War deg-deg ah: Gudoomiyihii Shirkada Telesom ee Gobolka Sool oo goordhawayd Dablay Hubaysani ku Togteen gudaha Laascaanood

0
1136

War deg-deg ah: Gudoomiyihii Shirkada Telesom ee Gobolka Sool oo goordhawayd Dablay Hubaysani ku Togteen gudaha Laascaanood

Laascaanood(Warsugannews) waxa goor dhawayd toogasho lala beegsaday gudoomiyihii shirkada Telesom ee laascaanood Mudane Cabdirisaaq Axmed Warsame (Dhabayaco) oo ay xabadi kaga dhacday dhuunta haseyeeshe uu dhaawac culus yahay wakhtigan sida uu noo xaqiijiyey Gudoomiyaha gobolka Sool Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) oo aanu wax ka waydiinay dilkaas, waxaanu gudoomiyuhu noo xaqiijiyey in masuulkan la toogtay wakhti uu ka soo baxay masjidka siina geleyey xafiiskiisa, hase ahaatee ay rasaas ku fureen laba wiil oo hubaysani, wakhtigana ay ku daba jiraan ciidamada Booliska ee gobolku.

Dhaawaca ninkan oo hada lagu dawaynayo cusbitaalka magaalada laascaanood ayaa ah mid xaaladiisu tahay Allow sahal, wixii ka soo kordha ee dambena waanu idinla soo socodsiin doonaa.