WADAN WUXUU HORUMAR KU GAADHAA KUNA FAANAA MARKA UU GACANTA KU HAYOASAASKA ADEEGA BULSHAD

0
338

WADAN WUXUU HORUMAR KU GAADHAA KUNA FAANAA MARKA UU GACANTA KU HAYOASAASKA ADEEGA BULSHADA. Qalinkii:Saxafi Madax-Banaan Qoraa:Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood Hargeisa Somaliland Rep.

Wadan wuxuu horumar ku gaadhaa kuna faanaa marka uu gacanta ku hayo adeega bulshada

Oo ah hal laf dhabarta wadan leeyahay kuna tiirsan tahay adeegyadaasina waxay u kala baxaan

1-Biyaha,2-Caafimaadka,3-Waxbarashada,4-Isgaadhsiin casriya,5-Koronto,6-Warshadaha,7-Beeraha,

8-Kawaano nadiifa oo xoolo caafimaad qaba lagu qalo,9-Shidaal .Tayo leh.

Wadankaasi Sagaalkaas arrimood haddii uu gacanta ku dhigo oo sagaalkuba ay noqdaan in xukuumaddu

U jarto Miisaanid aad u wanaagsan oo lagu kabayo baahiyahooda kala duwan kana hawlgalaan

Shaqaale aqoon u leh shaqada ay qabanayaan unugana adeegayaan shacabkooda aqoon

Tayo le,dabeecad,hufnaan,dulqaad ,shaqaaluhuna ay yihiin kuwo la mushahar ah ama ka mushahar

badan Shirkadaha wadaniga ah.

Waxaa maalmahanba magaalooyinka la isla dhex marayey oo odayaal waawayne tv-yada ka lahaayeen

Haamihii shidaalka ayaa shaqsiyaad ganacsato lagu metelayo loo gacan gelinayaa oo kooto loogu

xidhayaa Odayaashaasi waxay ka dhawaajiyeen inay kootada ay wataan masuuliyiin mansab wasiirnimo

Huwan oo jecel inay hal maalin Milyaneer ku noqdaan ama ay ka mid noqdaan ganacsatadeena

waawayn ama ay ka lacag bataanba haddabnna waxaa iswaydiin leh haddii shaqsiyaad loo gacan

gelinayo sidee bay suurtagal u tahay in M/wayne Axmed-Siilaanyo oo ah Shaqsi ku sifoobay

Daacadnimo,Dulqaad iyo Aragti fog sideebay suurta gal u noqonaysaa in M/wayne Axmed-Siilaanyo

Shirkii TOTAL ee uu ka diiday inay sidii kootada loogu xidhay inuu shaqsiyaad sumcaddii,sharaftiisa iyo

Damiirkiisaba dilaya inuu u gacan geliyo waxaynu ogayn oo aynu ka dheregsanahay ganacsiga xorta

laga dhigay inuu keenay sixir babar aad iyo aad u wayn oo aan maceeshaddii,xoolihii,hilibkii,iyo

kaluunkiiba aan la goynayn,Xukuumadda waxaa u wanaagsanahayd inay ganacsatada talaabo ka qaado

Oo ay tidhaahdo laba mid soo gala inaanu ruqsadda ganacsiga idiinkala noqono iyo inaad shacabkiina u

Tudhaan oo aydun Maceeshadda,xoolaha,Hilibka,iyo Kaluunka u jebisaan,Xukuumaddu waxay wadanka

ka Mabnuuci lahayd Waxyaalaha wadankeena laga helo dadkaiyo hay’adaha dibadda kala yimaada,sida

hilibka digaaga,Beedka,digirta,galayda,Kaluunka,Khudradda,Xukuumaddu waxay dhiirigelin lahayd

Beeraha,Kaluumaysiga iyo warshadaha ,Xukuumaddu waxay wadanka ka mabnuuci lahayd

Gawaadhida aan cusbayn si qofkii Allaah(Swt) uu maalsiiyey uu u iibsado gaadhi cusub si loo helo

gawaadhi tayo leh oo lambarkoodu aanu ka badnayn sodon kun,waxaa magaalooyinkii buuxdhaafiyey

Gawaadhi duuga oo bacadyaala oo imaaraadka carabta iskaraab ahaan looga soo iibsaday oo aan

caafimaad ahaan iyo wadan ahaanba aanay inoo wanaagsanahayn .

Waxaan Xukuumadda uu M/waynaha ka yahay Mudane:Axmed-Siilaanyo talo u soo jeedinayaa

Mudane M/wayne Shacabwaynaha reer Somaliland waa kuwii ku doortay waa kuwii ku garab taagnaa

Waa kuwii xabadda markii lagugu ridayey iskaga kaa dhigay waa kuwii aad rajo ka qabtay inay mar-

labaad kuu codeeyaan ha ka door bidin Qurbajoog ajaanib ah oo sinjiyaddiisii iibsaday kana ka door bidin

Ganacsato ay shacabku hadh iyo habeenba ay habaarayaan,Mudane:M/wayne Shacabkaaga habaar ha

Ka galabsan oo yaydaan isu calool xumaan idiinkoo isu calool xunna yaydaan ifka ku kala tegin.

Waxaan mar labaad xukuumadda talo u soo jeedinayaa haddii aad wareejinaysaan waa in lagu wareejiyo

Wadanka Imaaaraadka Carabta si ay Ganacsatadeena uga iibiyaan Shidaal jaban oo tayo leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here