliland.Waxa gabaygaa
tiradiisu ahayd 126 bayd.
Anigoo sebi uun ahoo Sita leeb iyo qaansoo
Siigaduun isku aasoo Sabo reer ka fogaanoon
Laygu aaminin soofkiyo Saaca maanta aan joogno
Gabaygu waygu sugnaayee Haddii aan Sarsarriigo
Ama aan surmaseejo Amaba aan sixi waayo
Ama aan ka salguuro Amaba laygu saluugo
Soomaalida i maqlaysaay I su’aala hadhow

Ilaahaan waxba seegine Subaciisa Quraankiyo
Sabbaxooyin ku sheegayow Saciira iyo naciima
Rabbiigii kala seerayow` Markay suurtu dhawaaqdo e
La soo saaro makhluuqa e Shaqiga iyo saciidka
Maalintaad kala soocdo Dembigaannu samaynay
Rabbigayow naga saamax

Subciyay oo ka dukeeyaye Ka siddeetan sebaaney
Calankaannu sugaynaye Sahankiisa ahaynow
Seermaweydo hillaacdayow Sagal maanta darroorayoo
Siigadii naga maydhayow Saq dhexaannu ahayne
Kii soo saaray cadceeddow Samada kii u ekaaye
xiddigaa mid la siiyayow Saaxirkii kala guurrayeaha
Sarreeyow ma-nusqaamow An siduu yahay eegno e
Kaana siib Kanna saar

Saahidiinta lslaamka e Subcisaa Jimcayaashiyo
Sibyaanta iyo haweenku Calankay Saadinayeenow
Cidina kaanay na Siine Saatir noogu yaboohayow
Saaxirkii kala guurraye Sarreeyow ma-nusqaamow
Aan siduu yahay eegno e Kaana siib kanna saar

Sallaankii istiqaalkow Sedadu kay ku xidhnaydow
Sayruukhii Afrikaadow Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow An siduu yahay eegno e
Kaana siib kanna saar

San-ku-neefle dhammaantii Khalqiga kii u sinnaayeen
Mid saaxiib la ahayne Sangalkii iska diidayow
Saaxirkii kala guurraye Sarreeyow ma-nusqaamow
Aan siduu yahay eegno e Kaana siib kanna saar

Soomaloo iscunaysa oo Saqda qaylo dhawaaqdiyo
Sulub laysu cabbaystiyo Hadba soof la xabbaadhiyo
Saraayaa dami weyde Kii laydhiisu na saaqdayow
Kii sadqeeyey qabaa’ile Isu saaray gacmaa ee
Saf walaala ka yeelayow Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow An siduu yahay eegno e
Kaana siib kanna saar

In sidayda tihiin iyo In kalaanan saxaynine
Soomaloo calan taagta Saakay noogu horraysa oo
Saddex wiig iyo maalmo Haddaan Soor cuni waayo
Safrad laygama yaaboo Sarina mayso naftayda e
Saaxirkii kala guurraye Sarreeyow ma-nusqaamow
An siduu yahay eegno e Kaana siib kanna saar

Nimankii na Siraayaye Waaxwaax noo kala saaftaye
Solanaayey cadkeenna e Innagoo dhexda suunku
Sabarkeenna qarqooray Kii sedkeenna Cunaayaye
Sarartiisa ka muuqdaye Surwaalkii ka yaraadaye
Daaro loo sibidheeyiyo Sariiraa lagu seexdiyo
Kabadh suuf laga buuxshiyo Mid baabuurka safeeyiyo
Aayad saarta carruuurtiyo Sagaal boy iyo kuug iyo
Weliba seeksa lahaa Kii saabaanka u laabayow
Saaxirkii kala gaurraye Sarreeyow ma-nusqaamow
An siduu yahay eegno e Kaana siib kanna saar

Sawjarkaa hubka qaataye Intuu soodhka ku taagey
U diyaara salaantiyo Saraakiisha amraysaay
Sifihii isticmaarka Ka siyaadiya maanta oo
Sibilkiinnan ag joogow Sibirtiisa istaaga oo
Nin walbaan sigib beeloo Sarow taaga gacmaa oo
Sacabkaysku garaaca oo Nin walbow saddex goor
Subxaanow waa mahaddaa dheh

Subxaanow waa mahadaa
Subxaanow waa mahadaa
Subxaanow waa mahadaa!
DUGSI MA LEH QABYAALADI   Dib U laabo

Gabaygan waxaa tiriyey abwaankii waynaa ee Cabdillaahi Suldaan Timacade.
Abwaanku wuxuu gabaygan si murugo leh kaga hadlay dhibaatooyinka qabyaaladdu
leedahay iyo sida ay umadda Soomaaliyeed ula hadhay una baabiisay hadii aanay
ka hadhina aanay aayo lahayn. Soomaaliyi inay ka hadhaan daaye waa bay sii
badsadeen sida bariiska, sidii abwaanku sheegaybaana dhacday baaba’ iyo hoog!

