Waftigii Madaxweynaha Somaliland Oo Gaadhay Dalka Ireland Si Balaadhana Loogu Soo Dhaweeyay.

0
664

Waftigii Madaxweynaha Somaliland Oo Gaadhay Dalka Ireland Si Balaadhana Loogu Soo Dhaweeyay.

Dublin-Ireland(warsugannews) Waftigii uu hoggaaminaayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa gaadhay dalka Ireland, waxaana garoonka Caalamiga ah ee Caasimadda Dublin ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ka socda Wasaaradda Arrimaha debadda ee Ireland, Xubno ka tirsan Safiirada Somaliland iyo La taliyaal. Sidoo kale waxaa Waftiga Madaxweynaha Si weyn u soo dhaweeyay Jaaliyada rer Somaliland ee ku dhaqan dalka Ireland.

Waftiga uu hoggaaminaayo Madaxweynaha Somaliland Mud. Axmed Silaanyo, waxa xubno ka ah. Wasiirka arrimaha debadda, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Madaxtooyadda, Marwada koobaad iyo Xoghayaha Madaxweynaha.

Waxaana la filaaya inay kulamo la yeeshaan Madaxda ugu saraysa dalka Ireland.

Geesta kale Waftiga Madaxweynaha Somaliland uu hoggaaminaayo Waxaa la filaaya inay kulan la qaataan Jaaliyada ku dhaqan dalka Ireland.
12076927_10153646728403535_1701002627_n

12077022_10153646729278535_201142104_n

12077527_10153646729443535_399970662_n

12092159_10153646729833535_1391626313_n

12115649_10153646729588535_6805387891514161205_n

12143113_10153646728173535_1623737410924116927_n
Muniir Axmed Cigaal
weriyaha Werftiga Madaxweynaha JSL
Dublin-Ireland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here