Walaac Hadheeyay Musharraxiinta Xisbiyada Mucaaridka Iska Sharraxay Ee Ay Isku Deegaanka Yihiin Madaxweyne Biixi

0
243

Tan iyo markii ay Xukuumaddu Xabsiga dhigtay labaddii Musharax ee Xisbiga UCID oo aan illaa hadda la hayn sababta xadhiggood, ayaa si weyn Cabsi iyo wal u soo food saaray Musharaxiinta Xisbiyadda Mucaaridka ka sharaxan ee ay isku deegaanka yihiin Madaxweynaha hadda talada dalka haya. Sida ay Wargeyska Foore u sheegeen qaar ka mid ah Taageerayaasha iyo Murashaxiintan Cabsidu soo waajahday, waxay si weyn uga wal wal qabaan in maruun lasoo hujuumo iyadoo loogu soo gabannayo ama loogu mar marsiinayo  shuruudaha laga doonayo Musharaxiinta ee dhinaca Hay’addaha Dawladda kaga xidhan gaar ahaan Garsoorka, waxaana si weyn qaar laga dareemayaa diyaar garaw xoog ah iyo iska caabin ay damacsan yihiin inay jawaab uga dhigaan haddiiba ay dhacdo in lasoo faro galiyo.

Musharaxiinta ugu cabsida iyo wal walka badan ayaa waxa ugu horeeya oo ka mid ah Musharaxiinta ay isku haybta yihiin Madaxweyne Biixi ee ay isku deegaanka kasoo jeedaan kuwaasi oo aaminsan in arimihii lagula kacay labadii Musharax ee dhigoodda ahaa ee Jeelka Mandheera loo dhaadhiciyay ay dhici karto in iyagana loola yimaado. Musharaxiinta wadnaha farta ku haya waxa ka mid ah kuwo Musharaxiin ay isku jilib yihiin ay ka sharaxan yihiin Xisbi Xaakimka Kulmiye kuwaasi oo cuqaasha iyo odayaasha beeshu taabacsan yihiin, islamarkaana kuwan kale u arka kuwo feedho jeex ah oo taladii beesha baal maray, waxaanay ka cabsi qabaan in awood dawladeed loo adeegsado.

Kulamo isdaba joog ah oo Musharaxiintani maalmihii u dambeeyay la yeelanayeen taageerayaashooda ayaa waxa ay ku baraarujinayeen inay heegan ahaadaaan islamarkaana ay la socdaan talaabooyinka socda ee lagu carqaladaynayo hankooda. Mid ka mid ah taageerayaasha ragga ugu awooda badan ee haddana cabsidu soo waajahday ayaa waxa uu Wargeyska Foore u sheegay in meesha ugu daran ee ay Xukuumaddu u istaagi kartaa ay ka mid tahay Shuruudaha Musharaxiinta kaga xidhan Xeer ilaalinta iyo Dambi baadhista, halkaasi ay sheegeen inay si dhaw ula socdaan waxa kasoo kordha.

Dhinaca kale Labadii Musharax ee Xisbiga UCID ee Jeelka Mandheera loo dhaadhiciyay ayaan war dambe laga hayn tan markii 14-cisho oo rumaan “Xabsi ku hayn” ah loo diray, waxaana si weyn loo hadal hayaa inay Maanta oo Khamiis ah ay ku egtahay gudbinta liiska musharaxiinta taasi noqonaysa in labadaasi Musharax ay sidaasi kaga hadhi karaan  Tartanka Doorashada hadaanay helin qorshe kale oo lagu maareeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here