Waa baa beryay

0
785

“Waa baa beryay”
Cabdiraxiim Axmed Maxamed (Hal-deeq)
(Naadiga Hal-karaan ee Burco)
“Dhulka waax madoobayd,
Inta waa ku saro-kaco,
Qorrax Gaandi weheshaa,
Wac ku soo tidhaahdaa,
Bulsho weerka xoortaa,
Anigana Wajiiniyo,
Waqal igu gadoodaa,
Wahabkii i saarnaa,
Waan-waani dhaxashaa,”

Maxamed Ibraahin Warsame, Hadraawi,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com
Qormada: 1aad,
5/12/2015ka
‘Waa baa beryay’, waa weedh fudud oo aan sidaa u sii murugsanayn. Waxay ka kooban tahay saddex erey oo keliya. Ereyga ‘Waa’ waa magac tilmaamaya xilli. Ereyga ‘baa’ waa xidhiidhiye. Ereyga saddexaad ee ay weedhani ku dhammaataa waa ereyga ‘beryay’ oo ah fal ama ficilba sida ay dadka qaarkii u yaqaanniin.

Mar kale, weedhani waxay ballaysin u ahayd heestii caan-baxday ee Cali Sugulle Dun-carbeed ee “Waa baa beryay.” Ereyada iyo codkaba waxa iska lahaa Cali Sugulle Dun-carbeed, Ilaahay caafimaad degdeg ah ha siiyo e’. Waxa ku luuqeeyay Maxamed Axmed Kuluc oo ay u jiibinayeen Kooxdii Waaberi. Xilligu xilliyada kuma jirin oo waa berigii aftida laga qaadayay dalka Jabuuti oo uu beryahaa Faransiisku gumeysan jiray. Waa aftidii ku caan-baxday Haa iyo Maya ama ‘Wiidii’ iyo ‘Noodii’ ee Jabuuti laga qaaday 19kii Maarj, 1967kii. Heestan Cali Sugulle wuxu ugu talo-galay munaasibaddaas, haddii dadweynuhu ku codeeyaan ‘Maya’ oo ay gumeysiga diidaan.

Cali Sugulle, wuxu isla munaasibaddaas ugu talo-galay hees kale oo ay Maxamed Axmed iyo Xaliimo Khaliif, Magool, wada qaadeen oo heestaa kale ka duwaneyd. Haddii ay dadweynuhu ‘Haa’ ku codeeyaan ama ay natiijadu sidaas noqoto wuxu ugu talo-galay hees kale oo ahayd: “Midnimadeennii mugday gashoo, magaceen ba’yeey.” Waxa kale oo heestaas ku jiray tuduca ah: “Mayadii Haa maqaar la saaraa meydhaantayeey.”
Heestaa hore ee Cali Sugulle, waxa ballaysin u ahaa:
“Waa baa beryay,
Bilicsan,
Arooryo baxsan,
Maalin bokhran,”

Anna maanta xulashada weedhan, waxaan ku marriimayaa waa ii beryay 7dii Juulay, 2015ka. Beri-samaad waa uu badnaaye, waa san oo kale ayaa maalintaa ii beryay. Ididiilo iyo rajo soo ifaysa ayaan ku waa-bariistay. Si aan dhaqankayga ahayn, ayaan arooryadaa u toosay xilli ay goor-sheegtu ku abbaarnayd 8.05 daqiiqadood oo aroornimo. Arooryadaa waxba kama aan duwanayn Cabdi-malowgii laga sheegay : “…….. Ilaahay ballankii, barqaan kacay.” Caadi ahaan subaxnimada hore ayaan kici jiray ee maalintaas wax dhacayba waa anigaa dharaarsaday.

Sariirta haddii aan lugaha ka soo laallaadiyayba, tilifoonkii oo aan saacadda ka eegay oo aan sii dhigayay, ayaa codkii macaanaa ee Maxamed Mooge ka bilaabmay. Waa heesta: “Nabsiga hiisha” oo uu cod ahaan iigu soo dhaco. Waan qaaday. “Subax wanaagsan,” ayaa dhehegaygii ku soo dhacday.

