WAALIDKA DHALAY WIIL YAR OO CIIDAMADA AMISOM KU TOOGTEEN MAGAALADA MUQDISHO OO SI QIIRO LEH UGA HADLAY DILKA WIILKOODA

0
423

WAALIDKA DHALAY WIIL YAR OO CIIDAMADA AMISOM KU TOOGTEEN MAGAALADA MUQDISHO OO SI QIIRO LEH UGA HADLAY DILKA WIILKOODA.

Hargeysa(Warsugannews):- Waalidka dhalay Maxamed Bashiir Axmed oo 14 sanno jir ah, oo Ciidanka AMISOM maalmihii la soo dhaafay ku dishay garoonka Muqdisho Stadium isagoo Kubad ciyaaraya ayaa ka hadlay dareenkooda, islamarkaana sheegay inaanay dhacdadaasi ahayn mid Islaamnimada iyo aduun weynuhu Ogol yahay.

Waalidka Dhibanaha ah ayaa munaasibad Jimcihii lagu qabtay Muqdisho oo lagaga soo horjeeday dilka wiilka yar ka muujiyay siday uga xun yihiin “ Meeshii Kubadda ay ku ciyaari jireen ee Stadium Muqdisho oo aan talis ciidan ahayn ee ah Meel lagu ciyaaro ninkii ka dhigtay Talis Ciidan ayaa wiilkaygiina ku dhibaateeyay. Sidaas Islaaminimadu ma ogola oo diinta islaamka raad kuma laha, caalamkuna ma ogola,” ayuu yidhi Aabaha dhalay Wiilka yar.

Hooyada wiilka yar dhashay ayaa iyaduna dareenkeeda sidan uga hadashay “ Waxaan ahay hooyo dhibane ah, oo dhashay marxuumka geeriyooday ee sida arxan darrada ah loogu dilay garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho ee ay Ciidamada AMISOM ku dileen. Wiilkaygu waxba ma gaysan, wuxuu ku hawlanaa ciyaar, intii dhiig Islaam ku jiro waxaan ka codsanayaa inay ila qaybsadaan tiiraanyada wiilkayga,” ayay tidhi Hooyada oo intii ay hadlaysay Oohin is hayn kari wayday.

Nuur Shariif Maxamed, oo ah guddoomiyaha garabka dhalinyarada gobolka Banaadir ee xisbiga Daljir ee Somalia oo soo qabanqaabiyay munaasibaddan ayaa sheegay in xisbi ahaan dareenkooda ay kicisay dhacdadani “ Waxaanu barnaamijkan maanta u soo abaabulay inaanu ugu horayn si nabada ugu muujino dilka xaq darada ah ee loo gaysay wiilka yar oo cida dishay caddaaladda la hor keeno. Waxa qorshahayagu yahay inaanan halkaas kaga hadhin ee aanu hore u sii socono,” ayuu yidhi.

Amisom ayaa qiratay toogashada wiilkan yar ee kubadda ciyaarayay ciidankoodu u gaystay, iyadoo arrintanoo kale ama dilka shacabkuna ku soo noqnoqdeen ciidamada Amisom ee Somalia u jooga la dagaalanka Al-shabaab.

Warsugannews

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here