Tilmaamaha Togan iyo Talaabooyinka Lagu Xasuusan Doono Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Warfaafinta C.laahi Cukuse Mudadii uu Hogaaminta Wasaaradaasi hayay

0
269

Tilmaamaha Togan iyo Talaabooyinka Lagu Xasuusan Doono Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Warfaafinta C.laahi Cukuse Mudadii uu Hogaaminta Wasaaradaasi hayay.

Shaqsi kasta oo loo magacaabo xil masuuliyadna qarana loo dhiibo waxa uu ku talaabsadaa in uu dajiyo qorshayaal uu hadba u arko in uu ku horumariyo goobta majaraheeda uu qabtey isagoo kala horeeysiinyay sida uu mudnaanta ugu kalo arko muddo hada laga joogo ku dhawaad sadex sanadood ayaa ahay markii madaxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu xilaka wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyi galinta s/land u magacaabey C.laahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ahaa rug-cadaa arimaha saxaafada somaliland muddo dheer ku soo dhex jirey xilal kala duwana ka soo qabtey magacaabista C.laahi Cukuse waxaa si weyn u soo dhaweeyay guud ahaanba shacabka somaliland gaar ahaan bahda warbaahinta iyo daneeyayaasha horumarka saxaafada maadama wasiirkani uu taariikh balaadhan ku dhex leeyahay mihnadan saxafada.

Bulshada qaybaheeda kala ayaa iyaguna qabay in wasiirkani uu ayahay nin cod kar ah oo qancinta umada si xeel dheer u yaqaana isagoo ahaa af-hayeenka xukuumada somaliland isla markaana si weyn uga soo baxay in uu bulshada ka dhaadhiciyo waxqabadka iyo qorshayaasha siyaasada madaxweynaha somaliland iyo xukuumadiisaba waxa kale oo uu kaalin weyn ka qaatey arrinta siyasada dibada ee salka ku haysa arimaha ka dhaxeeyay dalalka somaliland iyo somaliya oo qadiyada badani ka dhaxeyso waxaanu jawaabo lagu diirsado siin jirey masuuliyiinta dalka aynu jaarka nahay ee somaliya iyo cidkasta oo isku dayda faro galinta somaliland arrimaah oo dhana waxaa u dheeraa jawaab siinta aan durxaanta lahayn ee uu siin jirey asxaabta mucaaridka s/land isagoo si far shaxanimo leh oo wadaniyadi ku jirto mucaaridka u tusi jirey waxqabadka xukuumada iyo siyaasada hufan ee hogaamiyaha qaranka somaliland talaabooyinkaas oo dhami waxay keeneen in wasiir C/laahi Maxamed Daahir(Cukuse) ay ixtiraam badan u hayaan bulshada reer somalilan kuwa gudaha dalka ku dhaqan iyo kuwa dalalka caalamka ku noolba isla markaana lagu tilmaamo siyaasi ka soo mudh baxay siyaasiyiinta kale ee masuuliyada qaranka haye.

Wasiirka guulaha taariikhiga ee ku gaadhey intii uu hayay xilaka wasiirka warfaainta dhaqanka iyo wacyi galinta somaliland waxaa ka mid ahaa talaabooyin ugub ku ah siyaasada oo uu qaadey oo ay ka mid tahay sidii uu madal il yartu is qabatey u cadeeyay go’aankiisa ku salaysan musharaxnimada madaxweyne ee xisbul xaakinka kulmiye shir weynihii 5’aad ee golaha dhexe kulmiye arrintaas oo iftiimisey bisaylka siyaasadeed ee kulmiye dhexdiisa ka jira

Hadii aan diirada saaro waxqabadkii dhinaca wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta ee C/laahi Maxamed Daahir(Cukuse) waxa uu gobolada dalka oo dhan gaadhsiiyay idaacada radio hargeysa iyadoo gobolada badan kooda la dhigey FM-yo si wanagsan loo maqlo qaarna lagu rakibey idaacada Qu’aanka kariim.

Xarum o cusub oo dalka gudihiisa iyo dibadiisaba laga furey shaqaalaha oo tababaro is daba joog ah la siiyay qalabyo lagu soo kordhiyay goobaha shaqada ee radio hargeysa Tv-ga qaranka iyo Wargeyska Dawan oo isna la kooney madbacad casri ah oo shaqo badan qabato wargeyskaana laga dhigey mid kalar ku soo baxa boggo badana leh.

Isla maraana wasiirkii hore ee warfaafintu waxaa uu ahaa wasiirkii ugu horeeyay ee dalka Somaliland ka hir galiyay idaacada qu’aanka kariimka ah oo bulshadu waxyaabo badan ay ka dhaxashey

Waxa kale oo mudan in C/laahi Maxamed Daahir Cukuse waxa uu ahaa wasiirkii ugu horeeyay uguna tirada badnaa wasiiradii warfaafinta soo marey ee dhalinyro badan xilal badan u magacaabey isla markaan dhiiri galin badan siiyay.