Dhawaaqa iyo magaca shaashadda soo galay ayaa ahaa Maxamed Siddiiq Dhamme, Af-hayeenka Garabka Dhallinyarada ee Xisbiga Waddani. Nin dhallinyaro ah oo aan nasashada iyo habrashada midnaba aqoon. Nimaan la dirin ee isagu is-dira oo xil-qaad iyo xil-kasnimo la yaab leh Ilaahay ku mannaystay. Qalinkiisu ma nasto…….Qawlkiisu ma nasto…….Qoobkiisu ma nasto oo hadba gobol ayuu ka hillaacayaa. Waxaan u aqaannaa mid ka mid ah Ma-daalayaashaha Xisbiga Waddani.

Nabdaadin ka dib waxa ii xigtay isaga oo igu leh: “Adeer, xaggeed joogtaa.” Waxaan ku celiyay: “Gurigii, xafiiskii ayaan se ku soo socdaa.” Wuxu igu soo celiyay: “Waanu ku sugaynaa.
Waan ku sugayaa, lama yaabeen. Bal se waxaan la yaabay waanu ku sugaynaa. Markaa gartay in aanu keligii ahayn ee ay ka badan yihiin. Cabbaar ayaan ku yara dawakhsanaa cidda ay yihiin iyo inta ay yihiinba.

Markii tallanku igu batay, ayaan ku dhiirraday in aan Siddiiq weydiiyo cidda i sugaysay. Ku-ye: “Waa marti culus oo bari ka timid, adigana ku doonaysay.” Anna yaabay oo hoos isu idhi: “Barigu, wuu badan yahay e’, waa barigee.” Ku-ye markiiba: “Waa Burco oo waxa inooga yimid wiil dhallinyaro ah oo Naadiga Hal-karaan ka tirsan.” Degdeg ayaan u quraacday, u leebistay una diyaargaroobay in aan baxo.

Markiiba waxaan go’aansaday in aanan faro-madhnaan ku tegin xafiiskii oo aanan wiilkan martida ah faro-madhnaan ku qaabbilin. Bartii Buugaagtu ii taallay ayaan dhowr Buug uga sii qaaday oo kala ahaa: Dhaxal-reeb: Horaad, Qaybe, Jaamac Xayd iyo Maansadi Timacadde.
Xafiiskii ayan sidii ku tegay. Saa waxa dhex fadhiya wiilkii dhallinyarada ahaa iyo Maxamed Siddiiq Dhamme. Waanu is-bariidinnay. Si rasmiya ayuu u lebbisan yahay oo suudh aan qoor-xidh lahayn ayuu ku taagan yahay.

Waxan haybsaday magaciisii, waxaanu iigu sheegay Cabdiraxiim Axmed Maxamed. Wuxu intaa iigu daray in naanays ahaan la yidhaahdo Hal-deeq. Wiil yar oo farxaan ah oo kaftan badan ayuu ahaa. In kasta oo aan fadhiyay, haddana isaga oo taagan dhinacayga midig ayaanu sheekaysanaynay. Wiil edeb iyo xishoodba u dhashay laguna soo barbaariyay ayuu ahaa. Ma ay ahayn wax uu jilayo ama iska yeel-yeelayo ee lafta iyo dhuuxa ayay diinta iyo dhaqankuba kaga jireen. Been ku hadli maayo haddii aan idhaahdo markii uu soo dhashay ayaa lagu ababiyay.

