Trump oo ugu baaqay Hillary Clinton in ay aqbasho natiijada doorashada iyo gobol sheegay in tirinta codadka uu ku celinayo

0
339

waaxa qorey yaasir br

Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka, Donald Trump, ayaa ku tilmaamay dib u tirinta codadkii laga dhiibtay gobolka Wisconsin khiyaamo. Wuxu sheegay in xataa Hillary Clinton markiiba aqbashay natiijadii ka soo baxday gobolkaas oo Trump guushu ku raacday codad aan badnayn.

Laakiin xisbiga Green Party ayaa si rasmi ah u codsaday in lagu noqdo tirada si loo hubsado in qolyaha kombuyuutarrada jabsadaa aanay lug ku lahayn.

Intii uu socday ololihii doorashada, Donald Trump wuxuu dhalleeceyn jiray sax ahaanta hannaanka doorashada Mareykanka. Wuxuu sheegay xilligaasi in wax is daba marin ay jirto, wuuna diiday inuu caddeeyo inuu natiijada aqbalayo haddii laga guuleysto.

Hadda hadaba, saraakiisha doorashada ee gobolka Wisconsin waxay ku dhawaaqeen inay dib u tirinayaan codadka, ayagoo ka jawaabaya dalabka xisbiga mucaaradka ee “the Green Party”.

Murashixii doorashada ku matalaysay, Jill Stein ayaa sidoo kale dooneysa in dib loo tiriyo codadka laba gobo loo kale. Gobolladaasi ayaa kala ah, Michigan – oo Trump uu ku sareeyay 11,000 oo cod, iyo Pennsylvania, halkaasi oo uu ku horeeyay qiyaastii 70,000.

Musharrixii Mr Trump sida weyn ula tartantay, Hillary Clinton waxay markii hore rabtay inaysan dood gelinin natiijada doorashada. Balse kooxdeedii u qaabilsaneyd ololaha waxay shaaciyeen inay go’aansadeen inay la saftaan xisbiga kale ee The Green Party.

Taasi waxay dhalisay in Donald Trump uu ka jawaabo arrinta. War-qoraal ah oo ka soo baxay xafiiskiisa waxaa lagu eedeeyay Jill Stein, hogaamiyaha xisbiga mucaaradka.

Waxay ku sheegeen inay dooneyso inay dhaqaale ugu sameyso xisbigeeda ayadoo ku an docooneysay in lacag ay u rabto dib u tirinta.

“Shacabka go’aan bay gaareen doorashadana way dhammaatay,” ayaa lagu yiri warbixinta. “Waa in natiijada la aqbalaa halkii doodi la gelin lahaa oo xadgudub loo geysan lahaa”.

Haddii dib loo tiriyo natiijada oo la aqbalo dalabka cusub, waxay dhallin kartaa in guushii Mr Trump ay dhaawac weyn u geysato.