Dhalinyarada ka hawl gasha wasaarada warfaafinta isagoo garab taagnaan jirey cidkasto oo shaqaale ah oo arin ku timaado sida guurka geerida iyo isbadalada waayahay nololed ee shaqaalaha isagoo taakulo dhaqaale lacageed siin jirey qofka hawli la soo gudboonaato isla markaana waxa uu meesha ka saarey dhaqan soo jireen ahaa oo ka dhex taagnaa xarunta wasaaradda warfaafinta oo ah in madaxda qaybuhu qofka shaqalaha ah ee ay is qabtaan ay waraaq shaqo ka jooojin ah ciidadama ilaalada warfaafinta u dhiibi jireen si shaqaalahaasi aanu xerada wasaaradda u soo galin gabi ahaanbaintii C.laahi Cukuse xilka hayay meesha ayuu kasaarey dhaqankaas taasina waxay hiilweynu noqotey shaqaale hawl adag u haya qaranka oo saacada badan oo dheeraad ah u shaqeeya bulshadooda

Waxa kale oo aan la dafiri karin sida uu saxaafada dawlada iyo ka madax baanaan iskugu soo dhaweey intuu hayay hogaanka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyigilinta somaliland C/laahi Cakuse isgoo soo xero galiyay badi hal doorka mihnada saxaafada Somaliland iyo rug cadaayo kala ah Xasan Axmed Cawke Alle ha u naxariistee),Yoonis Cali Nuur, Xuseen Aw Jaamac Jibriil (Xagar), Xuseen Cali Nuur, Mijir Qaadi, C.laahi Cumar Aadan (Wayab) Xasan Maxamed Yuusuf, C.salaan Ibraahin Hereri, Faysal Fadh fadhle Maxamed Xasan Cali (Waji) Eng Maxamed Maxamuud Xasan )Mijir)saxafiyiinta taariikhda ku leh mihnadan ayaa warbaahinta dawalada dibad ka joog ahaa talaabadaas oo keentey in shaqaalaha kale ee wasaaradda warfaafintu in ay aqoon iyo khibrada shaqo ka rebtaa rug cadaayada la shaqaaleysiiyay iyadoo shaqadii saxaafada dawladuna isbadal badani ay ku timi.

Odoyaashan saxaafada ayaa keenay qorshayaal iyo hanaan shaqo oo lagu talo galey in ay ku shaqeeyaan hawl wadeenada wasaaradda warfaafinta Somaliland taasina waxay keentey in barnaamijyada iyo wararka warbaahinta dawladu ay soo wanaagsanaadaan isla markaana isbadal lagu sameeyo muusiga furitaanka warka Tv-ga qaranka iyo Idaacada Radio Hargeysa arrintaasna waxaa soo dhaweeyay daneeyayaasha arrimaha saxaafada JSL waxaana talaabadan suurto galiyay Wasiirkii hore warfaafinta dhqanka iyo Wacyigalinta S.land Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse).

Wasaaradda warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta ee qaranka Somaliland waxay kulmisaa saxafiyiin fanaaniin abwaano qoraayo iyo hal abuuro badan culimo aw diin iyo qaybaha bulshada inta maskaxda wcurinta leh waana meel laga dheehdo taariikhda la soo marey horumarka hada socda iyo qorshayaasha caafimaadka qaba ee horumarinta wadanka ee xukuumada talada haysa ee uu hogaamiyo Madaxweynaha Somaliland talaabooyinka dhax galka noqdey ee wasiiirkii hore warfaafintu qaadey waxaa ka mid ah ka war haynta fanaaniinta wariyaasha iyo abwaanada xaalada caafimaad darradu la soo gudboonaato isagoo dhakhtaro badan ku booqdey shaqsiyaad miisaan lahaa oo xanuun la soo darsay sida Abwaan Cali Sugule Cigaal(Duncareed) Alle ha u naxariistee, oo dhawaan geeriyoodey, Abwaan C.laahi Diiriye Sooraan Alle Ha Naxariistee, Abwaan Xasan Xaaji C.laahi (Xasan-Ganay) Abwaan Xasan Saleban Dhuxul (Laab-Saalax) Abwaan Axmed Siciid Af-Gudhiye iyo wariye Cabdiqaadir Maxamed Ciid iyo shaqsiyaad kale oo saxaafadaiyo hal abuurba leh isagoo wasiirku gaadhsiiyay dhaqaale lacageed oo ay kula tacaalayeen xaaladooda caafimaad isla markaana talaaban ayaa muujinaysa bisaylka iyo ka war hayna uu wasiirkii horeu hayay dadka uu masuulkaka ahaa.

Kuma soo qaabi karno maqaalkanwax yaabaha lagu xasuusan doona wax qabadkii wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta s.land Cabdilaahi Maxamed Daahir(Cakuse)

Maxamed Xasan Free lancer Journalism