Kaftan miidhan ayuu ahaa. Wuxu kaga daray dhiirranaanta uu su’aalaha kuu weydiinayo ama wax u faallaynayo. Isku-hallaynta ayaa ka darreyd iyo sida uu ugu dhiirranaa hadallada. Su’aashii labaad ee ta magaciisa ku xigtay ayaa ahayd: “Goor ma ayaad dhalatay.” Si kaftan ah oo qosolna ku dheehan yahay ayaa wuxu iigu jawaabay: “Hooyaday marka aan weydiiyo goortii aan dhashay waa ay ila kaftantaa oo waxay igu tidhaahdaa: ‘Waar i dhaaf Intii aan jirayba waad jirtay e’. “Qosol ayaanu jaanta wadhnay! Waxa markiiba noo sawirmay wiilka yar iyo hooyadii sida ay u kaftamaan. Waa waxyaabaha kalgacalka iyo kalsonidaba beera.
(La soco berri, haddii Eebbe idmo)

“Waa baa beryay”
Cabdiraxiim Axmed Maxamed (Hal-deeq)
(Naadiga Hal-karaan ee Burco)
“Dhulka waax madoobayd,
Inta waa ku saro-kaco,
Qorrax Gaandi weheshaa,
Wac ku soo tidhaahdaa,
Bulsho weerka xoortaa,
Anigana Wajiiniyo,
Waqal igu gadoodaa,
Wahabkii i saarnaa,
Waan-waani dhaxashaa,”

Maxamed Ibraahin Warsame, Hadraawi,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com
Qormada: 2aad,
5/12/2015ka
Kaftan-dhablihii Hal-deeq inta aan rumaystay, ayaan weydiiyay hooyadii. Wuxu iigu sheegay Nimco. Tilifoonkeedii ayaan weydiiyay. Wuu ii sheegay. Hooyo Nimco ayaan tilifoon u diray. Si fiican ayay iiga qabatay. Waxaan hadalkeeda ka dhadhansaday in ay i garanaysay. Waan isu sheegay. Waxay igu tidhi: “Waxaan ahay Nimco Cali Faarax Rooble. Waxaan ahay Reer Gebilay, waxaana adeer ii ah Axmed Ismaaciil Qadiye.” Axmed baan gartay.

Hooyo Nimco, waxaan weydiiyay goortii uu dhashay Cabdiraxiim-yare. Waxay isku kay raacisay: “Wuxu dhashay 7/10/2001dii oo maalin Isniin ah ah ahayd, xilli ay saacaddu ku beegnayd 12.00kii duhurnimo.” Aniga oo aan weydiin qoladiisa ayaa waxay jawaabteedii iigu dartay: “Waa Ashraaf.” Anna degdeg u idhi: “Ma Ashraaftii Reer Burco.” Waxay iigu jawaabtay: “Haa, waa iyaga.”
Mar keli ah ayay cajaladdii maskaxdaydu is-rogtay.

Waxay dib ugu noqotay dhammaadkii 1976kii oo aan kormeer hawleed ku joogay Gobolka Sanaag, markii danbena aanu Burco u soo gudubnay. Raalli iga ahaada aan idiin ka dhaco xusuustan yar ee kooban ee soo laba-kaclaysay e’. 1dii Juulay 1976kii ayaa Akaademigii Ciidammada ee Muqdisho lagu qabtay Shirweynihii lagu aasaasayay Xisbigii Hantiwadaagga ee Kacaanka Soomaaliyeed oo aan ka qayb-galay. Markii uu Shirweynuhu dhammaaday ayaa wefdiyo xisbiyeed loo kala diray Gobolladii Jamhuuriyaddii xilligaas.

Waxa la igu qoray wefdigii loo dirayay Gobolka Sanaag, waxaana noo madax ahaa Shariif Saalax Maxamed Cali oo sawirkan sare ka muuqda. Wuxu madaxa u ahaa Hoggaankii Cilmi-baadhista ee XHKS, isaga oo horena u ahaan jiray Wasiirka Tacliinta Sare sida aan filayo, waqti dheer ayaa ka soo wareegay e’. Markii aanu kormeerkii dhammaysannay, ayuu Shariif Saalax yidhi: “Waxaynu sii maraynaa Burco oo ay deggen yihiin qoyskayaga qayb ka mid ahi.” Aad ayaan ula yaabay, maxaa yeelay Shariifka waxaan u haystay Reer Koonfureed.

