Waftigii Wasiirada Ee Daljir Oo U Quus Gooyay Maamul Goboleedka Butland Guulna Ka Soo Hooyay Shirkii Samo Talis Ee Deegaanka Awrgoobays

0
749
????????????????????????????????????

Waftigii Wasiirada Ee Daljir Oo U Quus Gooyay Maamul Goboleedka
Butland Guulna Ka Soo Hooyay Shirkii Samo Talis Ee Deegaanka
Awrgoobays Iyo Kaalintii Hogaamineed Ee Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi
Daljir samaha nagu daajiyoo daacad ku hogaansha
Nin daneeya baahida dadkoo danaha guud eega
Duunyada kuwaa raacayee duurka badi jooga
Nin duleedka dooxyada u mara dhaamam uga dayra
Daldaloolka nin naga awdayoo naga daboolaaya
Daba socodka duumada qabiil naga dawaynaaya
Dakhligiyo cashuuraha ninkii nagu daryeelaaya
Dariiqyada nin noo wada dhisoo dawga ku hagaaja
Talo dalable ninaan nagu dayayn dabina noo qoolin
Darifyada nin wada gaadhayoo dacalna seegaynin
Qalinkii Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle
Maalin Axada oo ku beegan 17/7/2016 ayay Wafti Wasiiro iyo Xildhibaano
ahi socdaal ku tageen Deegaanada balaadhan ee Gobolka Sanaag waana
Safarkii Labaad ee Mudo Sadex Bilood gudahooda Waft Wasiiro iyo
Xildhibaano ahi ay ku tagaan Gobolada Bari ee S/land waftigan oo ka
koobnaa Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Cismaan Saxardiid Cadaaani
Wasiirka Wasaarada Biyaha Baashe Cali Jaamac Wasiirka Wasaarada Dib u
Dajinta Cali Siciid Raygal Wasiiru Dawlaha Wasaarada Duulista Axmad
Nuur Faahiye iyo Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi
iyadoo ujeedada socdaalka waftiga Wasiiradu daarnaa dardar galinta
hawsha diiwaan galinta codbixiyayaasha oo Gobolka Sanaag ka socota iyo
ka qayb galka Shirka Samo Talis ee Deegaanka Awrgoobays oo Madaxwayne
Axmad Maxamad Maxamuud Aadan Siiraanyo Shirka gogiisa hore ugu fidiyay
qaybo ka mida Bulsho Waynta S/land ee Gobolada Sanaag Sool iyo
Xaysimo.
Waftiga Wasiirada iyo Xilldhibaanada ayaa soo dhawayntii ugu
balaadhnayd kala kulmay dhamaan bulsho waynta S/land ku dhaqan
deegaanka balaadhan ee Gobolka Sanaag iyagoo waftiga Wasiiradu waqti
galab ah gaadhay Dagmada Garadag waxaanay Shirar iyo Kulano la
yeesheen Masuuliyiinta Dagmada, Madax dhaqmeedka,Odayada,Waxgaradka,
iyo Dhamaan Ururada Bulshada, Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Maxamuud
Xaashi Cabdi oo Hadal Mug iyo Misaan leh u jeediyay dadwaynaha Garadag
isagoo kula dardaarmay in ay qaataan Kaadhka diiwaan galinta Cod
bixiyaha mar kale waxuu Wasiir Maxamuud Xaashi hoosta ka xariiqay in
Dadwaynaha Reer Garadag ayna aqoon guurguurka iyo godad laha Siyaasada
Taageero baaxadlehna u hayaan Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo iyo
Xisbiga Kulmiye .

Waftiga Wasiirada iyo Xildhibaanadu waxay u dhaafeen Dagmada Ceel
Afwayn iyagoo sii maray Tuulyin ay ka mid yihiin Waridaad, Xayir,
Xayira.iyo Barkada Cali Xirsi iyagoo Waftiga Wasiirada iyo
Xildhibaanadu dhamaan Deegaanadii ay sii mareen kala kulmay soo
dhawayn balaadhan oo ka turjumaysa taageerada ay Bulshada Deegaanadaas
ku dhaqan u hayaan Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo iyo Xisbiga Kulmiye
iyadoo Waftiga Wasiirada iyo Xilldhibaanadu kula dardaarmay Bulshada
ku dhaqan deegaanka Dagmada Ceel Afwayn in ay qaataan Kaadhka diiwaan
galinta Cod bixiyaha oo ay gutaan Xaqa ay u leeyihiin in ay codeeyaan.
Intaa ka dib waxay Waftiga Wasiirada u sii dhaafeen Deegaanka
Awrgoobays waxayna ka qayb galeen Furitaanka Shirka Samo Talis oo daba
socda Gogoshii uu hore ugu fidiyay Madaxwayne Siiraanyo Beelaha daga
Gobolka Sool,Xaysimo,iyo Sanaag Bari iyadoo Furitaanka Shirka Samo
talis Hadal uu ka jeediyay Wasiirada Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud
Xaashi Cabdi soo jiitay dhamaan
Garaadadii,Madaxdhaqmeedkii,Odayadii,iyo Waxgaradkii ku sugnaa Madasha
Shirka ku sugnaa,
Waxaana Marag Madoona In Shirka Samo Talis Ee Deegaanka Awrgoobays Uga
Qabsoomay Bulshada Gobolada Sool,Xaysimo,Iyo Sanaag Bari Uu Ka
Turjumayo Hogaaminta Suuban Ee Madaxwayne Siiraanyo Waana Talaabo Hore
Loo Qaaday Oo U Quus Goysay Maamul Goboleedka Butland Iyo Guul U Soo
Hoyatay Midnimada, Wadajirka Bulsho Waynta S/Land Bari Iyo Galbeedba.
Shirka Samo Talis oo ah Gogoshii Madaxwayne Siiraanyo hore ugu fidiyay
Bulshada Gobolada Sool, Xaysimo, iyo Sanaag Bari oo Wakiilka Garaadka
Guud beelaha Dhulbahante C/laahi Garaad Saleemaan Garaad Maxamad oo
Madasha Shirka ka hadlay ayaa Xaqiijay in ay wax la leeyihiin Golaha
S/land sidoo kale waxaa ka hadlay Madasha Shirka
Madaxdhaqmeed,Odayo,Waxgarad iyo Masuuliyiin dhamaantood ku dheeraaday
in ay wax la leeyihiin Bulshada S/land.
Shirka Samo Talis oo Laba maalmood socday ayaa ah talaabo hore loo
qaaday iyo guulo la talaaban karo laga soo hooyay iyadoo lagu soo
gunaanaday Qodobo bud u dhig u noqon doona Nabadgalyo buuxda oo la
helo Midnimada iyo Wadajirka Bulshada S/land oo noqota mid xoogaysata
.
Isku soo wada duuboo Shirka Samo Talis waxay ka turjumaysaa Hogaaminta
suuban ee Madaxwayne Axmad Maxamad Maxamuud Aadan (Siiraanyo) iyo
waayo aragnimada siyaasadeed ee Xisbiga Kulmiye iyadoo ay waajib tahay
in Mucaaradku ka marag kacaan Horomarka muuqda iyo dadaaalada ay ugu
jirto adkaynta Nabadgalyada, Wadajirka, iyo Midnimada Gobolada Bari ee
Sool, Xaysimo, iyo Sanaag Bari
Qalinkii Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle