Ugaaska Guud Ee Beelaha Somaliland Oo Ka Digay Khatarta Ka Dhalan Karta Dhulka Hayada WFB Ee Maayar Soltelco Dib U Iibiye

0
663

Ugaaska Guud Ee Beelaha Somaliland Oo Ka Digay Khatarta Ka Dhalan Karta Dhulka Hayada WFB Ee Maayar Soltelco Dib U Iibiyey..

Hargeysa(Warsugannews)Ugaaska guud ee beelaha somaliland ugaas Axmed Maxamed Siciid (CALI MAHDI) Oo Ku Sugan Magaalada Qadar ee dalka sucuudiga ayaa ka digay khatarta ka dhalan karta dhul dan guuda oo uu maayarkii hore ee caasimada hargeysa (JICIIR) uu ku wareejiyey hayada WFB oo uu dib si qarsoodiya u iibiyey maayarka hada ee caasimada hargeysa (CABDIRAXMAAN SOLTELCO)
Sidoo kale ugaaska ayaa maayarka magaalada hargeysa ugu baaqay inuu ka waantoobo Iibka Dhulalka Sida Sharciga Ah loola kala wareegay isagoo ixtiraamaya saxeexyadii maayarkii ka horeeyey.
dhanka kale ugaas axmed maxamed siciid (CALI MAHDI) Waxa uu madaxwaynaha somaliland ugu baaqay inuu si deg dega arintaasi u galo isaga oo ka duulaya khataro badan oo ka soo fool leh iibka qarsoodiga ah ee maayarka magaalada hargeysa ku iibiyey dhulkii hore uu ugu saxeeyey maayarkii hore ee magaalada hargeysa (JICIIR) Hayada WFB…….