War deg-deg ah: Dablay Hubaysan oo Gobolka Saaxil ka soo jeeda oo rasaas la beegsaday Booyado shidaal oo u kala socday Burco iyo Hargeysa.

0
324

War deg-deg ah: Dablay Hubaysan oo Gobolka Saaxil ka soo jeeda oo rasaas la beegsaday Booyado shidaal oo u kala socday Burco iyo Hargeysa.

Berbera(Warsugannews) waxa gobolka saaxil in dhawyadba ka taagnayd xaalada haamaha shidaalka berbera ka dib markii xukuumadu dhawr maalmood ka hor ay wareejisay Haamihii kaydka Shidaalka Berbera kuna wareejisay Ganacsato madaxbanaan ayay wax isbedeleen ka dib markii xukuumadu gacanta ku soo dhigtay 5 Eedaysane oo la sheegay inay kicin iyo abaabul ka wadeen gobolka saaxil.

taasina waxay sababtay in maleeshiyo beeleed ama dablay is abaabulay ay galaan buurta sheekh iyo wadada u dhaxaysa berbera iyo Hargeysa, sida uu BBC-Somali u xaqiijiyey Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar. waxaanu sheegay inay laba booyadood ay taayirada ka toogteen balse aanay cid waxba yeelin kuna daba jiraan dablaydaasi.

weerarkaasi oo ka dhacay buurta sheeg oo dhinaca bari ka xigta Berbera iyo Daragodle oo dhinaca galbeed ka soo xigta berbera taasi oo u muuqata in dablaydaasi isu qaybisay wadooyinka soo gala gobolka saaxil.

Hadaba wixii warar ah ee soo kordha waxa aanu idinku soo gudbin halkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here