Usain Bolt oo ku guulaystay orodkiii la wada sugayey ee 100m dunida

0
372

Usain Bolt oo ku guulaystay orodkiii la wada sugayey ee 100m dunida.

Orodyahanka reer Jamaica ee Usain Bolt ayaa daqiiqado ka hor ku guulaystay orodkii sida aadka looga dhursugayey ee 100m adduunka tartanka cayaaraha fudud ee dunida oo ka socda magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.
Bolt ayaa kulankan waxa uu ahaa midkii ugu muhiimsanaa maadaama uu sanadkan la kulmay culays fara badan oo uga imaanayey dadka ka faaloooda cayaaraha fudud kuwaasoo u arkayey in sanadkan ay tahay sanadkii laga adkaan laahaa Bolt ayagoo saadaashoodana u badinayey orodyahanka u dhashay dalka Maraykanka ee Justin Gatlin oo isagu ku guulaystay 28 kii tartan uu sanadkan orday oo dhan.

500
Kulamadii hore ee isreereebka orodkan gaar ahaan labadii ugu dambeeyey ayaa laga dareemayey Usain Bolt cabsi iyo bilow aan wanaagsanayn inkastoo uu labadiiba 15 kii mitir ee ugu dambaysay dib uga soo kabanayey waxaana ay dad badani u arkeen saansaan aan wanaagsanayn.

us
Bolt ayaa maanta ku orday waqtigii ugu wanaagsanaa oo uu sanadkan ku ordo kaasoo ah 9.79 sec halk Gatlin oo ku soo xigay kuna guulaystay biladda qalinka ahi uu ka dambeeyey 0.01 sec kaliya ayadoo ay biladda maarta ahina ay si wada jir ah ugu guulaysteen orodyahanada da’yarta ah ee u kala dhashay dalalka Maraykanka iyo Canada Trayvon Bromwell iyo Andre De Grasse ka dib markii ay labadooduba ku ordeen 9.91sec.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here