Waan Ooyayaa…!!! Qeybtii 4-aad. W/Q: Mohamed Hassan Daacad‏

0
345

Waan Ooyayaa…!!! Qeybtii 4-aad. W/Q: Mohamed Hassan Daacad‏

Muddo dhawr sanno ah ayaan halkii (Jeelka) ku jiray,waxna aan la qabay dadkaas (Maxaabiista kale) ee uu wakhtigu is-kaaya baday. Dhamaan kooxdan meesha ku wada jirtaa si fiican ayay isku barteen,waxaana ay noqdeen sidii Qoys kaliya oo meel ku wadanool.

Waxa inta badan si weyn loo wada gor-feeyaa haddiiba Ilaahay ka samata-bixiyo Jeelkan ay ku jiraan,waxa uga meel yaala nolasha cusub ee ku soo fool leh iyo siday tahay in qof kastaaba uu u waajaho xaqiiqdaas hor iman doonta mustaqbalka dhaw.
Waxa uu Qofkastabaa ka sheekaynaa dhacdooyin badan oo uu goob-joog ka ahaa,waxaana mid mid loo dhegaysanayaa Xubnaha hadalka jeedinaya.

Mid ka mid ah ayaa si daah-furnaan uga sheekeeyay marxaladii nololeed ee uu ku jira,ka hor inta aan halkan lagu soo xidhan,waxaana uu ku bilaabay sheekaddiisii sida tan; “ Waxaan ahaa arday Iskuul.Xaafaddaydu waxay degan tahay Magaaladda,balse waxaana ka door-biday in aan ku noolaaddo Nolasha dibad-joog ah,ka dib markii Waalidkay Culays igu saareen in aan waxbarto,taas oo aan an-na u arkayay in aanan kari karahayn.

Markii aan kasoo fara baxay Hoygayagii waxaan hore ka bilaabay Qaad iyo Sigaar.Markii danbena waxa ii raacay Maandooriyaal kale oo tiro badan,waxaanu noqonay Koox Budhcad ah,taas oo Magaaladda si weyn u gil-gishay,waxaanuna iskugu xidhnayn guutooyin mid kastaaba shaqo gooni ah leedahay.

Magaaladda waxaanu ka geysanay dhac iyo Boob farabadan,kaas oo Meheraddo badan oo ganacsi oo Suuqa ku yaalay keentay in Al-baabadda Loo laabo,ka dib markii aanu dhac xoogan u geysanay.Waxa noo Madax ahaa Nin lagu magacaabo Indho-dhiigle,kaas oo muudo tobonaan sanno ah ku jiray shaqaddan iyadda,waxaana looga baqaa si aad ah,waayo waxa suura-gal ah inuu ku Khaarajiyo,haddii aanad u dhego-nuglaanin Awaamiirtiisa iyo fulinta shaqooyinka uu kuu diro.

Waxa la sheegay in Ninkaas noo Madaxda ahi uu hore u dilay Aabihi,Hooyadiina isaga oo yar ay dhimatay.Dawladda ayaa xattaa si weyn uga baqata,waxaanay hadda ka codsatay inuu hawlihiisana watto,lana shaqeeyo oo uu lasoo socod-siiyo Laammaha ammniga ee Dawladda Kooxa Budhacadda ah ee cusub ee Magaaladda ka dhex-qadhaabta,balse waxaanay ogayn inuu isaguba yahay Mashiinka dhaqaajiya ee ay dhamaantood u wada shaqeeyaan,si kale kuma garataane,waaba Dawlad-yar oo ka dhex-shaqaysa Dawlad lasoo doortay.Gurri weyn ayuu Magaaladda ka iibsadday,waxaana halkaas ku nool isaga iyo Dumar badan oo aan la aqoon sifadda sharci ee uu ku qabo.

Waxa la noo sheegay in maadama uu yahay Shaqsi si weyn looga baqo,isla-markaasna dadka ku baqo galiya Maafiyadiisa inay dilli doonto uu sidaas ay Dumar badani ugu yimaadaan.Kooxaha Maafiyadda ah ee uu hor-joogaha u yahay waxa uga sii hooseeyaa qaar kale oo iyaguna isaga amarkiis uu toos usoo gaadhsiiyo,kuwaas oo iyagana Kooxaha kale sii gaadhsiiyay kolba Farriinta cusub ee uu soo diro Indho-dhiigle.Qaar badan oo Mafiyadiisa ka mid ah wali-wajigiisa may arag oo aan annigu ku jiraa,haddana waxa looga baqaa sidii oo uu yahay mid Wakhti kasta kula taagan.

Waxa lay sheegay in qaar ka tirsan Kooxaha u shaqeeya oo is-weydiiyay sababta Ninka ay ka amar qaataan Magacan loogu bixiyay oo sii weydiiyay qaar ka tirsan kuwa ay wadashaqeeyaan uu Warkaasi isaga gaadhay,habeen-madawna lala baxay,ilaa haddana meel laga waramo aan la garayn.Wey adag tahay in aad Magaciisa soo qaado,waxaana ay u qadanayaan ama u fahmayaan in qaar daydayaa ay kusoo weydiisteen inaad soo sheegto goobaha laga helo iyo macluumaad guud oo isaga ku saabsan.Waxa suura-gal ah in uu sannado badan Dalka ka maqnaano,haddana ay dad faro-ku-tiris ahi ogyihiin.

Si cad looma shaqaano tiradda iyo goobaha ay ka hawl-galaan Kooxaha u shaqeeyaa,balse annagu waxaanu ahayn 15 Qof.Waxa Madax noo ahaa Nin la yidhaahdo Habaar-waalid,kaas isaga laf-ahaantiisu ah mid ay naxariisto ka guurtay,lana sheegay inuu dhawr jeer shir-qoolo dil ah uu kula kacay Indho-dhiigle,balse uu ka badbaaday,waxaana lagu xanttaa inuu yahay shaqsiga 2-aad ee ugu awoodda badan kooxahan Budhcadda ah ee uu Indho-dhiiglehorjoogaha guud u yahay” ayuu yidhi Mid ka mid ah Maxaabiistii nala xidhnaa,kaas oo magaciisa noogu sheegay Inkaar-qabbe,waxaana uu intaas raaciyay………
Lasoco……..
Fiiro Gaar Ah: Sheekaddani aniga iguma saabsana…!!!

W/Q: Mohamed Hassan Daacad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here