WADHATADA BURCO , WAHEEN & GOBANIMO : SABABAHA KEENAY SICIR BARARKA WAXA LAGAGA GUDBI KARAA ISBEDEL MAAMUL OO WATA SIYAASAD DHAQAALE OO CUSUB “NEW FISCAL & MONETARY POLICY “‏

0
387

WADHATADA BURCO , WAHEEN & GOBANIMO : SABABAHA KEENAY SICIR BARARKA WAXA LAGAGA GUDBI KARAA ISBEDEL MAAMUL OO WATA SIYAASAD DHAQAALE OO CUSUB “NEW FISCAL & MONETARY POLICY “‏
HORDHAC.
Waxaan dhegaystay danyarta “WADHATADA BURCO oo ka qaylinayaa Sicir-bararka ku habsaday iyo saamaynta noloshooda. Qaar way kaceen (bankrupt), qaarna dabka dheri ma saaraan. Waxa la mid ah WADHATADA Gobanimo & Waaheen. Waxa ka sii liita danyarta, saboolka , xoolo dhaqatada iyo beeralayda . Sicir-bararku maaha aafo-qaran “ natural disaster” iyo masiibo samada kaso dhacday.Waxa keena maalmul-xumo dhaqaaale. Xalka u raadinta sicir bararka waxay ahayd in loo xil-saaro guddi madax-banaan oo ka kooban aqoonyahano ku xeel dheer arrimaha dhaqaalaha. Sida aan hoos ku sharxi doono, Mudane Cabdirahmaan Saylici , wuxuu ka mid yahay sababaha keenay sicir-bararka, mana haboona in asaga loo xilsaaro, mushkilad uu kow ka yahay.Sicir-bararka waxa abuuray siyaasadda dhaqaale ee Madaxwayne Siilaanyo & Mudane Saylici.
Cudurka kaa gala fardaha;
Haddii laga gubo dameer;
Dawada lama gaadhayee.
Hadaba,waxaan bulsho-waynta Somaliland ugu soo bandhigi doona Saddex qormo oo ku saabsan sababaha keenay sicir-bararka iyo talooyin ku saabsan sidii loo xakamayn lahaa “ solutions”. Mudane Saylici & Guddigiisa waxaan kula talinyaa inay la sodcaan qormooyinka soo socota :
CABIRKA SICIR BARARKA “ CPI “
Sicir Baraku waa korodhka qiimaha alaabta & khadamaadka “ Goods & services” . Waxa lagu cibraa “CPI-Consumer Price Index “ ”, sida xaraarada loogo cabiro “Centigrade” . Somaliland ma laha nidaam lagu cabiro sicir bararka. Sida la ii sheegay, waxa qiyaasta sicir-bararka ugu danbaysay sanadkii 1968, waqtigaas oo Mijir Qaadi ka sheegi jiray Radio Hargeisa korodhka qiimaha khudaarta, timirta, hilibka ,bariiska, hadhuudhka iwm .Madaxwayne Siilaanyo , wuxuu kasoo qaatay Manchester University, MA Economics ,1963. Wuxuu leeyahay La-taliyaal dhaqaale oo fara badan. Weli kamay fekerin in Somaliland loo dejiyo nidaamkii lagu qiyaasi lahaa sicir-bararka . Dakhtarku intaa aanu cudurkaaga baadhin, wuxuu eegaa “xaraarada” ku haysa. Xakamaynta sicir-bararka, waxa ka horeeya in la ogaado halka u maraayo iyo inta u bil-walba kaco i.e rate of inflation 2% ;5% ;10%; 20% etc.. Markaa cabirkaas lo ogaado, ayaa la samayn kara daraasad ,dabagal iyo daawayn.
Qormooyinka soo socda, waxaan Ku soo qaadi doona sababaha curiyay sicir bararka. Waxa ka mid ah 1. Daabacaada xad-dhaafka ee lacagta loo yaqaan “Filipino ama Indhoyar” ee dawladdu suuqa soo gelisay “ Money supply” 2. Kooto-xidhka koox yar oo ganacsato ah “Oligopoly” 3. Kordhinta joogtada ah ee Cashuurta dadban Indirect Tax 4. Uruursiga & Sicirgoynta Doolarka “ Dollarised Economy ” iyo amuuro kale.

Drs.Hoodo Yusuf,UK
yhoodo@yahoo.com