Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa ku baaqay in la texgeliyo daruufaha gaarka ah ee ka jira degaanada Galmudug

0
341

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka digay xasillooni darro siyaasadeed oo xiligaan ka dhacda degaanada Dowladda Gobolleedka Galmudug oo horumar ku tallaabsaday mudada uu jiro sida lagu sheegay warkan oo aanu ka soo xigayn Universaltv.
Madaxwweynaha ayaa sheegay inaan xiligaan la aqbali karin khalalaase siyaasadeed ee u dhaxayeeya Xildhibanaada iyo Madaxda dowlad Gobolleedka Galmudug , iyada oo la ilaalinayo ,Habraaca Baarlamaanka Galmudug islamaraana la dhowro fasaxii uu ku jiray Baarlamaanka Galmudug iyo Dastuurka Galmudug
Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa ku baaqay in la texgeliyo daruufaha gaarka ah ee ka jira degaanada Galmudug, sida abaaraha iyo dagaalka lagula jiro Kooxaha Nabad diidka ah.
Xubnaha

Baarlamaanka Galmudug oo shalay fadhi ku yeeshay Magaalada Cadaado, ayaa sheegay 54 Xildhibaan inay xilkii ka qaadeen Madaxweynaha Galmudug, inkastoo C/kariin uu ka soo horjeestay arintaasi