Telefishanka Al-Jazeera Oo Warbixin Ka Diyaariyey Xulka Qaranka Somaliya +Sawiro

0
416

Telefishanka Al-Jazeera Oo Warbixin Ka Diyaariyey Xulka Qaranka Somaliya

Telefishanka caalamiga ah ee Al-Jazeera ayaa warbixin ka diyaariyey xulka qaranka Somaliya ee ku sugan magaalada Addis Ababa, kuwaas oo halkaas ka dhigtay hoy ay ku ciyaaraan kulamada isreeb-reebka Koobka Adduunka ee sannadka 2018 lagu qaban doono Russia.

Xulka Somaliya ayuu telefishanku sheegay in aanay ku ciyaari karaynin waddankooda Somaliya, taas beddelkeeda ay garoonka Addis Ababa ku ciyaaraan kulamadii ay ahayd inay Muqdisho ku martigeliyaan waddamada kale.

Telefishanku waxa uu sheegay inay farxad badan ka muuqato wejiyada ciyaartooyada Somaliya, gaar ahaan kabtankooda, iyadoo magaaladoodii aanay ku dhicin inay sababo ammaan ugu ciyaaraan, isla markaana ay ka baqayaan weerar ay kala kulmaan Al-Shabaab.Somalia

“Si ay tayadooda sare ugu qaadaan, xidhiidhka kubadda cagta ee Somaliya waxay u yeedheen afar Somali-Yurub ah oo ay saddex ka mid ahi ka yimaaddeen Netherlands iyo mid ka yimid UK oo ku biiray xulka.” Sidaas ayuu yidhi telefishanku.

Warbixintan oo qoraal ah waxa uu telefishanku intaas ku daray in ciyaartooyada qaaradda Yurub ka yimid uu mid ka mid ahi ku dhashay waddanka Netherlands halka saddexda kalena ay Somaliya ku dhasheen balse ay iyagoo yaryar tegeen dibedda.

Somalia2“Somaliya way guul-darraysatay labadii kulan ee isreeb-reebka ee Niger ay la ciyaartay, rajadoodii koobka adduuunkana way u dhamaatay hadda, laakiin siday u muuqato waxay u halgamaysaa inay loollanka ciyaaraha ku sii jirto.” Sidaas ayuu telefishanku warbixintiisa ku yidhi.

Somaliya3-655x360

tababaraha-Somaliya-oo-u-dhashay-Uganda

Somalia1

Somalia11

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here