War Deg Deg Ah: Muwaadin U Dhashay Dalka Somaliland Oo La Xaqiijiyay Inuu Kamid Aha Dadkii Ku Dhintay Wiishki Ku Dumay Masajidka Maka.

0
411

War Deg Deg Ah: Muwaadin U Dhashay Dalka Somaliland Oo La Xaqiijiyay Inuu Kamid Aha Dadkii Ku Dhintay Wiishki Ku Dumay Masajidka Maka.

Maka(Warsugannews) Alle haw naxariiste waxaa goor dhawayd si rasmiya loo xaqiijiyay inuu kamid aha dadkii ku dhintay wiishki ku soo dumay Masaajidka Barakaysan ee Xaramka ee Maka, Xaji Maxamed Cumar Xuseen oo alle qadarkii kamid noqday dadkii ku dhintay shilkaas ka dhashay dumitaanka wiisha.

“Waxaanu xaqiijinaynaa inuu Geeriyooday Xaji Marxuum Maxamed Cumar Xuseen oo ah Muwaadin u dhashay Somaliland, kana soo xajay Magaalada Hargaysa, hadda ayay Xukuumadda Sucuudigu noo ogolaatay in aanu u galno maydadka taas ayaanu ku ogaanay”. Sidaa waxa goor dhawayd u xaqiijiyay Shabakada Wararka ee Somalilandtoday.com Safiirka JSL ee Arrimaha Xajka Sheekh Axmed Aadan Dagaal (Safiina)

Muwaadinkan Xaajiga ah ee u dhashay dalka Somaliland, kana tagay Magaalada Hargaysa, ayaa noqonaaya ilaa hadda inta la ogtahay qofka kaliya ee qoomiyada afka Soomaaliga ku hadasha kaga dhintay shilkaas alle qadaray ee ka dhacay Masaajidka Marakaysan, iyadoo Xujajtaasi gudanaya waajibaadka Xajka.
Bahada Somalilandtoday Media Group, waxay tacsi u dirayaan dhammaan qoyskii qaraabadii iyo shacabka Somaliland ee uu ka baxay Xajigaasi, allena waxaanu uga baryaynaa inuu ku casuumo jannooyinkiisa qaaliga ah. Aamiin…….Amiin.

warsugannews

warsuganmedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here