Waa Kuwee Cuntooyinka Ilkaha U Keeni Kara Midabka Casuusta ama Huruuda

0
448

Waa Kuwee Cuntooyinka Ilkaha U Keeni Kara Midabka Casuusta ama Huruuda

Hargeysa(WSN)ilkaha bani adamka quruxdoodu waxay ku jirta inay midabka cad ay lahaadaan markasta, waana meelaha ugu muhiimsan ee qofka muuqaalkiisa laga qiyaas qaato, qofka kula hadlaya si toos ah waxa u ifinaya ilkaha iyo afka hadaba si aad u ilaashato dhoolacadeyntada qurxoon iska yaree qaadashada cabitanadaan iyo cuntooyinkan soo socda :

1-Shaaha: Inkasta cabbida shaaha uu yahay mid aad u wanaagsan caafimaad ahaan, laakiin waxa u u keena ilkaha midab casuus ah, gaar ahaan shaaha madow, cilmiga casriga ah ayaa muujinaya in shaaha iyo noocyadiisa kala duwan uu keeni karo nabaad guurka dhaldhalaalka dahaarka hore ee lafta iliga .
2. Suugada: In kastoo ay dhadhan keedu macyahay laakiin Suugooyinka midabka buuxan leh waxay ukeenta ilkaha madow toos ah, sidaa darteed hubi inaad doorato noocyada kale ee suugada la midab ah iftiinka iyo in la hubiyo in ay ilkaha ka maydhaan cunista kadib

3. cabitaanka Sportska: Cabitaannada leh acidic ( ashito) ilkaha huruud ayay ka dhigaan , baadhitaanada casriga ah ayaa muujinaya in cabitaanada tamarta ee isboortiga ay ukeeni karaan dhaawaca dhaldhalaalka iliga ama ilkaha, marka isku day inaad yareeyso qaadashada sharaabkaas, hadii kale waxaad ku bedeli kartaa biyo caadi ah, maxa yeelay biyaha caadiga ah waxay ufiicanyahiin caafimaadkaaga guud waxyeelo ilkahana uma gaystaan

4. Miraha Midabka Leh: Midhaha midabka u saaxiib ah sida rummanka iyo cinabka, kuwa lamidka ah waxa ay ka koobanyihiin maadooyin baddala dahaarka hore ee ilkaha ,waxaa lamid ah sida cabitaanada laga sameeyo midhaha aan soo xusay kuwaas oo ilkaha ku reeba dhibco madmadow leh oo aan baaba’ayn sidaas darteed waxaa lagaga baahanyahay inaad maydho ilkahaada markaad cabto cabitaanada kadib si aad u ilaashato ilkahaaga midabkooda iyo xoogooda

5. Macmacaanka: Hadaad tahay qof jecel inuu cuno markasta waxyaabaha macmacaan sida (keega) iyo xalwadaha qaarkood ee midabka leh waxay badali karaan samaysanka quruxda ilkahaada sidaasi darteed ilaali caafimaadka ilkaha
raac talooyin ugaar ah caafimaadka ilkaha: Isitcmaal daawooyinka ilkaha lagu luqluqdo oo ukeena afka carafta iyo dhaldhalaalka ilkaha, Markaad cunayso raashinka isku day inaad luqluqato si dhakhso ah, maxaa yeelay waxaad ka hortagaysa raashinku inuu ilkahaaga ku nagaado waxbadan Cadayso ilkahaaga wakhti kasta iyo goor kasta waa talada ugu wanaagsan ee u roon caafimaadka ilkaha