Wuxuu yidhi:

Dabuubtiisa gabay waan ka tagay dihashadiisiiye
Dubaaqayga waataan ka jaray waa fog dabadeede
Shin kastood daleed uga baxdoo nabar is-diidsiiso
Dibnahaagu shaygay bartaa waad ku dayataaye

Haddii gole dabbaaldeg iyo farax loo dalbado maalin
Oo loo duddeeyoo khalqigu daawasho u joogo
Uu mid aan daryeelini xakame daamanka u geliyo
Uu duulin orodkuu lahaa dalacsi siin waayo
Uu cidhibta darrandoorriyuu duubo madaxiisa
Debcin maayo oo wuxuu ka baqan inuu ka duulaaye

Haddaad adigu daacuun ku tahay dooddan iyo baacin
Gacmaha waa ka daayaa ninkii fuulmo daashade
Jeeroon direyska u gashoon dibeda soo taago
Daleen aniga iigama tagee waa dig siin jiraye

Waxaan gabayga deelka iyo laftiyo diirka uga qaaday
Dadka waxaan ogaysiinayaa dowgu suu yahaye
Soomaaliday dayaya wanaag idinka doorsoonye

Docda bari, dorooriga baddiyo Seylac deriskeeda
Dusha koonfureed iyo ilaa wabiga daaciisa
Degmadeena oo iil haddaan dayey abwaankeeda
Nimaan duubiyadu naafo noqon deelka laga waaye

Dul iyo hoosba waan ugu dhigay waa dixdhagaxeede
Anuunbaa damqanayee dhaguhu uma daloolaane
Dadkaan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaane
Bal inay dalfoof tahay caqliga dooni laga saaray
Wixii hore usoo daashaday bay degashanaysaaye

Doc hadday u wada jeedsatooy dhowrto danaheeda
Ooy duul walaala ah tahay ooy duunka ka heshiiso
Dadka kama yaraateene ways dabar jaraysaaye
Dubba madaxa wayskala dhacdaa daa’in abidkiise
Goortay is wada dooxatay baa daad u soo geliye
Ubadkiinii waad daadiseen waana dubateene
Dubaaxdiisii waad wada cunteen duhur dharaareede
Dariiq toosan Soomaaliyey waa lagaa deyeye
Darajada Ilaahay ninkii doonayaa hela e
Nin ka duday distoorkioy waxyiga diinti ka carrowye
Dugsi malaha qabyaaladi waxay dumiso mooyaane

Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo daynin kala qaadka
Dibaddaan ka joognaa sharciga daacadda Ilaahe
Danbarkeedu waa Jahannama iyo dogobkii naareede
Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane

Dir dir la isu laayiyo intaan weerar daba joogno
Ooy dumarku weerkii sitaan danabadii waayey
Uu sida dureemada u yaal meydku dibaddiinna
Wallee doogsan maysaan haddaad dunida joogtaane
Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
Maandeeq   Dib U laabo

Cabdullahi Suldaan Timacadde gabaygan wuxuu tiriyey lixdamaadkii markaasoo dawladii
markaa maamulka haysay aad iyo looogu dhaliilayey musuq-maasuq iyo fusuq ka dhex socday iyo inay
dayacday mabda’ii dawladnimo xilkeediina aanay kasoo bixin. Markaa isagoo qararanimadii iyo xornimaddii
ku metalaya hal la yidhaahdo maandeeq oon xero xun gelin oo inta cadow dhacay laga daba tegay oo si
xarago leh loosoo dhiciyey ayuu gabaygan tiriyey.

