Taliyaha Saldhiga Boliska Wajaale Ayaa Kormeer Hawleed Kusoo Maray Tuulooyinka Geed Balaadh Iyo Godka Carrada

0
449

Taliyaha Saldhiga Boliska Wajaale Ayaa Kormeer Hawleed Kusoo Maray Tuulooyinka Geed Balaadh Iyo Godka Carrada

Wajaale:(Warsugannews)-Taliyaha saldhiga Boliska wajaale ayaa kormeer hawleed kusoo maray

tuulooyinka Geed balaadh iyo Godka carrada. isga oo halkaasi kulamo

kula sheeshay qaar ka mida odayshaasha degankaasi.

Waxaanu Taliyuhu kala hadlay bulshada halkaasi ku dhaqan kala hadlay sidii ay

ugala shaqayn lahaayeen ciidamada bilayska ka hortaga wax kasta oo aminga lid

ku ah.

keesta kale taliyaha ayaa dadka deegaanka ka codsaday in ay la soo socodsiyaan

dadka habeenkii sida lasheegay isku daya in ay qamro ka soo galiyaan jiidaasi.

dhanka kale taliye kayse suudi caraale ayaa wacad ku maray in uu talaabo adag ka

qaadi dono gaadhi-dameerada iyagu khamriga ka soo talaabiya xadka itooobiya

iyo soomaaliland iyaga oo gawadhida ugu geeya tuuloyinka ka baxsan magaalada

wajaale.

Taliya ayaa baryahan dambe wada hawlgalo joogto ah oo ku cidhib tirayo,

mukhaadaraad ,tahriibta iyo dhalinyarada kooxa samaysta rabshadahana ka aloosa

magaalada.

Ciidanka bilsyska ayaan habeen iyo dharaarba ka nasan hawsha ay uhayaan

shacab kooda hadaba tan iyo intii saldhiga wajaale loo soo magacaabay taliye

kayse ayaa waxa uu wax wayn ka qabtay dhalin yaradii dadka safarka ah iyo

canalayda ku baadhanaysay koorna yaasha magaalada hadaba odayaasha

magaalada ayaa taliyaha ku amaanay sida wanaagsan ee uu xilkiisa u gudanayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here