Taariikhda Yuusuf Ismaaciil Samatar “Gaandi” Oo Kooban

0
1063

Taariikhda Yuusuf Ismaaciil Samatar “Gaandi” Oo Kooban

Halgankii Waxbarista Ummadda ee Gaandi (1943 ilaa 1959)

Sababtii Loogu Bixiyey Magaca “Gaandi.”

Magacan Gaandi wuxuu caan ahaa wakhtiyadii 1936kii ilaa 1948kii, waxaannu ahaa aabbihii xornimo dirirka dalka Hindiya, haddii aynu yara iftiimino Magaca Gaandi. sababta magacaas loogu bixiyey markii Yuuuf Ismaaciil Samater muujiyey samir iyo dulqaad ee uu Burco ka bilaabay dugsigii ugu horreeyey ee lagula kacay dagaal, rabshado iyo af-lagaado oo uu ku dhaafay dulqaad iyo dhego-adayg ayuu nin la odhan jiray Maacaleesh oo reer Berbera ahaa u bixiyey Gaandi, kadib Macaleesh ayaa la waydiiyey sababta uu magacan ugu bixiyey, waxaannu sheegay inuu Yuusuf Ismaaciil Samater la yimid dhaqankii uu sameeyey Mahatma Gandi ee uu horseeday reer Hindiya,

waxaannu sheegay inuu halgankii waxbarasho ee loogu diray magaalada Burco uu ku guulaystay, isagoo samir kaga soo baxay duruufihii adkaa ee ku qabsaday hirgelintii tacliinta magaalada Burco, halkaasna uu kula baxay magaca “Gaandigii reer Somaliland.”

Mahatma Gandi Reer Hindiya Mahatma Gandi wuxuu ahaa aabbihii gobonnimada dalka Hindiya. Sannadkii 1890kii ayuu Mahatma Gandi ku noqday dalka Hindiya, isagoo ka soo laabtay waxbarasho uu ku soo qaatay dalka Ingiriiska, waxaannu ololaha ka bilaabay inay dadka reer Hindiya iska dulqaadaan guumaysiga Ingiriiska oo dalkaas gumaysan jiray. Wuxuu Mahatma Gandi soo bandhigay qorshe cusub oo ilaa maanta adduunka caanka ah, kaasoo ah iska caabin nabadaysan, wuxuuna aaminsanaa in aan awoodaha Ingiriiska loo babac dhigi karin, markaa lagula tacaalo si nabad ah, wuxuuna hal-ku-dhig ka dhigan jiray iska caabin nabad ah, bannaan-bax dhego-adayg wata, geesinnimo aan soo laabasho lahayn.

Indhaha adduunka ayu soo jiitay Mahatma Gandi, taasi waxay dhiirigelisay dhammaan gobonnimo doonkii iyo dadkii halganka waxbarasho ummadahooda ugu jiray, waxa wakhtigaas dhici jirtay shakhsigii lagu arko isagoo ka soo horjeeda Ingiriiska amma dadka wax barta yidhaa in loogu yeedho Gandi. Halgankii Waxbarista Ummadda ee Gandi Ka hor inta aynaan bilaabin halganka Yuusuf Ismaaciil Samater waxaynu dib u jaleeci waayihii waxbarsho ee wakhtigaas.

Bilawgii sannadkii 1930kii waxa guud ahaan ay dawladdii Ingiriisku bilawday qorshe waxbarasho oo maadi ah, balse ay hoosta kaga lifaaqan tahay diinta Kiristaanku. Arrintaasi waxa ay keentay kacdoon Ingiriiska lagala horyimi, danta Ingiriisku waxa ay ahayd inuu helo bulsho Kiristaan ah, sannado badan kadibna waxa bilaabmay dad Soomaaliyeed oo sii xooggaystay afartamaadkii. Dadkani waxa ay halgan weyn u galeen sidii dadka wax loo bari lahaa, iyadoo laga saarayo shakigii ay hore uga qabeen waxbarashada. Shantii Halyeey ee Waxbarashada Somaliland Aasaasay. Shan halyeey ayaa noqday shamicii shiday aqoonta Soomaaliyeed ee waqtigaas, waxaanay kala ahaayeen;

1. Maxamuud Axmed Cali

2. Cabdisalaan Xasan Mursal

3. Maxamed Shire Maxamed

4. Yuusuf Xaaji Aadan qabile

5. Yuusuf Ismaaciil Samater (Gaandi)

Shantaasi halyeey ee u tafa-xaytay waxbarista ummadda waxa madax u ahaa Alla ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Axmed Cali, kadibna wuxuu Maxamuud Axmed Cali kala qaybiyey afarta halyeey.Yuusuf Ismaaciil Samater (Gaandi) waxa loo diray inuu waxbarashada ka bilaabo magaalada Burco.Cabdisalaan Xasan Mursal waxa loo diray inuu waxbarashada ka bilaabo magaalada Boorama.Yuusuf Xaaji Aadan Cilmi Qabile waxa loo asteeyey inuu waxbarashada ka bilaabo magaalada Hargeysa. Maxamed Shire Maxamed Gaab, waxa loo diray inuu waxbarashada ka bilaabo magaalada Berbera.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Haragaysa, Somaliland

calicoomay@hotmail.com

Tix-Raac:

Sooyaalkii Yuusuf Ismaaciil Samatar” Gaandi”………… Cali Cabdi Coomay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here