Wuxuu yidhi:

Gumaysigu hashuu naga dhacay een gurayey raadkeeda
gu’yaal iyo gu’yaal badan hashii gama’a noo diidey
goobtay istaagtaba hashaan joogay garabkeeda
guuraa habeenimo hashaan gebi walba u jiidhay
gaashaandhigeedii hashu galowgu eedaamay

hashii geeddankeedii rag badan goodku ku casheeyey
gacmaa lagu muquunshaye xornimo noogumay garane
garre iyo guntane maalintay gees isugu boodey
Allaa noo gargaaree xornimo noogumay garane
geeraarradeedii hashaan annigu googooyey

galool iyo maraa iyo hashaan kidiga geylaanshey
gaajiyo harraad badan hashaan ugu garaacaayay
goobtuu sidkeedii go’ay galabtii foolqaaday
ayadoo candhada giijisay oo godol ku sii deysay
Garaad midan lahayn bay la tahay waad ka gaagixine
annagoo gantaalaha dhaciyo haysan qori gaaban
hashaan gaadda weynow libaax uga gaboon waayey
Inaan Garayacawl uga tagaa waa hal soo gudhaye.

Casiisoow   Dib U laabo
Casiisaw waa mahadaa

Timacade wuxu geeraarkan inagu tusaaleynayaa awooda Eebbe ee aan koobnayn. Geeraarkan waxa inooga muuqaneysa aqoonta qotada dheer ee Timacadde u lahaa diinta. Wuxuu ina tusaaleynayaa jirrabkii iyo dhibaatooyinkii la soo mariyey Nebiyada iyo siduu Eebbe ugu hiilliyey, wuxu yidhi :

Ilaahi cirka taagayee
Dayaxa iyo cadceeddiyop
Xiddigaa ku cigaalayow !
Ilaahi caadil ahaaye
Dhulka caynkan u daadshaye
Ku culaysiyey buurta e
Isagoon cidi joogin
Casiiskii Nebi Aadan
Ka buuray cammuudda e
Cidhifkaa bidixdiisa
Intuu caaro ka jeebay
Cadkii Xaawa ka yeelayow
Ilaahi caadil ahaaye
Ciyaarsiiyay buxuurta e
Ceejiyee ama siiyayow
Ilaahii caadil ahaaye
Casiiskii Nebi Luud
Kuwii caasi gareeyay
Amaba ceebta yiqiinnay
Habeen cawda u gooyayow
Ilaahii caadil ahaaye
Casiiskiisii Suleymaan
Dabayshuu carbiyayow !
Ilaahii Nebi Ciise
Cilmigiisa ku qaadaye
Cashaduu iman doonana
Cawar seef ugu dhiibayow
Ilaahi caadil ahaaye
Casiiskii Ayuub
Cudurkii uu ku raajay
Marki uu caban waayey
Caafimaad ugu doorshay
Curuuqddiisii dhammaatiyo
Raxmaddii ku dul caastay
Cimrigoodi yareeyaye
Cusbeysiiyey Jidhkooda E
Caruusiinta ka yeelayow
Reer Saxardiid   Dib U laabo
Reer Saxardiid

Geeraarkan Cabdullahi Suldaan (Timacade) Eebe naxariista Janno ha ka waraabiyee wuxuu kaga hadlayaa dhibaatooyinka iyo aaya xumada qabyaaladda. Wuxuuuna caddaynayaa haddii aan laga hadhina inaan wax hagaagayaa jirin qaranimo iyo dwlad la haysanayaana ayna jirin. Wuxuu yidhi:
Intaad Reer Saxardiidiyo
Reer Sarreeye Dubeeyiyo
Reer Samaale tihiin ee
Suldaan Caarshe ogaa iyo
Cuqaashii San Qalloociyo
Subax kiina casheeyaa
idin seexinayaan
Sallaan aad ka baxdaaniyo
Salka meel aad dhigtaan
sacabkoo tima yeeshiyo
saabuun xoor laga waayiyo
waa dameer san madowoo
sina loo arki maayoo
waanay suurta gelayn

