Waa Nasiib Daro In Wasiirada Qaar Ay Haamaha Shidaalka Berbera Ku Tilmaaman Bakhaar”..Xoghayha Guud Ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdilahi Uurcade

0
363

Waa Nasiib Daro In Wasiirada Qaar Ay Haamaha Shidaalka Berbera Ku Tilmaaman Bakhaar”..Xoghayha Guud Ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdilahi Uurcade

Hargeysa(Warsugannews):- Xoghayga guud ee xisbiga mucaaridka ah waddani Maxamed Cabdilahi Uurcade oo maanta qaar ka mid ah warbaahinta kula Hadley magaalada hargeysa ayaa waxaa uu ka Hadley Xaalada guud ee dalka gaar ahaan xaalada siyaasadeed ee ka taagan magaalooyinka Berbera iyo Oodweyne

Ugu Horeyn isaga oo ka hadlaya xaalada magaalada Oodweyne Iyo Muranka U Dhaxeeya Gudoomiyaha Gobalkaas Iyo Gudoomiyaha Degmadaasi Ayaaa waxaa uu yidhi “ Oodweyne waxaa ka socda maalmahan u danbeeyey arin layaab leh oo runtii aad iyo aad nooga yaabiyey qaabka dawlad nimada iyo qaabka maamul ka baxsan waxaa ka socda Oodweyne in gudoomiyaha degmada oo uu golaha deeganku doortey ay xukuumada somaliland gaar

ahaana wasaarada arimaha gudahu ay farogalin qaawan ku heyso iyada oo dooneysa in ay xilka ka qaado sababta looga qaaadayaana ay tahay ninkaasi waa Xisbiga Wadani waxaana aan u aragnaa xilka waxaa u dhiibtey golaha deeganka xukuumada somaliland xil umey dhiiban golaha deeganka uun baa ka qaadi karna waxaana aan leeyahay xukuumada somaliland ha ka deyso faro galinta qaawan “ ayuu yidhi xoghayaha xisbiga Waddani .

Sidoo Kale mudane Maxamed Cabdilaahi Uurcade ayaa waxaa uu si adag uga hadlay xaalada magaalada berbera waxaana uu yidhi “ berbera hadii aad ka dhigtey wasiir oo aad tidhi haamuhu waa bakhaar horta waa nasiib daro bakhaarka nin baa leh lakiin haamaha umad baa leh in aad intaas garto ayey aheyd hadii se aad adigu ku faantey waa nasiib daro waana aan ka xumahaye in wasiirada qaar ka mid ah ay haamaha ku sheegaan bakhaar berberina wax nin waliba naftiisa sidey rabto ka yeelo wey ka weyntahay ee naftiina been u sheegina “ ayuu yidhi Mr Uurcade

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here