Taliska Ciidanka Dab-damiska Oo War-saxaafadeed Kasoo Saaray Xarun Dab-damis Oo Laga Dhagax-dhigay Degmada Maxamuud Haybe Oo La Hakiyey

0
494

Hargeysa(WSN)- Waxa jirta in dadweynaha ku dhaqan Caasimada Hargeisa ay telefoono badan u soo dirayaan taliska Ciidanka dab-demiska iyaga oo ka codsanaya in looga jawaabo sababaha loo hakiyay dhismaha xarunta dab-demiska ee dagmada Max,ud Heybe Hargeisa laga bilaabey 5/10/2016.
Hadaba si aan u qancino bulshada tirada badan ee la soo xidhiidhey Taliska dhexe ee Ciidanka Dab-damiska Somaliland qaar ka mid ahina soo booqdeen taliska Ciidanka dab-demiska iyaga oo ka codsanaya in jawaabo laga siiyo sababaha rasmiga ah ee loo hakiyay dhismihii uu 5/10/2016 dhagax dhigey Duqa Caasimada Hargeisa ee loogu talo galey in uu noqdo xarun 2aad oo ay leeyihiin dab-demisku si loogu gurmado dagmooyinka koonfurta Hargeisa sidii uu sheegey Duqa Caasimada hargeisa isla markaana ah siyaasada u dajisan dab-demiska iyo xaafadaha hargeisa xarumo laga sameeyo.

Hadaba waxa jirta in dad daneystayaal gaar ahi sheegteen lahaanshaha dhulkaasi danta guud ah taasina ay keentey in wax laga ogaado sababaha ay ku sheeganayaan dhulka danta guud iyo waliba in la qanciyo hadii ay jiraan mulkiyad ay u heystaan dhulkaasi dab-demiska loo dhisayo balse nasiib daro waxa dhacdey in dadkaasi waxba cadeysan waayeen maadaama oo aaney jirin fayl ama mulkiyad ay u heystaan dhulkaasi danta guud ah kadib markii maalinimada khamiista 6/10/2016 uu mayorka Caasimada Hargeisa Mudane C/raxmaan Max,ud Ceydiid Xafiiskiisa ku qaabiley dadkaasi sheegtey dhulka danta guud si uu u qanciyo.
sidaa darteed waxaan bulshada ku dhaqan Caasimada Hargeisa gaar ahaan dagmooyinka bulshadoodu xidhiidhka nala soo sameysey u sheegeynaa in aan sii wadi doono dhameystirka dhismaha xarunta 2aad ee dab-demiska Caasimada hargeisa loo dhisayo si loo badbaadiyo boqolaalka kun ee qof ee ku dhaqan dagmooyinka noloshoodha iyo maalkoodaba.

Taariikh:- waxa jirta in mudo 21 bilood ah laga soo shaqeynayay sidii loo hirgalin lahaa dhismaha xarunta 2aad ee hada hawsheedu ka bilaabantahey dagmada Max,ud Heybe iyo waliba dagmooyinka kale ee Caasimada Hargeisa oo aanu dhawaan bilaabi doono tiiyoo aanu gacanta 1aad ka heleyno Maamulka Caasimada Hargeisa, Wasaarada arimaha Gudaha JSL iyo sidoo kale bulshadeena horumarka jecel ee maalkooda ugu deeqaya balaadhinta xarumaha dab-demiska kuwaasi oo u baahan in loo dhawaado oo xarumo looga sameeyo xaafadaha hargeisa si dhakhso looga jawaabo dhiilooyinka masiibooyinka dabka ee habeen iyo maalinba dhici kara sidoo kale waxa jirta in Maamulka Ciidanka dab-demiska Somaliland uu iskaashi weyn kala sameeyay Duqa Caasimada Hargeisa sidii loo dhisi lahaa xarumaha xaafadaha Hargeisa maadaama oo ay jiraan Cidhiidhiga wadooyinka ee culeyska gaadiidku ku badan yahey isla markaana loo horumariyo adeegyada bulshada ee xaafadaha Caasimada Hargeisa taasina uu dadaalkeeda iyo wax qabadkeedaba gacan weyn naga siiyay Mayorka Caasimada Hargeisa iyo Gollaha Deegaanka Caasimada oo tan iyo xiligii uu Madaxweynaha JSL ku dhawaaqey aasaaska iyo dhismaha Ciidanka Dab-demiska kaalin weyn ka qaatey hirgalinta dab-demiska Caasimada Hargeisa iyaga oo kaashanaya Gudiyada Horumarinta Xaafadaha ee Caasimada Hargeisa.

Taasina ay suurta galisey in Ciidanka Dab-demisku yeeshaan Taliska dhexe oo ay ka hawl galaan boqolaal dhalinyaro ah iyo raxan gaadiida loona baahan yahey in lagu sii talaabsado in la sii balaadhiyo xarumaha dab-demiska ee xaafadaha si loo dhiso cududa Ciidanka dab-demiska Caasimada Hargeisa, hadii ay tahey xarumahooda, Gaadiidkooda, Qalabkooda iyo waliba kaalinta weyn ee ay kaga jiraan shaqo abuurka dhalinyarada dalka oo maanta qofkastaaba ku hamiyaayo in uu ka mid noqdo xubnaha Ciidanka Dab-demiska Qaranka JSL loo tababarayo iyada oo laga faa,iideysanayo khibrada weyn ee khabiirka ku takhasusey Cilmiga dabka iyo ka hortaga aafooyinka dabiiciga ah G/sarre Axmed Max,ed Xasan Sawaaxili.

Ugu danbeyn waxaan bulshada tirada badan ee xidhiidhka la soo sameeyey taliska Ciidanka dab-demiska Qaranka iyaga oo su,aalo ka weydiinaya waxa loo hakiyey dhismaha xarunta dab-demiska dagmada M/Heybe Hargeisa aanu u sheegeynaa in aanu sii wadi doono dhismaha xaruntaasi 2aad ee Ciidanka dab-demiska loo dhisayo maadaama oo dhulka laga dhisayaa uu yahey danguud oo uu hore u dhagax dhigey Duqii hore ee Caasimad Hargeisa Mudane JICIIR markalana uu 5/10/2016 uu Duqa Caasimada Hargeisa u dhagax dhigey dhismaha xarunta 2aad ee Ciidanka dab-demiska Caasimada Hargeisa taasi oo kharashka ku baxaya ay bixin doonto Dowlada Hoose ee Hargeisa oo kaashaneysa bulshada iyo baayac mushtarka Caasimad hargeisa.

Wabilaahi Towfiiq Allaa Mahad leh.
Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha Iyo Saxaafada.
Taliska Ciidanka Dab-demiska Somaliland.