Hooyaale   Dib U laabo
Gabayada Cabdilaahi Suldaan timacadde IIlaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo eh gabay ka mid aha.
Indhawaydba hooyale gabay hiigso ma lahayne
waa taan ka saahiday tixii hibadu saarayde
meeshiyo hilaaci kal hore maan haloosiine

dharaartaan haleelaan wixii hore ilaabaaye
hijradiisa goortaan dhex galo ha iyo wowgiisa
markaan anigu hoonka u tumo ayay haadka bixiyaane

hagaag uma talaabsado ninkaan hamaga saaraaye
waxaan gabaygan haatanna ku nacay hadimo waa heele
hadalada dul ow hoosta ay haaf ka dhigayaane

afartaa hilaac iyo tus iyo heego maw yeelay
hannaan gabayga waw marin jiree hadaladaydii dheh
hirara kalena waa maansaday hibatay laabtaydu

hal wanaagsan oo kuu dhashiyo hoos mid laga waayay
hadhuub inaanay wada buuxinayn hubati sow maaha
sange lagu horseediyo magaan hararaflaynaya

inaanay habaas wada galayn hubati saw maaha
hamadeenu bari bay ahayd heesta naagaha’e
heeladiyo barjuhu waa wixii hoos inoo dhigaye

hareeraha raga inaga xigaa helay libtoodiiye
heeryada gumaysiga ma rido ka u habranayaaye
lama helo wadaadow waxan ciddi u hawshoone

nafta loo hantaaqa waxay higso leedahaye
haween iyo rag waa loo guntaday hawshi barigiiye
gobanimdan hoobaan dhacday ee lagu haraad beelay

haydh-haydh haday naga ahayd haw ku soo nidhiye
haaneednay maandeeq Ilaah nama hungaysiine
diyaaraadka heegada mara ee haada la ciyaara

amikaarka hawsha u sita ee huriya duulaanka
dabaabadaha lagu hawdiyo maynka lagu haagmay
hubka iswada haydrogiinta iyo saanadaha haadha

hustankiyo afdheerha socdiyo haafafkiyo jiibka
raga taarka soo halabsady ee hadiyad noo siiyay
nin walba wuxuu noo huray buu hooya leeyahaye

habeen dhow wacane inaynu noqon waana la hubaaye
wax banabaa hadda reer la miray hoystay xoolaha’e
wax badanbaa hilaac lagu habqamay haadku gaylamaye

wax badanbaa hayaaya iyo wareer laysla hoosgalaye
labba hooyo wada foolatay oo hudantay waa ceebe
halka nabada lama dhaawacee hadimadii daaye

nin walbow wixii kugu habboon hoos u dhugo caawa

Ragee   Dib U laabo
Markii malag Jibriil uu waxyiga Maxamad siinaayay
nimankii maroodiga koree magane kooraystay
Makka kuwii inay ku duulaan uunka maqashiiyay

meeshiyo Abraha waxay ahayd dawlad maatiyahe
maskaxdii gabowdiyo waqtigu waaba kala maane
haddii dhiig nin uun laga mutaa rag u macaanaado

malabsiga ayaamaad hadduu mahad ku noolaado
magool suna mar waa cunni jiriyo midho dhunkaaleede
wuxuu Xayle meehaday iyo malihii beenowye

meeshiyo Berbera wuxuu lahaa maalin baad qabane
Geel-jiraha maarraha sitaa madhiyay geeshkiiye
ma moodayn Amxaarada inuu mawdku soo wado’e

nagamuu macaashine markay miririgtii yeedhay
milatariga dhaarsani markuu moote ku asqeeyay
madaafiicda waaweyn markii midigta loo dhiibay

Mingistiyo colkiisii la waa meel uu joogaba’e
muruguu dibnaha ruugayoo uu madowyahaye
maantaan gadhkii midhiqsanaa mid uga taagnayne

minka baxaya faalkaan arkiyo feleggii kaa meerye
Yuhuu magansataa iyo Qarbigu kuu mashxaradyaaba
isku muuqan maynnee markay miiranto aan eegno
Reer Saxardiid   Dib U laabo
Reer Saxardiid

Reer Saxardiid   Dib U laabo
Gabaygan Timacdde waxa uu tiriyay mar 1961 kii uu socdaal ku tagay magaallo madaxdii baabaday ee la odhan jiray Xamar. Dawladdii ay Somaliland sida fufud ugu deeqday taliskii Haystay Xamar ayuu ka war doonay. Waxa argagixso ku noqotay markii uu arakay in Qabiil iyo kala qaybin lagu xukumayo dadka ee aan dawladnimoba jirin ayuu ticxdan tiryay abwaanku.

