Wakhtigii Loogu Talagalay Diiwaangalinta Cod Bixiyeyaasha Itoobiya Oo La Kordhiyay

0
239

Sida uu shaaciyay Komishinka doorashooyinka ee Itoobiya waxaa laba toddobaad lagu daray wakhtigii loogu talagalay diwaangelinta codbixiyeyaasha.

Komishinka ayaa sheegay in qaybo kamid ah ay u muuqatay mid dib u dhac ka jiray dhinaca furidda xarumaha qaar ee diwaangalinta codbixiyeyaasha.

Dhinaca kale degaannada Soomaalida iyo Canfarta oo ka mid ah goobaha uu dib u dhacu ka jiray ayaa iyaga si gaar ah loogu kordhiyay saddex toddobaad inay ka socoto hawlaha diiwaan galinta codbixiyeyaasha.

Guud ahaan dalka Itoobiya ayaa la filayaa inay dhawaan ka dhacdo doorasho loo dhan yahay,  inkastoo dadka falanqeeya siyaasadda ay ka dayrinayaan siday u qabsoomayso doorashadan,  iyadoo dalka qaybo kamid ahi colaado ka jiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here