Waa kuma Cali Xoor-Xoor?

0
1138

Waa kuma Cali Xoor-Xoor?

waxaaynu maalmahan in badan ku arkaynay meereegaha waxa lagu xardho, qoraalo doora oo wax lagaga sheegaayo Maareeyaha Dekeda Berbera Eng Cali Xoor Xoor, kuwaasoo u badan qaar male awaal ah, hadaba anigoo isu aqaan inaan ka mid ahay dadka wax ka sheegi kara taariikhda iyo habdhaqanka Maareeyaha Dekeda, waxaan door biday inaan qoraaladan wax ku darsado, si ay ugu wax qaybsadaan dadka jecel inaay wax ka sheegaan.

marka hore aniga iyo Eng Cali saxiib ma nihin, balse waxa la yidhiy bidena gartiisa naq.
Cali Xoor Xoor anigu waxaan bartay 1993kii oo ahayd markii ugu horaysay ee uu ka shaqo galay dekeda Berbera isagoo ah nin aad u dhalin yar halkaas oo aanu ka wada shaqaynaynay lagu simo 2003dii, sidaa awgeed waxaan wax fiiican ka aqaanaa habdhaqankiisa Xumo iyo Samo labadaba.

dabeecadah iyo dhaqanka aadamiga ayay ka mid tahay inuu qofku leeyahay wax lagu jeclaysto iyo wax lagu diido intaba, Calina waa sidaas oo kale, markase la is barbar dhigo labadiisa dhinac waxaad si fufud u helaysa dhanka uu u badan yahay, ama waxbaad ka sheegi karaysaa.
bal hadaba si aynu u axadhno hawlahaas aan in yar eegno Maareeyaha dekeda Berbera, iyo ka uu run ahaan u yahay.

Taariikhdiisii wax barasho iyo Shaqo.

marka hore Eng Cali Cumar wuxuu ku dhashay magaalada Berbera Sanadihii Lixdameeyadii.
wuxuu ka soo jeedaa qoys ladan oo aabbihii Xaaji Cumar wuxuu ka mid ahaa dadkii xoolaha nool debedda u dhoofin jiray.
wuxuu wax ku bartay magaalooyinka, Sheekh iyo Burco oo uu kaga baxay Dugsigii Farsamada gacanta ee dawlada Jarmalku samaysay.
wuxuu noqday xeeldheerre farsamada dabka ah( Electric engineer) waana sababta loogu yeedho magaca Engineer.
wuxuu madaxa farsamada ka dabka “Electrician” wersheddii Sonkorta ee Madheedhlay.
sanadkii 1993kii ayuu dekeda Berbera kaga hawl galay isla aqoontaasi.
muddo yar ka dib wuxuu noqday Maareeyaha dekeda Berbera.
laba ama saddex goor ayaa laga bedelay, intabase waxa lagu sameeyay dib u magacaabid.

shiqsiyadda Cali waa mid sidee ah?
Cali Xoor-xoor, waa nin casaan u dhashay, waxaa lagu tiriyaa inuu ka mid yahay ragga aan dhaadheerayn.

waa nin jimidh yar oo aan hilbo badan lahayn.

waxaa la sheegaa innu ahaa xiliggiisiii wax barasho qof aqoon ahaan la majeerto lehna maskax furan.

Engineer-ku waa nin si hubanti ah uga adag hawshiisa shaqo iyo maamul.

waa nin lagu xanto innuu leeyahay feejigada Tukaha.

waa nin aan jeclayn innuu had iyo jeeraale ka muujdo muraayadaha wax laga daawado.

waxaa loo yaqaanaa inaanu cod kar ahayn, balse wax badan ku dhameeya siyaabo gooni gooni ah.

waa shiqsi aad u gacan furan oo deeqsinimo ku astaysan.

waxaa la sheegaa inuu si isku mid ah wax u siiyo dadka ay saaxiibka yihiin, iyo kuwa isaga cadawgiisa ahba, taasina ay keento inay dad badani kala garan waayaan colaadiisa iyo nasteexadiisa.

dadka ku nol degaanka uu Cali dhalasho ahaan ka soo jedaa waxay yidhaahaan meelo badan ayaa wuxuu ka shabahaa Alle ha u Naxariistee Adeerkii Cigaal.

waa markay ka eegaan dhinacyada, wax bixinta, ololaha (Campaign-ka) nacaybka cidda u soo dhawaata kursigiisa, iyo dagaladiisa siyaasadeedba.

wuxu in badan wax ka qabtaa arrimaha bulsho ee ka jira deegaano badan oo kala duwan.

wuxu aad uga war qabaa goobaha lagu cibaadaysto, gaar ahaan masaajidada.

xiliyada munaasabadaha islaamka sida ayaamah Ciidaha, ayay dadka masaakiinta ahi u kal tirsadaan inay istusaan, ama la kulmaan Cali Xoor-xoor
Eng Cali dadka reer Berbera waxay u yaqaniin Xaajiga, waanna shiqsi deegaankaa iyo meelo kaleba aad looga qaderiyo. marka laga hadlaayo hirdanka arrimaha siyaasadeed, dad reer Berbera waxay yidhaahaa Xaajigu muxu yidhiy.
dadka reer Berbera Xaaji Cali waa ku xubin muhim ah, oo ku leh saamayn badan oo dhinacyo kala duwan leh.
waana qof in badan siyaabo kala duwan looga xasuusan doonno jidddaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here