Tuareg oo sheegtay in ay digaal diyaar u tahay

0
570

Tuareg oo sheegtay in ay digaal diyaar u tahay

Tuareg ayaa dooneysa in ay ka go’aan dalka Mali intiisa kale.

Kooxda Tuareg ee dalka Mali ayaa BBCda u sheegtay in ay diyaar u tahay in ay dagaalka dib ugu laabato si ay ugu dagaalamaan dal madax banaan oo lagu magacaabo Azawad.

Digniintan ayaa waxa ay timid kaddib markii dabayaaqadii todobaadka lagu guuldaraystay wadahadalo ka dhacay magaalada Bamako, kuwaasi oo looga gol-lahaa in dib heshiisiin lagu dhex dhigo labada dhinac, kaddib markii todobaadkii tagay ay dagaal qaadeen kooxo taageersan dowladda.

Labada dhinac wali sidan oo kale uma aanay kala fogaanin tan iyo markii ay laba bilood ka hor saxiixeen qorshaha nabadda.

Todobaadkii tagay, maleeshiyaad gacan saar la leh dowladda ayaa si aan la filayn waxa ay weerar ugu qaadeen deegaanka Anefif ee koonfurta Kidal.

Tirada dhabta ah ee dadka ku waxyeeloobay dagaalkaasi ayaanan ilaa iyo hadda la ogeyn, hasayeeshee fallaagadu waxa ay u muuqdaan in si weyn looga adkaaday.

Dabayaaqada usbuucii tagay oo dhan, ayaa dhexdhexaadiyayaasha caalamiga ah waxa ay isku dayayeen in ay dib u heshiisiin dhex dhigaan maleeshiyaadka gacan saarka la leh dowladdda iyo dhaqdhaqaaqa Azawad ee CMA.

Shalay ayuu dhaqdhaqaaqda CMA ku dhawaaqay in uu joojinayo wadashaqeyntiisa ku aadan hannaanka nabadda ee Mali.

Sarkaal ka tirsan CMA oo lagu magacaabo Ibrahim Ag Maxamed Assaleh ayaa BBCda u sheegay in kooxdiisa aanay mardambe miiska wada xaajoodka la fariisan doonin waxa uu ku tilmaamay argagixisada xulufada la ah dowladda Mali.

Warsugannews
Xigasho bbc

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here