Intaa markii aanu Nimco is-weydaarsannay, ayaan ku idhi: “Ashraaftu, ma Shariif Saalax iyo reerkoodii baa?” Waxay iigu jawaabtay: “Haa….Haa oo waa kii beiga dhaweyd dhintay.” Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo. Shariif Saalax Maxamed Cali, waxa kale oo uu ahaan jiray Guddoomiyihii Guddidii Qoraalka Far-soomaalida ee 1972kii la magacaabay. 40-Guuradii Jabuuti lagu xusayay qoraalkii far-soomaalida ayaanu Shariif Saalax Hudheel ku wada jirnay oo aanu xusuuso badan iska wareysan jirnay, annaga oo lugaynayna.

Cabdiraxiim-yare ayaa sheekadaas oo dhan ila galay. Aan ku noqonno aniga iyo Cabdixakiim-yare wixii na dhex maray. Wuxu ahaa wiil yar oo hadallada ku dhiirran oo si asluubaysan oo xifaalena ku jiro wax kuu weydiinaya.

Wuxu igu bilaabay: “Adeer, horto adiga ayaan Burco kaaga imid. Adduun kuuguma iman oo ma haysatidba. Bal se waxa la ii sheegay oo aan aniguna ogahay in aad buugaagta hodan ku tahay. Buugaagtaa aad hodan ku tahay ayaan kaa martiyay iyo wixii talo iyo tusaale aad i odhanayso.” Aad inta aan u qiirooday ayaan buugaagtii aan u soo qaaday ku wareejiyay. Wuxu iga codsaday in aan iskula sawiro, aniguna waan ka guddoomay. Lambarradii iyo e-mailladii ayaanu kala qaadannay. Sidaas ayaanu ku kala ambo-baxnay. Burco markii uu ku noqday ayaan haddana buugaag kale ugu diray oo ay ka mid ahaayeen: Hagarlaawe iyo Ilmadii Halabuurku.

Araggiisa iyo la-kulankiisa ayaa rajo iyo ididiilaba i geliyay. Wuxu ii la mid ahaa maalmihii aan bartay Cali Mooge Geeddi, Mowliid Aadan Biixi, Muna Axmed Cumar, Nada Yuusuf Cumar, Yaasmiin Maxamed Kaahin iyo qaar kale oo badanba oo wiilal iyo gabdhaba leh. Sidaas ayaan sheekadan gaaban ee xaradhaamada leh ugu bixiyay: “Waa baa beryay.” Allahayow Hal-deeq iyo inta la midka ah ee kacaysaba inooga dhig waa beryay oo dalkan iyo dadkan tabaalada la ragaaday, saymaha iyo saxariirkaba ka saara. “Ha samaato dhaha.”

Cabdiraxiim-yare, waa hal-abuur maansooyinka curiya, waa hal-abuur sheekooyinka curiya, waa daneeye heegan culus ugu jira in uu wax barto. Dhowr habeen ka hor ayaan tilifoon ugu diray Burco, waxaanu ii sheegay in uu ‘Nadwad’ aafada Qaadka laga hadlayo ku jiro. Sidaas ayaanu waqtigu macno-darro uga lumin. Ilaahay ha soo barbaariyo, dadkuna ha u gargaaraan.

Dhammaad
Ogeysiis:
Akhristayaasha qiimaha iyo qaayaha leh ee Bogaggayga, waxaan ugu bushaareynayaa in aan 8/12/2015ka u bilaabi doono taxane aad u kooban oo socon doona dhowr iyo toban maalmood, kaas oo ku saabsan taariikh-nololeedkii iyo sooyaalkii halgameed ee Mujaahid Maxamed Ibraahin Xirsi, oo magac-dagaalkiisu ahaa Mujaahid Bashiir, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’. Waa il-bidhiqsiyo ka mid ah halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee ay SNM horseedka ka ahayd. Waa qof keliyi intii uu ka geystay iyo intii isaga loo geystay. Bal intan ku darso boqollaalkii kun ee ku shahiiday halgankaas hubeysnaa: waxay geysteen iyo wixii loo geystay. Dadka qaarkii ayay dheel-dheel la tahay. Akhris wanaagsan oo qiiro leh, haddii Eebbe idmo.