Wuxuu yidhi Timacadde ilaahay ha u naxariisto’e:

dawarsadaha qaawani kuwuu daasadda u madhiyay
ee daaskeenii wixii yaalay lagu doortay
dikhsi lama xisaabsanid haddaad dow ku kulantaane

dmabarkeedi Maandeeq nimaan doonin ba dhamaye
shicibkii dagaalka u galaa daadsan suuqyada’e
dadkan wada dallacay dawladahan dahabka shiilaaya

da’deenay ahaayeen kuwaa loo dabaaldagaye
doqoniimo Somali waa loogu dawgalaye
gortaan horoo loo durkiyo darajo eegaayay

hadduun baa sidii buul-duqeed daaha loo rogaye
daayeerna laas waa qotaa doox hadduu tago’e
daa’imo carruureedna ways daba gurguurtaane

hadduun bay u dooyasantahay shayadii dilaye
imikaa la doondoonayaa dir iyo daaroode
dibse way u aar gudan hadday diido reer hebele

mar haddaan Talyaanigan dhex degay cidi ka duunbaynin
iga daaya gabaygaygu waa iiga darayaaye!!!!!!
Reer Saxardiid   Dib U laabo
Abwaanku wxuu halakan ku muujinayaa dhibaatooyinkii dalalka hore u maray ay ka soo gudbeen, iyaga oo isakaashanaya oo wada jir wax ku wada qabsanayaa. Waxa kale ee uu dadka xusuusinayaa in dawladaha hore u maray iyaguba soo mareen balanbal iyo jab iyo hoog.

indhawaydba qarankiisa gabay qaad isma lahayne
wax waliba qisuu leeyahayiyo qir iyo maamuuse
qawaanniinta maansaduna waa qalad la’aan sheege

halkaan xarafku kuu qabanba waa laga qandoodshaaye
maansada qaraamiga yaryar ee qayliyaa dilaye
qarka Orobba qaaliga frans qooriyada maarsi

quruxdii Almaaniya dhulkii Muuse laga qaaday
qalcadihii burburay reerahay qadaydu yeedhaysay
ninna lama qasbine waa u kaseen inay qasaaraane

wuxuu qalinku meeraba markii laysu wada qaatay
qabbaa rag isu geeyaye markay qaraxday baaruudu
tangiga qafilan maalintuu qaatay minawaarka

qaladdii Jabbaan lagu dhuftuu qoob la rogi waayay
qumblooyinkii oo kalaan maanta qubayaaye
haddaad qaban karaysaan araar qaaliyaan tirine

dawladahani laga qayliyee qaaq wax kaga siiyay
nin waliba marbuu qaadan jiray qanso iyo leebe
qorfo iyo marbuu seexan jiray qalanqal hoosteede

hayeeshee quluub wada jirtaa qaniya sheekhoowe
qalalaase meel lagu lumiyo qaylo iyo oohin
qorraxdii dhacdaba teenu way kala qaxaysaaye

qod la riday qudhaanjada gashaa qoob dad wow halise
hadduu geed qalaalo roobku waa u qamac kaliileede
dirxiga qudhunku uma soo uree waabu quudsadaye

qabaa’iil iyo jeero la naco qaadkan lagu waashay!
qasti jeeroy wada yeelatoo qawlka ku heshiiso
qabyo weeye Somalidaay qiiradaadaniye

nin qalbi la’ quraan ka u akhriyay qaaf dhe ku haraadye
kutubtaa sidii lagu qarridhay qiil la’ aakhiro’e
qayrkii ka hadhe waa ninkii qalay walaalkiiye
Murugo   Dib U laabo
Gabaygan waxa tiriyay Cabdilaahi Suladaan Timacadde Ilaahay naxariiste Janno ha ka warabsho eh. Timacadde lama uu mid ahayn gabayaaga Somaliland dhammantood. Waxa ay gabayadiisu ku caan yihiin waano, wacdi, tusaalayn iyo nacayb xoog ah marka ay noqoto qabyaalad ku dhaqanka. waxaad mooda in aragti gaar uu u lahaa sida qabiil ku dhaqanku uu ahaa dhaawaca, baabi’nta, dumista kala fogaynta dadka ku nool cara edeg dhammaantood.
Gabygan magaciisa waxa la yidhaa Murugo waana sarbeeb ila hadana safayntiisu ay ku maqantahay dadka aqoonta u leh gabayada.
Wuxuu yidhi timacadde ilaahay ha u naxariisto eh:

