Thiago Silva ; Barcelona Waa Kooxda Horyaalka Yurub Balse PSG Waxay Haysataa Ciyaaryahanada Ugu Fiican

0
907

Hargeisa (Warsugannews)Kabtanka Paris Saint-Germain Thiago Silva ayaa sheegay in ujeedka kooxdooda uu yahay ku guuleysiga tartanka qaarada yurub ee Champions League kadib markii ay kooxdooda hore iyo gadaal u marmarsatay tartamada gudaha dalka France ah, laakin wuxuu sheegay iney heysato dhibaato ay hogaamineyso Barcelona. “Barcelona cid kasto ayeey haatan ka sareysaa, waxaana Bayern Munich iyo Barcelona ku soo xiga Chelsea, Manchester City, iyo anaga,” ayuu daafacaan Brazilian ka ah u sheegay LÉquipe ka hor kulanka PSG ay la leedahay Malmo.

Silva ayaa sheegay in ujeedka ugu weyn ee kooxdooda ay tahay ku guuleysiga tartanka ugu weyn qaarada yurub, wuxuuna qabaa in saxiixa ay xagaagan sameeyeen ee ay Parc des Princes ku keeneen xidigo uu kamid yahay Ángel di María ay awood u leeyihiin iney PSG gacan ka siyaan gaarista hamigooda.

“Waan ka xooganahay sidii aan aheynay sanadkii hore, qoraal ahaan ama magac ahaan, PSG waxay heysataa ciyaartooyda ugu tayada fiican qaarada yurub waligey uma aanan soo ciyaarin koox ay joogaan ciyaartooy tayo intaan la eg leh”. Ayuu yiri daafacaan mayalka adag oo u soo ciyaaray kooxaha Porto iyo AC Milan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here