U Hiili Naftaada!!! Qalinkii Mahad Maxamuud Qaasim{Daacad}

0
684

U Hiili Naftaada!!! Qalinkii Mahad Maxamuud Qaasim{Daacad}

Mawduucan waxa aan kaga hadli doonaa wax yar oo ka mida dhiiri galinta nafta iyo sidi aad ku gaadhi la hayd waxa aad hibanayso Mawduucan waxa aan kaga hadli doonaa wax yar oo ka mida dhiiri galinta nafta iyo sidi aad ku gaadhi la hayd waxa aad hibanayso ee maankaaga ku jira, waayo qofkastaa waxa uu leeyay han iyo himilo uu isleeyay ka gungaadh inta uu ku suganyay aduunka guudkeeda.

Hadaba inta aanan u gudbin ubucda mawduuca aan wada akhrino sheekadan yar oo ina garan siin doonta sida loo hantiyo guusha.

Bari ayaa waxa jiray Dabagaale yar oo aan aqoon habka qadhaabsiga, cabsi badana ka qabi jiray inuu qadhaabsado oo uu la tartamo qayrkii, dhamaan Dabagaalayaasha kale way dili jireen oo inta yar ee uu meel ka helana way ka qaadi jireen.

style=”font-size:14px;”>Wakhti wakhtiyada ka mid ah ayaa Dabagaalihii yaraa tashaday oo uu go’aan ku gaadhay in uu noqdo mid qadhaab taga oo duruuf kastana u samra oo ka soo waajahda qadhaabsigisa sidoo kale waxa uu sameeyay tababar aad u adag waxa aanu go’aan ku gaadhay inuu noqdo mid aan isku dhiibin duruufaha qalafsan eek u gadaaman.

Dabagaalayaashii kale oo dhami waxa ay arkeen in uu noqday mid firfircoon oo awood leh cidna aan u joojinayn, lagana badinayn dhanka qadhaabsiga uu yahayna mid la soo baxay hab fudud oo uu ku qadhaabsan karo.

Waxa uu arkay Dabagaalihii yaraa Dabagaalayaashii ku cawaan diyoon jiray ee hor yaaci jiray oo daba socda wuxuu qaatana aan ku habsaamin halkii markii hore laga qaadi jiray waxa yar ee uu helo laakiin hada waxa uu arkay iyaga oo dhan uga leexda waxa uu ku soo waajahanyay.

Qaar ka mida Dabagaalayaashi way ku soo dhawaadaan oo way garab sadaan si ay uga dhigtaan saaxiib oo waxa ay ku eegaan indho naxariis leh iyo waji dabacsan oo wanaag ka muuqdo .

Asxaab badan buu yeeshay Dabagaalihii yaraa, markii hore ee uu ahaa daciifka ee uu yaraa mid walba waxa uu isku dayi jiray in uu ka hafo oo ka dhufto waxa yar ee uu meelahaas ka helo iyada oo aan loo galayn wax dubaq naxaa oo waji xun lagu eegayo , markasta waxa uu ahaan jiray ka ugu dambeeya mid jixinjix u gali jirayna ma jirin saaxiibna hadalkiisaba daa oo ka raacaaba la maagi jiray.

Waxa uu ogaaday markii uu tashaday ee uu naftiisii wax taray ee uu go’aan adag qaatay si adagna u shaqeeyay ee aanu cid bada fadhisan in lagu soo wada daba faylay isaga.

Waxa uu garwaaqsaday in uu noqday halyay aanay cidi ku soo habsaamayn oo imika isaga wax la bidayo .

Waxa uu ogaaday maalintuu naftiisa u kacay ee uu garawsaday inuu yahay mid jira oo wax qabsadayin la wada hiigsaday oo cid wixiisa hawaysata daayoo isaga laga garab sado cadawga.

sidii baanu u ahaa mid jira oo talada wax laga waydiiyo oo aan dhacdhan loola iman in garab laga dayo mooyee………

………………………………………………………………….

Ogooaw oo agsoonaw oo maanka ku hayn in maalintaad naftaada u kacdo, kadeed oo dhana u dhigato dhabarka inaad noqonayso mid lagu daba faylo waxna la waydiiyo isaguna wax is tara inta kalena wax tara .

Mida kale iga gunud oo xaqiiqso inaan cidna intay gacanta ku qabato ku soo kicinayn cid ku sii jabisa mooyee , ilaa intaad odhanayso waa in aan wax noqdaa oo aan naftayda ku caawiyaa sidii ay u hanan lahayd booska ay aduuunka kaga jirto waayo waxa aad tahay qof jira oo jooga oo gaadhi kara wax kasta oo naftiisu hibanayso waxa aanad ku gaadhaysaa adiga oo fadhiga ka kaca oo xariiq jeexda falawgeedna gala sidii aad u gaadhi lahayd una dhaafi lahayd xariiqdaa kuu astaysan.

FG: shaakadaa Dabagaalaa waxa aan u usoo qadanay si aan u hogo tusaalayno waxyaabo badan oo ku gadaaman nolosheena oo aanad ka guul gaadhayn ilaa aad adigu isku tashato oo aad naftaada ku qanciso in ay ka bixi karto wax kasta oo ku xeeran oo ah duruuf aduun, waayo waa aduunyo oo lama waayo wax ku niyad jabiya ama naftaada u daran laakiin is waydii side kaga baxaysaa?

Waxa ad kaga baxaysaa adigaoo guntiga dhiisha ka dhiga oo u hawl gala sidii aad u gaadhi lahayd waxa aad ku haminayso.

Maskaxda ku hay waa hubaal in aad ka cabayso koobka ay ka buuxaan farxada iyo guushu hadii aad u hurto wakhti iyo dadaaal oo aad ilaahayna talo saarato laakiin hadii aad iska fadhido oo aad cid kale tidhaa waxbaan ka sugayaa waxa aad markaas ku hoobatay haadaanta quusta , ee waxa aan kaaga digayaa in aad cid kale oo aan ahayn naftaada wax ka sugto oo aad tidhaa hebel baa I biiliya .

Wabilaahi tawfiiq.

Mawluhu ha inoo rumeeyo riyadeene.

W/Q: Mahad Maxamuud Qaasim{Daacad}

Email: mahadqaasim@gmail.com

Tell: 063-4019050

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here