Tobabar aan Noocisa hore loo arag oo magaalada burco loogu qabtay 150 Arday ayaa la soo gabagabeeyay

0
445

Tobabar aan Noocisa hore loo arag oo magaalada burco loogu qabtay 150 Arday ayaa la soo gabagabeeyay

Hargaysa (WSN) Habeenimadii xalay ahayd waxaa magaalada burco lagu qabtay xaflad lagu soo gabagabeeynayo Tababar socday muddo 5 maalmooda kaasi oo ku saabsanaa dhiirigalinta dhalinyarada iyo habka aad uga hadli karto madal bulsho ku sugantahay
Tababarkani oo uu bixinayay aas aasaha xarunta Tudhaale Motivational Training center Xamse siciid tudhaale oo ah oo ah shaqsi ka fikira kana shaqeeya horumarinta Aadamaha, gaar ahaan Dhallinyarada isla markaasina maalmahii u danbeeyay ku sugnaa magaalada burco .

Tabobarka ayaa sidoo kale waxaa uu ku saabsanaa Madal ka hadalka Toolmoon iyo Xirfada soo jeedinta ( Effective Public Speaking and Presentation Skills) tababrka ayaa waxaa ka soo qeyb galay dad gaadhaya 150 qof oo iskugu jira Macalimiin, Dhakhaatiir, Arday Jaamacadeed iyo Arday Dugsi sare ahba.

Habeenimadii xalay ee 3 October ayaa xafladii gebogabada tabobarka lagu qaybtay Jaamacada Addis ee Magaalada Burco. Xafladani ayaa waxa ka soo qayb galay Gudoomiyaha Jaamacada Addis Prof Cali Cashuur, kaas oo sheegay muhiimada uu tabobarkani leeyahay
“aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ka soo qeyb galo tababarkan muddada gaaban socday, waxaan rajeynayaa in aad ka fa’iidaysateen muddadaasi tobabarka jaamacadu waxay ku xidhantahay Tababarayaal iyo qora tiro badan oo xamse ka mid yahay waxaan idinka codsanayaa in cilmiga aad barateen uga fa’iideysaan bulshadiina, Tababare Xamse waxaan leeyahay isagana waa in aad ku dadaashi sidii aad dhalinta reer burco iyo bulshadeedaba u soo gaadhsin lahayd aqoontaada wananu kaaga fadhinaa inaanad qeyb ka mida machadkaaga ka furto magaalada”ayuu yidhi
Waxa isaguna isla Xaflada ka hadlay Aaasaha iyo Maamulaha Machadka Tudhaale Motivational and Training Center, Mudane Xamse Siciid Maxamed kaas oo sheegay inuu ku rajo wayn yahay in uu qaybta labaad ee Machadka ka furo magaalada burco.

“runtii waan idiin mahadnaqayaa ma soo koobi karo muddadii koobnayd ee aynu waa joognay xushmada iyo dadaalka aan dhagaysiga wanaagsan ka maqnayn ee aad ii sameyseen waxaan jeclahay in aan magaalada burco qeyb ka mida machadka keeno waanan rajaynayaa arintaasi, tababarkii muddada badan socday intii ka qeyb qadatay iyo maamulka jaamacada waan idiin mahadnaqayaa waxanan rajeynayaa in marar danbe oo kale aynu kulano”ayuu yidhi.

Sidoo kale waxa meesha ka hadlay qaar ka mid ah Ardaydii qaadatay tabobarka kuwaas oo sheegay isbadalka iyo faa’idada ay ka heleen tabobarkan muddada gaaban socday, waxaana ay u mahadnaqeen tababaraha machadka Tudhaale Xamse Siciid Tudhaale.
Xamse Tudhaale ayaa inta badan ku dadaala inuu dhallinyarada siiyo tabobaro kala duwan, kuwaas oo wax ka badalaya noloshooda.
Tababrkani lagu qabtay magaalada Burco ayaa noqonaya kii ugu horeyay ee noocisa ah ee magaaladasi lagu qabto.
6

8

10

41

789

5222

ar

arday