War deg deg ah Agaasimihii Royal Tv u qaabilsanaa Somaliland Mudane Yaxye Sheekh Ismaaciil oo iska Casilay Gebi ahaanba Shaqadii uu ka hayey Televisionkaasi, Una diga-rogtay Goob cusub

0
315

War deg deg ah Agaasimihii Royal Tv u qaabilsanaa Somaliland Mudane Yaxye Sheekh Ismaaciil oo iska Casilay Gebi ahaanba Shaqadii uu ka hayey Televisionkaasi, Una diga-rogtay Goob cusub.

Hargeysa(Warsugannews) Agaasimihii Royal Tv u qaabilsanaa Somaliland Mudane Yaxye Sheekh Ismaaciil oo iska Casilay Gebi ahaanba Shaqadii uu ka hayey Televisionkaasi royal ayaanu khadka Mobileka wax kaga waydiinay sababaha uu uga tegay shaqada iyo hadii ay jirto inuu u wareegay television kale.

Waxaanu weriye Yaxye Sheekh ismaaciil noo xaqiijiyey inuu ka tegay shaqadii uu ka hayey Royal Tv isaga oo sheegay inay taasi ka danbaysay goaan uu isagu qaatay una wareegay televisionka KALSAN TV oo isaguna ka hawlgala Somaliland iyo guud ahaan dhulka Soomaalidu degto.

Ugu danbayna waxa uu xamse ka gaabsaday inuu qodobeeyo ama wax nooga sheego hadii ay jiraan arrimo ku qasbay inuu ka wareego Royal Tv.

Hadaba iyadoo ay dhawaan uun ahayd markii Television ka Star Tv uu iska casilay Agaasimihii hore Xamse Cali Bulbul ayaan la garanayn sababta ka danbaysa inay is casilaan maamulayaashii tv-yadaasi gaarka loo leeyahay, iyo waxay salka ku hayso toona, haseyeeshee Shebededa wararka ee Warsugannews waxay marwalba idin soo gudbindoontaa warar la hubo oo ku salaysan xaqiiqada.

Warsugannews
Warsugannews
Somaliland
Hargeysa/Office