Turkiga Oo Digniin Adag U Diray General Khalifa Haftar

0
282

Dowladda Turkiga ayaa digniin adag u jeedisay General Khalifa Haftar, oo dagaal kula jira dowladda ay Qaramada Midoobey aqoonsan tahay ee dalka Liibiya.

Wasiirka Gaashaandhigga ee dalka Turkiga ayaa sheegay inay uga diggayaan General Khalifa Haftar iyo ciidammadiisaba inay weeraraan Ciidamada Turkiga ee dalkaasi ku sugan.

Hulusi Akar ayaa tibaaxay in loo baahan yahay in dagaal-yahanada uu fadhigoodu yahay Bariga Libya isaga fogaadaan wax kasta oo horseedi kara in la weeraro Ciidamada Turkiga, haddii kalana ay waajihi doonaan cawaaqib daran.

Wasiir Hakar ayaa ku hanjabay in ay goob kasta ku beegsan doonaan dagaal-yahanada General Khalifa Haftar, taasina ay tahay inay maankooda ku hayaan.

“Dembiile dagaal Khalifa Haftar iyo kuwa taageeraba waa inay ogaadaan, haddiiba ay dhacdo in la isku dayo in weerar lagu qaado Ciidamada Turkiga in dagaal-yahanada ninkaa dilaaga ah ee Haftar, ay noo noqon doonaan bartilmaameed sharci ah, oo goob walba aanu ku beegsan doono. Waana inay taasi maankooda geliyaan.” Ayuu yidhi Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga oo Sabtidii booqanayay ciidamadooda ku sugan Magaalada Tripoli.

Ciidamada Turkiga ayaa taageera xukuumadda uu fadhigeedu yahay Magaalada Tripoli, oo dagaal kula jirta ciidamada uu hoggaaminayo General Haftar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here