macnuu gabaygu kala leeyahayiyo jar iyo miidaane
layskuma marduufee haddaan miimka ka higaadsho
masalooyinkaygii haddaan maayada u laliyo

haddaan maago maantaba inaan mariyo luqdeeda
u meermeeri maayo’e tixaan meel dhow ku ogaaye
miyirsada anaa tu’aan yarayn idinku maanshayne

moqor ma laha geeduba hadday mayayga weydaaye
maalkuba caleen kama heleen milcda dayreede
midhuu kama bislaadeen haddaan gu’gu masruufayne

anna waxaan maleeyaan sidii milicda muujaaye
miyirsada anaa tu’aan yarayn idinku maanshayne

miidaan la soo xidhay shirkuu rag isku maan dhaafo
isagoo muxtaaj loo yahay baan muunadayn jiraye
markaasaan muquuno u baxshaa araar leh miisaane

midh la yeedhku goortuu bartaan kaygi meel dhigaye
miyirsda anaa tu’aan yarayn idinku maanshayne

afartaa wax layskuma maro’e miim ma ka higaadshay
maxlal hadalka waa u odhan jiree ma u masalo sheegtay
malyandheerka aaraartuu ahaa macalinkaygiiye

mudanii AFLOW iyo sidii MUXUMAD maw yeedhshay
micne kalana waa hadaladay muhatay laabtaydu

sida maxamadow mugul kaliil maangad lagu ooday
oo mayay gu’oo iyo maax biyo leh weyday
oo waa mawaashi saqdhexe maa ka tidhi beesha
madoobaadayeey xalay miyay murugtay laabtaydu

sida mayl ka soo baxay Hindiya marinadii Jaawa
uu macalinkii waday xukumay mood in laga buuxsho
oo maalmo badan soo dhaxoo meel marso leh gaadhin

uu minawaarka quusaa u dhigay maynka lagu goosmo
oo wixii makhluuqaad ku jiray maalku kala soormay
madoobaadayeey xalay miyay murugtay laabtaydu

sida naag ninkeedii mudna mawdku kala qaaday
oo macangag liittaa u hadhay yeeshay meherkeeda
oo inay ka meemeeriyaan magane doonaysa
madoobaadayeey xalay miyay murugtay laabtaydu

sida carab macdar wacan dhigtoo mihindisoonaaya
oo maqayil xaafaddo u tagay lagama maarmaan ah
uu tuug musbaarrada guray uu taabay maqalkiisa

oo aan maliim lagaga tagin mulug wuxuu haystay
aan madhax raasamaal meel ka dayanaynin
madoobaadayeey xalay miyay murugtay laabataydu

sida maahir geeloo diraac madax sare u booday
oo gubad magoolliyo tigaad mruqle soo daaqday
haddii aan madoobow ratiga heeryo lagu miisin

milmil iyo haddaan loo carrayn marin xadhaadhoobay
madiix ololku wa gar’e hadday miridhna daynweydo
uu kala melmelo jeelku waa meheradiisiiye
ninkii maali jiray waa xaqiiq inay masoobaane
madoobaadayeey xalay miyay murugtay labtaydu

sida inna’n mabsuudoo rug wacan maalig ka abuuray
oo oday masaa’ibi dhalloo laga mildhaabaayay
makri ma laha naago’e hadday mahadda hayn weyday

oo inay hablaa wada maraan milicda doonaysa
uu innan ku meeraysan jiray meel fog ka ilaaqday
uu habar macluuna u diray ooy moqotinka u saartay

oo aan ka maanicin wuxuu uga muraad yeeshay
oo lay muwaafaqay halkuu maya ka dhawraayay
oo farakh makankeeda galay madax wareeraysa
madoobaadayeey xalay miyay murugtay laabtaydu

hadduu muruqa bawdadu ku go’o waad makalantaaye
ninkii midigta laga taabayow bidixdu waa maafe
markaha daarka waxa loogu tolay meel ha joogsado’e

waxa maraqa loo seesayaa maahir yay jaqine
miiraalaha hortiibaa guryaha layska moosaaye
mareegtaaba loo sii guntaa maqasha nayloode

yaanan hadalka muurmuurinine waxaan ku maydhaamay
macnaha iyo ujeedada ninkii maaxiyaa garane